Association of Local Government Authorities of Somaliland (ALGASL)

Association of Local Government Authorities of Somaliland (ALGASL) Empowering local governments across Somaliland to deliver effective services and foster sustainable development.

The association was first formed as Municipal association in 2006 and later on upgraded into local government association in 2006. It has a governance structure and General Assembly is the highest decision-making authority followed by the Board of Directors. The organization day to day work is run by a secretariat headed by openly recruited Executive Director. The prime objectives of setting up th

is local government association include uniting the voice of the local governments to promote their interests, sharing best practices and enhancing local governance in general. ALGASL plays vital role in decentralization and linking central and local government authorities.

**KULANKA DHAMAYSTIRKA IYO ANSIXINTA QORSHAHA SHANTA SANO EE DEGMADA BURCO (2026–2030)**Ururka Dawladaha Hoose ee Somali...
22/08/2026

**KULANKA DHAMAYSTIRKA IYO ANSIXINTA QORSHAHA SHANTA SANO EE DEGMADA BURCO (2026–2030)**

Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland (ALGASL) iyo Dawladda Hoose ee Burco ayaa magaalada Burco ku qabtay **Kulanka Dhamaystirka iyo Ansixinta Qorshaha Shanta Sano ee Degmada Burco (2026–2030)**, kaas oo lagu soo bandhigay lagagana tashaday qorshaha istaraatiijiga ah ee horumarinta degmada.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay **Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Burco, Mudane Aamiin Cabdillaahi Yaasiin**, waxaana ka qaybgalay masuuliyiinta Dawladda Hoose, ALGASL, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyayaasha degmada.

Qorshahan shanta sano ah oo ay iska kaashadeen **ALGASL iyo Dawladda Hoose ee Burco** ayaa qeexaya mudnaanta iyo jihada horumarineed ee degmada muddada 2026–2030, isaga oo diiradda saaraya **horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, casriyeynta jidadka, horumarinta suuqyada, bilicda magaalada, dawlad-wanaagga iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.**

Intii uu kulanku socday, ka qaybgalayaasha ayaa ka dooday qorshaha, iyaga oo soo jeediyay talooyin, wax-ka-beddel iyo kaabis, si qorshaha k**a dambaysta ahi uga tarjumo baahiyaha iyo mudnaanta horumarineed ee bulshada Burco.

Qorshahan ayaa noqonaya **khariidadda istaraatiijiga ah ee hagaysa mashaariicda iyo dadaallada horumarineed ee Degmada Burco shanta sano ee soo socota**, iyadoo ALGASL ay door muhiim ah ka qaadanayso xoojinta qorshaynta loo dhan yahay iyo ka qaybgalka bulshada.

22/08/2026
**KULANKA ANSIXINTA QORSHAHA SHANTA SANO EE DEGMADA GABILEY (2026–2030)**Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland (ALGASL) i...
22/08/2026

**KULANKA ANSIXINTA QORSHAHA SHANTA SANO EE DEGMADA GABILEY (2026–2030)**

Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland (ALGASL) iyo Dawladda Hoose ee Gabiley ayaa magaalada Gabiley ku qabtay **Kulanka Ansixinta Qorshaha Shanta Sano ee Degmada Gabiley (2026–2030)**, kaas oo lagu soo bandhigay lagagana tashaday qorshaha istaraatiijiga ah ee horumarinta degmada.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay **Maayarka Degmada Gabiley, Mudane Mursal Maxamed Jaamac**, waxaana ka qaybgalay masuuliyiinta Dawladda Hoose, ALGASL, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyayaasha degmada.

Qorshahan shanta sano ah oo ay si wadajir ah u diyaariyeen **ALGASL iyo Dawladda Hoose ee Gabiley** ayaa qeexaya mudnaanta iyo jihada horumarineed ee degmada muddada 2026–2030, isaga oo diiradda saaraya **horumarinta adeegyada bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, dawlad-wanaagga iyo kobcinta dhaqaalaha degmada.**

Intii uu kulanku socday, ka qaybgalayaasha ayaa ka dooday qorshaha, iyaga oo soo jeediyay talooyin, wax-ka-beddel iyo kaabis lagu xoojinayo qorshaha, si uu uga tarjumo baahiyaha iyo mudnaanta horumarineed ee bulshada Degmada Gabiley.

Qorshahan ayaa noqonaya hagaha istaraatiijiga ah ee degmada muddada shanta sano ee soo socota, si loo xaqiijiyo **horumar qorshaysan, adeegyo bulsho oo tayo leh iyo horumar waara oo degmada Gabiley gaadho.**

KULANKA ANSIXINTA QORSHEHA SHANTA SANO EE DEGMADA BORAMA (2026–2030)Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland (ALGASL) ayaa m...
22/08/2026

KULANKA ANSIXINTA QORSHEHA SHANTA SANO EE DEGMADA BORAMA (2026–2030)

Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland (ALGASL) ayaa magaalada Borama ku qabtay Kulanka Ansixinta Qorshaha Shanta Sano ee Degmada Borama (2026–2030), kaas oo lagu soo bandhigay lagagana tashaday qabyo-qoraalka qorshaha horumarineed ee degmada.

Kulanka waxaa furay Maayar Ku-xigeenka Degmada Borama, Mudane Axmed Cali Xaddi, waxaana ka qaybgalay Agaasimaha ALGASL, Agaasime-waaxeedyada Dawladda Hoose ee Borama, Guddoomiyeyaasha degmooyinka/xaafadaha Borama, guddiyada xaafadaha iyo daneeyayaasha kale ee degmada.

Intii uu kulanku socday, ka qaybgalayaasha waxaa loo soo bandhigay qabyo-qoraalka Qorshaha Shanta Sano (2026–2030), waxaana si wadajir ah looga dooday qodobada u baahan wax-ka-beddel, kaabis iyo talooyin dheeraad ah, si qorshaha k**a dambaysta ahi uga tarjumo baahiyaha iyo mudnaanta horumarineed ee Degmada Borama.

Kulankani wuxuu qayb ka yahay dadaallada ALGASL ee lagu xoojinayo qorshaynta horumarinta dawladaha hoose, ka-qaybgalka bulshada iyo hirgelinta qorshayaal ku salaysan baahiyaha iyo mudnaanta deegaanka.

Validation of the District Disaster Risk Management (DRM) Training Manual21–22 July 2026, ALGASL conducted a two-day wor...
27/07/2026

Validation of the District Disaster Risk Management (DRM) Training Manual

21–22 July 2026, ALGASL conducted a two-day workshop to review and validate the District Disaster Risk Management (DRM) Training Manual. Participants from Borama, Berbera, Hargeisa, Gabiley, and Burco Districts shared their experiences and provided valuable inputs based on the establishment and operation of their District DRM Departments.

The workshop strengthened the manual by incorporating practical lessons and best practices to support effective disaster risk management across Somaliland's local governments.

14/07/2026

Address

Xaafada Ka Soo Horjeedka Akadamiya Nabada (APD)
Hargeisa
SHACABKA

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Association of Local Government Authorities of Somaliland (ALGASL) posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Association of Local Government Authorities of Somaliland (ALGASL):

Shortcuts

Share