05/09/2026
Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, waxaana shir-guddoominayey Wasiirka Wasaaradda oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.
Kulanka ayaa lagu eegay waxqabadka iyo horumarka hawlaha shaqo ee Wasaaradda, iyadoo waaxyaha kala duwan ay soo bandhigeen warbixinno ku saabsan hawlihii ay qabteen, kuwa socda iyo qorshayaasha xiga. Waxa kale oo kulanka lagu falanqeeyey sidii loo dardargelin lahaa hawlaha muhiimka ah, loona xoojin lahaa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee Wasaaradda.