17/08/2026
: Xubnaha Guddida Qandaraasyada Qaranka oo shir gudoominayo Guddoomiyaha Guddida ayaa maanta shir muhiima ku yeeshay xarunta Guddida Qandaraasyada.
Ujeedada shirkan ayaa ahayd in laga wada hadlo arrimo muhiim ah oo la xidhiidha hawlaha guud ee guddida iyo dardar gelinta hawlaha qandaraasyada qaranka.
Shirkan oo qaatay in ka badan muddo 4 saac ah, waxa lagaga dooday arrimo muhiim ah oo khuseeya shaqada Guddida, waxaana ka mid ahaa qodobadaas.
1. Dardargelinta Hawlaha qandaraasyada qaranka. Waxa is qoto dheer loo lafaguray hawlaha qandaraasyada qaranka iyo hab-sami u socodkooda, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeega qandaraas bixinta qaranka.
2. Soo bandhigista xog ururin ay sameeyeen xubnaha Guddida Qandarasyada oo ku saabsan mashaariicda an marin habraacii saxda ahaa. Mashariicdaas oo ay fuliyeen hay'ado dawladeed, iyaga oo aan usoo gudbin xafiiska gudida qandaraasyada qaranka. Xogtan oo iyana si xeel-dheer loo falanqeeyay.
Allah mahad leh
Warbaahinta Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka