Golaha Wakiilada Somaliland

Golaha Wakiilada Somaliland Page ka Golaha wakiilada Somaliland

03/09/2026

Hargeysa, 3- Sebtembar 2026 Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa maanta ka qayb galay xafladda qalin-jabinta Dufcaddii 17aad ee Golis University.

Munaasabadda ayaa ahayd mid ay ka soo qayb galeen maamulka iyo macallimiinta jaamacadda, waalidiinta, marti-sharafta iyo ardaydii ka qalin-jabisay jaamacadda.

Mudane Siciid Mire Faarax (Giire) ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda, isaga oo hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda qalin-jabisay, kuna dhiirrigeliyey inay aqoontooda iyo xirfadahooda uga faaโ€™iideeyaan dalkooda iyo dadkooda.

๐—ช๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก.
03/09/2026

๐—ช๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก.

๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ, ๐—œ๐˜€๐—ป๐—ถ๐—ถ๐—ป โ€“ ๐Ÿฏ๐Ÿญ ๐—”๐˜‚๐—ด๐˜‚๐˜€๐˜ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ โ€” Guddida Hawlaha Golaha (Business Committee) ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somal...
01/09/2026

๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ, ๐—œ๐˜€๐—ป๐—ถ๐—ถ๐—ป โ€“ ๐Ÿฏ๐Ÿญ ๐—”๐˜‚๐—ด๐˜‚๐˜€๐˜ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ โ€” Guddida Hawlaha Golaha (Business Committee) ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Wakiillada.

Kulankan shir-guddoominayay ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฒ ๐—ž๐˜‚-๐˜…๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿญ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฎ๐—ต๐—ป๐—ฎ ๐—ž๐˜‚-๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ, ๐— ๐—ฑ. ๐—ฆ๐—ถ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ ๐— ๐—ถ๐—ฟ๐—ฒ ๐—™๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜… (๐—š๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ฒ), uuna goob-joog ka ahaa ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฒ ๐—ž๐˜‚-๐˜…๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ, ๐— ๐—ฑ. ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ ๐—ซ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—ฑ ๐—๐—ถ๐—ฏ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—น.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd diyaarinta iyo dardar-gelinta ๐—ค๐—ฎ๐—ฏ๐˜†๐—ผ-๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ท๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ž๐—ฎ๐—น-๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐Ÿญ๐Ÿฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ, kaas oo saldhig u noqon doona qorshaynta iyo hagidda hawlaha shaqo ee Golaha Wakiillada inta uu socdo kal-fadhigu.

Intii uu socday kulanka, xubnaha Guddida Hawlaha Golaha ayaa si qoto dheer uga dooday qodobadii ay soo diyaariyeen Guddiyada Golaha ee ajandaha, iyagoo eegaya muhiimadda ay u leeyihiin hawlaha Golaha, bulshada iyo guud ahaan qaranka.

Ugu dambayn, Guddida Hawlaha Golaha ayaa cod-gacan-taag ah ku ansixisay Qabyo-qoraalka Ajandaha Kal-fadhiga 15aad, kaas oo noqon doona qorshaha shaqo ee Golaha Wakiilladu ku hawlgali doono, iyadoo loo gudbin doono Golaha Wakiillada, si uu uga guto waajibaadkiisa shaqo.

Sidoo kale, fadhigan waxa lagu goโ€™aamiyey in Kal-fadhiga 15aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah loo furo Sabtida, 05-ka Sebtembar 2026.

๐—”๐—Ÿ๐—Ÿ๐—”๐—”------๐— ๐—”๐—›๐—”๐——--------๐—Ÿ๐—˜๐—›.

๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ๐‹๐€๐€๐‡๐ˆ ๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ ๐€๐€๐ƒ๐„๐
Agaasimaha Waaxda Warbaahinta & Xidhiidhka Dadweynaha

๐†๐Ž๐‹๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐Š๐ˆ๐ˆ๐‹๐‹๐€๐ƒ๐€ ๐‰๐’๐‹
[email protected]
www.somalilandparliament.net

๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ, ๐—ฆ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ โ€“ ๐Ÿฌ๐Ÿญ ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฏ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ Guddida Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda ...
01/09/2026

๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ, ๐—ฆ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ โ€“ ๐Ÿฌ๐Ÿญ ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฏ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ Guddida Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan la yeeshay Hoggaanka Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka JSL, kaas oo lagaga wada hadlay Wax-ka- beddelka Xeerka Waddamarista Gaadiidka iyo sidii loo xoojin lahaa hirgelintiisa.

Kulanka waxa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddida Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta, Md. Axmed Xasan Cali (Casoowe), waxaana ku wehelinayay Xildhibaanada xubnaha ka ah Guddida iyo hawl-wadeennada Guddida.

Dhinaca Hoggaanka Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka waxa kulanka hoggaaminayay Taliye Md. Maxamed Cige Cidheere.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha badbaadada waddooyinka, nidaaminta gaadiidka, calaamadaha waddooyinka, ilaalinta shuruucda waddamarista iyo yaraynta shilalka gaadiidka.

Labada dhinac ayaa is-dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Waddamarista Gaadiidka, iyo sidii xeerku u noqon lahaa mid wax-ku-ool ah oo kor u qaada badbaadada iyo nidaamka waddooyinka dalka.

Guddidu waxay sidoo kale dhegaysatay caqabadaha iyo baahiyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee la xidhiidha fulinta xeerka, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hayโ€™adaha ay khusayso, wacyigelinta bulshada iyo adkaynta dhaqangelinta xeerarka waddamarista.

๐—”๐—Ÿ๐—Ÿ๐—”๐—”------๐— ๐—”๐—›๐—”๐——-------๐—Ÿ๐—˜๐—›.

๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ๐‹๐€๐€๐‡๐ˆ ๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ ๐€๐€๐ƒ๐„๐
Agaasimaha Waaxda Warbaahinta & Xidhiidhka Dadweynaha
๐†๐Ž๐‹๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐Š๐ˆ๐ˆ๐‹๐‹๐€๐ƒ๐€ ๐‰๐’๐‹
[email protected]
www.somalilandparliament.net

Guddida Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Tiknoolajiyada ee Golaha Wakiillada JSL, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddida, Md...
24/08/2026

Guddida Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Tiknoolajiyada ee Golaha Wakiillada JSL, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddida, Md. Axmed Xasan Cali (Casoowe), ayna ku wehelinayaan Xildhibaanada xubnaha ka ah Guddida, ayaa saaka kulan la yeelatay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay wax-ka-beddelka Xeerka Waddo-marista Gaadiidka, kaas oo ay Guddidu gacanta ku hayso. Waxaana labada dhinac iska waydaarsadeen xog, talooyin iyo aragtiyo ku saabsan qodobada xeerka iyo baahida loo qabo in wax-ka-beddelkiisu waafaqo xaaladda iyo baahiyaha gaadiidka iyo waddo-marista dalka.

Kulankan ayaa qayb ka ah hawlaha Guddidu u xil-saaran tahay ee dib-u-eegista iyo horumarinta xeerarka khuseeya gaadiidka iyo waddo-marista.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL  Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo Maanta ka qaybgalay kulan uu Madaxwey...
22/08/2026

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo Maanta ka qaybgalay kulan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku qabtay Qasriga Madaxtooyada, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland.

Waxaanu si gaar ah Madaxwaynuhu U Soo Dhaweeyay Siyaasiyad Fahiima Yusuf Quuje Oo qayb weyn ka qaadan karta xoojinta nabadda, isu-soo-dhawaynta iyo walaalaynta bulshada, Doorkeeda iyo saamaynteedu waxay wax weyn ka tari karaan dhismaha kalsoonida, isfahamka iyo nabad waarta oo dhex marta bulshada.

Kulanka waxa sidoo kale looga hadlay sidii loo adkayn lahaa nabadda iyo wadajirka Qaranka, loona xallin lahaa wixii khilaaf iyo xurguf ah ee jira wada-hadal, is-afgarad iyo walaalnimo.

waxaan ku baaqayaa in dhammaanteen ka wada shaqayno nabadda, midnimada iyo isku duubnida shacabka jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Media-Yaha Golaha Wakiillada JSL.

22/08/2026

Hargeysa โ€“ 22 August 2026: Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Garyaqaan Cabdirsaaq Siciid Ayaanle, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Somaliland, oo ay weheliyaan La-taliyayaasha Golaha Wakiillada, ayaa kulan kula yeeshay xarunta Golaha Wakiillada hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA).
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta wada-shaqaynta Baarlamaanka iyo warbaahinta, fududaynta helitaanka iyo tebinta xogta labada Gole, iyadoo la ilaalinayo nidaamka, amniga iyo habraacyada shaqo.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in wada-hadallada iyo wada-shaqayntu sii socdaan, si loo gaadho hannaan iyo is-afgarad labada dhinacba ku qanacsan yihiin.

22/08/2026

Wasiirka Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soogaadhay Xafiiska Guddida Joogtada ee Golaha Wakiillada JSL.

12/08/2026

Washington, D.C. โ€” Xildhibaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa magaalada Washington, D.C. kula kulmay siyaasiyiin Maraykan iyo Israaโ€™iiliyiin ah, aqoonyahanno iyo xubno taageera qadiyadda Somaliland, oo ay ka mid yihiin Joel Rubin iyo Michael Freund.

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka iyo Israaโ€™iil, iyo dadaallada ku aaddan aqoonsiga Somaliland.

Xildhibaanku waxa uu uga mahadceliyey Prof. Axmed Xuseen Ciise iyo Jamaal Yuusuf Daroor doorkii ay ka qaateen abaabulka kulamadan.

05/08/2026

๐†๐”๐ƒ๐ƒ๐ˆ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€, ๐ƒ๐ˆ๐…๐€๐€๐‚๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐€๐Œ๐๐ˆ๐†๐€ ๐„๐„ ๐†๐Ž๐‹๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐Š๐ˆ๐ˆ๐‹๐‹๐€๐ƒ๐€ ๐€๐˜๐€๐€ ๐Š๐”๐‹๐€๐ ๐๐Ž๐Ž๐๐€๐’๐‡๐Ž ๐ˆ๐˜๐Ž ๐’๐‡๐€๐๐Ž ๐Š๐” ๐“๐€๐†๐€๐˜ ๐—๐€๐‘๐”๐๐“๐€ ๐“๐€๐‹๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐‚๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐€๐๐Š๐€ ๐๐Ž๐Ž๐‹๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐‰๐€๐Œ๐‡๐”๐”๐‘๐ˆ๐˜๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐’๐Ž๐Œ๐€๐‹๐ˆ๐‹๐€๐๐ƒ.

#

Address

Road Number 1/sha'ab Area/Near Presidential Palance
Hargeisa

Opening Hours

Monday 09:00 - 14:00
Tuesday 09:00 - 14:00
Wednesday 09:00 - 14:00
Thursday 09:00 - 14:00
Saturday 09:00 - 14:00
Sunday 09:00 - 14:00

Telephone

+252634430873

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Wakiilada Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Golaha Wakiilada Somaliland:

Shortcuts

Share