Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL

Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL The Somaliland National Human Rights Commission is a government institution tasked with the promotion and protection of human rights in Somali land.

Komishanka Xuquuqda Aaddamaha Qaranka

Waxa maanta magaalada Hargeysa  lagu qabtay munaasibad ay si rasmi ah xilka ula wareegtay Agaasimaha cusub ee Komishanka...
20/08/2026

Waxa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad ay si rasmi ah xilka ula wareegtay Agaasimaha cusub ee Komishanka Xuquuqda Aadamaha qaranka.

Munaasibadda waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Komishanka, Guddoomiye Ku-xigeenka, Garyaqaanka, xubno ka tirsan Maamul-wanaagga, xubnaha Komishanka iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay munaasibadda.

Intii ay munaasibaddu socotay, Agaasimihii h**e Komiishanka ayaa ka waramay waxqabadkii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay

Agaasimaha cusub ayaa dhankeeda ku bogaadisay agaasimhi h**e hawlihii shaqo ee uu soo qabtay, waxaanay dhankeeda balanqaaday inay sii dardar galin doonto shaqada iyo hawlaha muhimka ah ee Komishanka xuquqal aadanaha qaranku u xilsaaran yahay

Warbixin Hordhaca: Cabashada Xusbiga Siyaasiga ah ee KAAHMaanta oo ay taariikhdu tahay 17/08/2026 Xisbiga Siyaasiga ah e...
17/08/2026

Warbixin Hordhaca: Cabashada Xusbiga Siyaasiga ah ee KAAH
Maanta oo ay taariikhdu tahay 17/08/2026 Xisbiga Siyaasiga ah ee Kaah ayaa cabasho u soo gudbiyey Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka, taas oo la xidhiidha hay’adaha amniga oo ku raadjooga soo qabashada Afhayeenka xisbiga. Cabashada ayaa lagu sheegay in Afhayeenka lagu hayo cabudhin la xidhiidha xorriyadda hadalka, isla markaana lagu sameeyey cagajuglayn.
Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka, isaga oo ka duulaya cabashadaas, ayuu booqday Taliska Guud ee Ciidanka Booliska iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga ee JSL.
Baadhista arrintan waxa Komishanku u saaray afar xubnood oo kala ah:
1. Md. Mustafe Cali Cismaan – Guddoomiye Ku-xigeenka KXAQ JSL,
2. Garyaqaan Maxamed Jaamac Ibraahim; Xubin Komishaneerada KXAQ JSL
3. Marwo Muuna Jaamac Cali; Xubin Komishaneerada KXAQ JSL,
4. Md. Baashe Maxamuud Faarax (Dhaaciye); Xubin Komishaneerada KXAQ JSL.
Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranku marka ay u soo dhammaystiranto Baadhista cabashadu, wuxuu dadweynaha iyo hay’adaha ay khusayso la wadaagi doonaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan natiijada baadhista.
ALLAA MAHAD LEH

WAR-SAXAAFADEED:  ISBEDDEL MAAMUL OO LAGU SAMEEYAY KXAQ JSLHargeysa, Somaliland 17/08/2026] – Komishanka Xuquuqda Aadama...
17/08/2026

WAR-SAXAAFADEED:
ISBEDDEL MAAMUL OO LAGU SAMEEYAY KXAQ JSL

Hargeysa, Somaliland 17/08/2026] – Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka (KXAQ) wuxuu ku wargelinayaa hay'adaha ay khusayso, in maanta uu si rasmi ah u dhaqan galay isbeddelkii maamul ee lagu magacaabay Agaasimaha Cusub ee Maamulka KXAQ.

Sidaa daraadeed, waxaa cod gacantaag ah si Aqlibayad ugu ansixiyay iskuna raacay in Raaqiya Yuusuf Ibraahim ay noqoto Agaasimaha cusub ee Maamulka ee Komishanka dhamaan xubnihii ka soo qayb galay Fadhiga.

Ugu danbayn, Guddoomiyaha iyo guud ahaan xubnaha Guddidu waxa ay fareen Agaasimihii h**e, Md. Cabdisamad, inuu si habsami leh xilka ugu wareejiyo Agaasimaha cusub. Sidoo kale, waxay kula dardaarmeen Mrw. Raaqiya oo ah Agaasimaha cusub ee xilka la wareeysa in ay xilka u gudato si daacadnimo, hufnaan, iyo masuuliyad ku dheehantahay.

DHAMAADA

Oog =  isuduwaha komishanka xuquuqul aadamaha qaranka ee gobolka saraar mudane jaamac maxamed aadan ( Food) ayaa kormeer...
16/08/2026

Oog = isuduwaha komishanka xuquuqul aadamaha qaranka ee gobolka saraar mudane jaamac maxamed aadan ( Food) ayaa kormeer shaqo ku tagay cisbitaalka guud ee magaalada oog. ujeedada kormeerkan ayaa ahayd mid lagu qiimaynayo adeegyada caafimaad ee cisbitaalku bixiyo, iyo xaaladaha bukaanada uu cisbitaalku gacanta ku hayo.
Sidoo kale kulanka waxaa kulanka lagu falanqeeyey xuquuqda shaqaale waynaha cisbitaalka, iyo in door wayn lasiiyo dadka nugul.
Kormeeradan ayaa qayb ka ah dadaalada uu komishanka xuquuqda aadamaha qaranku ku ilaalinayo sidii ay muwaadiniintu u heli lahaayeen xuquuqdooda caafimaad.

Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka (KXAQ JSL) iyo Guddida Komishanku (Commissioners) waxay soo saareen go...
15/08/2026

Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka (KXAQ JSL) iyo Guddida Komishanku (Commissioners) waxay soo saareen go’aan xil-kaqaadis iyo Magacaabis

Xil-ka-qaadis: Waxaa xilkii Agaasimaha Maamulka laga qaaday Md. Cabdisamad Sacad Xasan. Guddoomiyaha iyo Guddida Komishanku waxay uga mahadceliyeen shaqadii uu soo qabtay.

Magacaabis: Waxaa xilka Agaasimaha Maamulka KXAQ loo magacaabay Mrw. Raaqiya Yuusuf Ibraahim, kadib markii loo xaqiijsaday aqoonteeda iyo kartideeda maamul.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL  Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa dhaariyey laba xubnood oo ka mid noqon doona Komishanka...
28/07/2026

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa dhaariyey laba xubnood oo ka mid noqon doona Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka, kuwaas oo kala ah Cabdiraxmaan Cismaan Cabdile iyo Muna Jaamac Cali oo buuxisay xubintii uu iska casilay Muuse Jaamac Ciise, taas oo uu soo buuxiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Caynaba – Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee Gobolka Saraar, Mudane Jaamac Maxamed Aadan (Food), ayaa kor...
22/07/2026

Caynaba – Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee Gobolka Saraar, Mudane Jaamac Maxamed Aadan (Food), ayaa kormeer shaqo ku tagay Saldhigga Dhexe ee Degmada Caynaba.

Ujeeddada kormeerku waxay ahayd qiimaynta xaaladda xuquuqul aadamaha ee dadka ku xidhan saldhigga, adeegyada ay helaan, iyo duruufaha shaqo ee ciidamada. Intii uu kormeerku socday, Isuduwuhu wuxuu kulan la yeeshay saraakiisha saldhigga, isagoo kala hadlay xoojinta ilaalinta xuquuqda dadka ku xidhan iyo tayeynta adeegyada saldhigga.

Kormeerkani wuxuu qayb ka yahay hawlaha joogtada ah ee Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranku ku hubinayo in dadka lagu hayo goobaha dadka lagu xidho ay helaan xuquuqda, iyo daryeelka ay u baahanyihiin.

Boorma-Isku duwaha Xafiiska Komishanka Xuquuqal Aadamaha ee Gobolka Awdal, ee xaruntiisa magaalada Boorama İbrahim Cusma...
16/07/2026

Boorma-Isku duwaha Xafiiska Komishanka Xuquuqal Aadamaha ee Gobolka Awdal, ee xaruntiisa magaalada Boorama İbrahim Cusmaan shide iyo hawl wadeenada komishanka ee gobolka ayaa kormeer shaqo ku samaysay qaar ka mid ah cisbitaallada bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka maanka ee dawladda.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda guud ee cisbitaallada, hab-maamulka bixinta adeegyada, iyo heerka daryeel ee ay helaan bukaannada u baahan adeegyada caafimaadka maanka.

Ugu dambayn, kormeerkan ayaa qayb ka noqon doona fududaynta hawlaha xafiiska Komishanka Xuquuqal Aadamaha, isla markaana kor u qaadi doona wacyiga iyo fahamka ku saabsan ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadamaha.

Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee Gobolka Togdheer , saynab caydiid x cali iyo Isuduwaha Komishanka Xuqu...
12/07/2026

Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee Gobolka Togdheer , saynab caydiid x cali iyo Isuduwaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranka ee gobolka Saraar, mudane Jaamac Maxamed Aadan (Food) ayaa kormeer shaqo labada iskuduwe ku kala maray goobo kala duwan oo ay ku jiraan saldhiga iyo xabsiyada ku yala goboladasi.

Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd in lagu qiimeeyo xaaladda xuquuqul aadame ee dadka ku jira saldhigga. iyo adeegyada aasaasiga ah ee ay helaan.
Komishanku wuxuu ku bogaadiyay saraakiisha iyo askarta dadaalka ay bulshada u hayaan, isagoo xusay in ilaalinta xuquuqul aadame ay tahay waajibaad sharci iyo mid bani’aadamnimo oo ay tahay in si joogto ah loo daryeelo. Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlaha joogtada ah ee Komishanka Xuquuqul Aadamaha Qaranku ku hubinayo in dadka ku jira xarumaha dadka lagu xidho ay helaan xuquuqdooda iyo daryeelka ay u baahan yihiin.

𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
12/07/2026

𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Address

Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL:

Shortcuts

Share