24/08/2026
Hambalyo Mawliidka Nabiga ﷺ
Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gude iyo dibadba, iyo guud ahaan ummadda Muslimka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan, munaasabadda qiimaha iyo sharafta badan ee dhalashada Suubbanihii Nabi Muxammad NNKH, oo ku beegan caawa 12-ka Rabiicul Awal 1448-ka Hijriyada.
Munaasabadda Mawliidka Nabigeenna Muxammad Alle ha inooga dhigo kuwa jecel oo raaca Sunnada Rasuulkeenna Muxammad ﷺ, hana inoogu deeqo shafeecadiisa maalinta Qiyaamaha.
اللهم صل وسلم وبارك على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.