01/09/2026
𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮, 𝗦𝗮𝗹𝗮𝗮𝘀𝗮 – 𝟬𝟭 𝗦𝗲𝗯𝘁𝗲𝗺𝗯𝗮𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟲 Guddida Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan la yeeshay Hoggaanka Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka JSL, kaas oo lagaga wada hadlay Wax-ka- beddelka Xeerka Waddamarista Gaadiidka iyo sidii loo xoojin lahaa hirgelintiisa.
Kulanka waxa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddida Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta, Md. Axmed Xasan Cali (Casoowe), waxaana ku wehelinayay Xildhibaanada xubnaha ka ah Guddida iyo hawl-wadeennada Guddida.
Dhinaca Hoggaanka Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka waxa kulanka hoggaaminayay Taliye Md. Maxamed Cige Cidheere.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha badbaadada waddooyinka, nidaaminta gaadiidka, calaamadaha waddooyinka, ilaalinta shuruucda waddamarista iyo yaraynta shilalka gaadiidka.
Labada dhinac ayaa is-dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin ku saabsan wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Waddamarista Gaadiidka, iyo sidii xeerku u noqon lahaa mid wax-ku-ool ah oo kor u qaada badbaadada iyo nidaamka waddooyinka dalka.
Guddidu waxay sidoo kale dhegaysatay caqabadaha iyo baahiyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ee la xidhiidha fulinta xeerka, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha ay khusayso, wacyigelinta bulshada iyo adkaynta dhaqangelinta xeerarka waddamarista.
𝗔𝗟𝗟𝗔𝗔 𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗 𝗟𝗘𝗛.
𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈𝐋𝐀𝐀𝐇𝐈 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐀𝐀𝐃𝐄𝐍
Agaasimaha Waaxda Warbaahinta & Xidhiidhka Dadweynaha
𝐆𝐎𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐖𝐀𝐊𝐈𝐈𝐋𝐋𝐀𝐃𝐀 𝐉𝐒𝐋
📩 [email protected]
🌐 www.somalilandparliament.net