Hay'adda Udiyaar garowga Aafoyinka & Keydka Raashinka Qaranka JSL

Hay'adda Udiyaar garowga Aafoyinka & Keydka Raashinka Qaranka JSL This is the official page of National Disaster Preparedness & Food Reserve Authority

30/08/2026

Hargeysa | 30 August |2026

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka (NADFOR JSL) ayaa maanta magaalada Hargeysa ka daahfurtay qaybinta deeq raashin ah oo gaadhaysa 1,306 qoys, kuwaas oo ka mid ah bulshada danyarta ah ee ku nool magaalada.

Daahfurkan ayaa qayb ka ah dadaallada Hay’adda NADFOR JSL ee ku aaddan taakulaynta bulshada nugul iyo gaadhsiinta gargaarka dadka u baahan, iyadoo deeqdan loogu talagalay in lagu taageero qoysaska danyarta ah.

■XAFIISKA WARBAAHINTA IYO WACYIGELINTA HAY’ADDA NADFOR.

Hargeysa | 30 August 2026Hay’adda Maareynta Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL (NADFOR) ayaa maanta xaruntee...
30/08/2026

Hargeysa | 30 August 2026

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL (NADFOR) ayaa maanta xarunteeda magaalada Hargeysa ku qabatay kulanka Humanitarian Coordination Group (HCG).

Kulanka waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Hay’adda NADFOR JSL, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda, Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Xandulle, iyadoo ay ka qayb-galeen hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta bani’aadantinimada.

Shirka ayaa lagaga wada hadlay xaaladda bani’aadantinimo iyo saamaynta abaarta, xaaladda iyo saadaasha El Niño, digniinta h**e (Early Warning), sugnaanta cuntada iyo qaybinta raashinka, iyo xaaladda caafimaadka bulshada.

Sidoo kale, waxaa la isla eegay baahiyaha bulshada, hawlaha gurmadka socda iyo sidii loo sii xoojin lahaa isku-duwidda, xog-wadaagga iyo diyaar-garowga, si jawaabta bani’aadantinimo u noqoto mid hufan oo gaadha bulshada ugu nugul.

Kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda digniinta h**e, wada-shaqaynta hay’adaha iyo qaadashada tallaabooyin h**e, si loo yareeyo saamaynta abaarta iyo khataraha ka dhalan kara isbeddellada cimilada.

■XAFIISKA WARBAAHINTA IYO WACYIGELINTA HAY’ADDA NADFOR.

GOBOLKA BUHOODLE / 28 AUGUST / 2026Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ayaa maanta deeq raashi...
28/08/2026

GOBOLKA BUHOODLE / 28 AUGUST / 2026

Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ayaa maanta deeq raashin ah gaadhsiisay deegaannada hoos yimaadda Gobolka Buhoodle, taas oo loogu talagalay 400 qoys oo ka mid ah bulshada ay abaaruhu saameeyeen.

Gargaarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Hay’addu ku bixinayso taageerada iyo gurmadka bulshada nugul, gaar ahaan dadka ay xaaladaha abaartu saameeyeen.

■XAFIISKA WARBAAHINTA IYO WACYIGELINTA HAY’ADDA NADFOR.

26/08/2026

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL, (NADFOR) Md. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood), ayaa bulshada uga digay roobabka la filayo iyo khataraha ka dhalan kara xaaladda El Niño, gaar ahaan fatahaadaha iyo roobabka mahiigaanka ah.

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah ugu baaqay xoolo-dhaqatada inay ka feejignaadaan togagga, dooxooyinka iyo meelaha biyo-mareennada ah, isla markaana ay ilaashadaan naftooda iyo xoolahooda.

Sidoo kale, wuxuu digniin iyo baaq u diray kalluumaysatada iyo bulshada ku dhaqan xeebaha, isagoo kula dardaarmay inay si dhow ula socdaan digniinaha cimilada, kana fogaadaan badda xilliyada ay jiraan xaalado cimilo oo halis ah.

■XAFIISKA WARBAAHINTA IYO WACYIGELINTA HAY’ADDA NADFOR.

HARGEYSA, 19 AUGOST, 2026.Guddoomiyaha Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL, Md. Cabdirax...
19/08/2026

HARGEYSA, 19 AUGOST, 2026.

Guddoomiyaha Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda Maalinta Bini’aadantinimada Adduunka, oo lagu xusay Somaliland.

Munaasabadda ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay gurmadka bani’aadantinimo, u adeegidda bulshada nugul iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada.

■XAFIISKA WARBAAHINTA IYO WACYIGELINTA HAY’ADDA NADFOR.

16/08/2026

Hay'adda mareeynta masiibooyinka iyo kaydka raashinka qaran ayaa deeqo raashin ah oo dhameystiran gaadhsiisay qoysaskii wax-yeeladu ka soo gaadhay dabkii shalay ka kacay xaafadda cakaara ee degmada axmed dhagax...

14/08/2026

Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL ayaa deeqo kala duwan ku wareejisay Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa, taas oo loogu talagalay in lagu garab istaago carruurta iyo bulshada daryeelka u baahan.

■XAFIISKA WARBAAHINTA IYO WACYIGELINTA HAY’ADDA NADFOR.

12/08/2026

Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL, iyadoo kaashanaysa Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maalintii labaad ka wadday Gobolka Saraar qaybinta raashin loogu talagalay bulshada danyarta ah ee ay abaaruhu saameeyeen.

■XAFIISKA WARBAAHINTA IYO WACYIGELINTA HAY’ADDA NADFOR.

Gobolka Saraar | 11 August 2026Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL, iyadoo kaashanaysa B...
11/08/2026

Gobolka Saraar | 11 August 2026

Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL, iyadoo kaashanaysa Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maalintii labaad ka wadday Gobolka Saraar qaybinta raashin loogu talagalay bulshada danyarta ah ee ay abaaruhu saameeyeen.

Deegaannada maanta la gaadhsiiyey:

🔹 Wiriir — 100 qoys
🔹 Ceelal — 150 qoys
🔹Dhanaano — 150 qoys
🔹Qori-dheere-100 qoys

■XAFIISKA WARBAAHINTA IYO WACYIGELINTA HAY’ADDA NADFOR.

GAR-ADAG | 11 AUGOST A2026Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL ayaa maanta deegaannada ho...
11/08/2026

GAR-ADAG | 11 AUGOST A2026

Hay’adda Udiyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka JSL ayaa maanta deegaannada hoos yimaada Degmada Gar-Adag ka qaybisay deeq raashin ah oo ay iska kaashadeen Hay’adda iyo Boqortooyada Sucuudiga.

Deeqda ayaa la gaadhsiiyey 330 qoys, kuwaas oo kala ah:
Fadhigaab: 130 qoys Kharashka: 100 qoysCeel-Cadde: 100 qoys

Wadarta: 330 qoys.

Hay’addu waxay sii wadaysaa dadaallada lagu taageerayo bulshada nugul iyo qoysaska u baahan gargaarka.

■XAFIISKA WARBAAHINTA IYO WACYIGELINTA HAY’ADDA NADFOR.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hay'adda Udiyaar garowga Aafoyinka & Keydka Raashinka Qaranka JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hay'adda Udiyaar garowga Aafoyinka & Keydka Raashinka Qaranka JSL:

Shortcuts

Share