21/07/2026
📅Salaasa 21-July -2026
Shirka Waaxyaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradaha ayaa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka Wasaaradda JSL, waxaana guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdirashiid Cabdi Jaamac.
Intii uu shirku socday, waaxyaha Wasaaradda ayaa soo bandhigay qorshahooda waxqabadka lixda bilood ee u dhexeeya July–December 2026, kaas oo waafaqsan qorshaha istaraatiijiga ah ee Wasaaradda iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka.