Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa

Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa The Official Page of the Hargeisa Local Government, The Capital City of the Republic of Somaliland. YouTube Page: https://youtu.be/If8ZAqDY3rg

06/09/2026

Fududaynta adeegga loo qabto shacabka reer Hargeysa iyo goobta loogu qabanayo waa mid sahlaysa in muwaadinku si dhib yar u helo adeegga uu u baahan yahay.

06/09/2026

Cabdirisaaq Axmed Qarbooshe
Guddoomiye Ku-xigeenka 26june

06/09/2026

“Waa Ilaahay mahaddii, mar haddii maanta ololihii lagaga sifaynayay Geedka Garanwaaga, oo runtii cadaw ku noqday waddooyinkeenna, la bilaabay, aad iyo aad ayaan u soo dhawaynaynaa.”

06/09/2026

“Jidadkii naga xidhnaa ee dhibka weyn nagu hayay, haddii maanta la baneeyay, runtii waan soo dhawaynaynaa. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dawladda Hoose hawshan ay waddo.”

06/09/2026

Degmada 26-ka June ayaa maanta si ballaadhan uga hawlgashay waddooyin muhiim ah oo uu muddo xidhay Geedka Garanwaaga, kaas oo caqabad ku noqday isu-socodka iyo bilicda magaalada.

Ololahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu banaynayo waddooyinka, laguna xakamaynayo faafitaanka Geedka Garanwaaga ee goobaha dadweynaha.

Duqa Caasimadda Hargeysa Md. Eng Cabdirisaaq Maxamed  Faarax (Wiiwaa)oo ku Hadlaya Magaciisa, Magaca Gudida Fulinta, Mag...
06/09/2026

Duqa Caasimadda Hargeysa Md. Eng Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa)oo ku Hadlaya Magaciisa, Magaca Gudida Fulinta, Magaca Mudanayaasha Golaha Deegaanka, iyo dhammaan Shaqaale waynaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxa uu tacsi tiiraanyo leh halkan uga dirayaa Dhammaan qoyska ilma Cumar Cabdi gaar ahaan Mudane Yaasiin Cumar Cabdi oo uu uga tacsiyadaynaya geerida ku timi walaashii Aamina Cumar cabdi,waxaanu sidoo kale tacsi u dirayaa dhamaan qoyskii, qarabadii, ehelkii iyo gaar ahaan caruurtii ay ka tagtay.

Allah haw naxariisto oo qabriga haw waasiciyo marxuumada, Allah waxaan uga baryaynaa in uu janatul Fardowsa geeyo.

Duqa Caasimadda Hargeysa
Eng Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa).

05/09/2026

Muwaadin ha noqon Cashuur diid canaad ah.

04/09/2026

Shaqadii saaka 6-dii subaxnimo bilaabantay, guushan ayay dhalisay.

“Goobtan maanta magaaladu soo gaadhay, qashin-qub ma noqon karto. Haddii h**e loogu qubi jiray, maanta laga bilaabo waa mamnuuc.”

Gudoomiyaha Degmada Axmed Macalin Haaruun.
Cabdiraxmaan Maxamed Ismaciil.

04/09/2026

🚫 DIGNIIN

Goobtan looma oggola in qashin lagu qubo, maadaama ay hadda qayb ka tahay magaalada, ayna magaaladu ku soo fidayso

Qof kasta oo lagu arko isaga oo qashin ku qubaya goobtan waxa uu mutaysan doonaa ganaax iyo tallaabo sharciga waafaqsan.

Fadlan ilaali nadaafadda magaalada, hana ka dhigin goobtan meel qashin lagu qubo.

04/09/2026

Goobtii h**e loogu qubi jiray qashinka ee ku dhow Buuraha Naasa-Hablood, gaar ahaan Degmada Axmed Macallin Haaruun, ayaa gabi ahaanba laga mamnuucay in qashin lagu qubo.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka socda olole ballaadhan oo lagu nadiifinayo laguna saarayo qashinkii h**e ugu urursanaa goobta.

Address

Dawladda Hoose
Hargeisa

Telephone

+252634761200

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share