11/08/2026
*DIGNIIN*
Maxk**adda Gobolka Maroodi-Jeex waxay si adag u caddaynaysaa in Baafimaha, Xayiraadaha Dhuleed iyo dhammaan dukumentiyada rasmiga ah ee ay Maxk**addu soo saartaa yihiin dukumantiyo dhawrsan, isla markaana leh xuquuq sharci oo haba yaraato'e aan cidna laga ogolaanayn in ay wax ka beddesho, wax ku darto, ka jarto, fasiraad marin-habaabin ah ka bixiso ama u adeegsato faafin warar aan sal iyo raad ku lahayn xaqiiqada dukumentiga. Qofka dacwoodaha ahi waxa uu xaq u leeyahay inuu helo nuqul ka mid ah dukumantiyada rasmiga ah ee Maxk**addu soo saarto, hase yeeshee cidina xaq uma laha in ay wax ka beddesho, dhalanrogto ama faragelin ku samayso qoraalka iyo nuxurka dukumentiga Maxk**adda. Haddaba, iyadoo Maxk**adda Gobolku la socoto dhacdooyinkii maalmihii u dambeeyay soo noqnoqonayay, waxay si gaar ah ugu digaysaa digniin k**a dambays ahna siinaysaa kooxaha iyo warbaahinta maxalliga ah ee baraha bulshada ku faafinaya dukumentiyada Maxk**adda oo la dooriyay iyo kuwo lagu lifaaqay sawirro iyo xog aan ku jirin dukumentigii rasmiga ahaa, taas oo dhaawacaysa karaamada hay’adaha garsoorka, marin-habaabinna ku ah bulshada.
Sidaa darteed, Maxk**adda sharafta lihi waxa ay bulshada iyo cid kasta oo ay khusaysaba ku wargelinaysaa in qof kasta oo falalkan ku lug yeesha lala xisaabtami doono, lana horkeeni doono caddaaladda si waafaqsan sharciga. Maxk**addu waxay sidoo kale bilowday baadhitaanno gaar ah oo lagu ogaanayo kooxihii iyo shakhsiyaadkii ku lug yeeshay faafinta wararka marin-habaabinta ah iyo wax-ka-beddelka ama si khaldan u adeegsiga dukumentiyada Maxk**adda. Guntii iyo gunaanadkii, Maxk**addu waxay caddeynaysaa in aanay u dulqaadan doonin fal kasta oo wax u dhimaya karaamada nidaamka garsoorka, madaxbannaanida hay’adda garsoorka iyo kalsoonida ay bulshadu ku qabto caddaaladda.
Allaa Mahad Leh.