Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL

Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL Bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

The Official Page of the Ministry of Parliamentary Relations and Constitutional Affairs of the Republic of Somaliland.

27/05/2026

Khudbadii Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐰-𝐝𝐚𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐗𝐚𝐣𝐢 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 oo maanta shacabka kula tukaday salaadda Ciidul Adxa magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, isaga oo shacabka kala qayb qaatay farxadda iyo weynaanta munaasibadda barakaysan ee Ciidda.

𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋.Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaash...
26/05/2026

𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐰-𝐝𝐚𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐗𝐚𝐣𝐢 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 waxa uu hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasibadda barakaysan ee Ciidul Adxa u dirayaa guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan.

Wasiirku waxa uu Alle uga baryayaa inuu ciidan ciiddeeda ku gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo, caafimaad iyo nabad waarta, isla markaana uu shacabka Somaliland ku gallado midnimo, wadajir iyo horumar joogto ah.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu shacabka ku boorrinayaa inay xoojiyaan isjacaylka, iscafinta, isku duubnida iyo garab istaagga dadka tabaalaysan, maadaama Ciidul Adxa ay tahay munaasabad xambaarsan qiime diimeed iyo mid bulsho.

Ciid Mubaarak.





𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋.Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda ...
26/05/2026

𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐮𝐮𝐬𝐞 𝐁𝐮𝐜𝐮𝐥 waxa uu munaasibadda Ciidul Adxa awgeed hambalyo diirran u dirayaa shacabka reer Somaliland iyo dhammaan shacabka Muslimiinta ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Wasiir Ku-xigeenku waxa uu Alle SWT ka rajaynayaa in ciidani noqoto mid nabad, barwaaqo iyo farxad ku soo dabaasha ummadda Islaamka, gaar ahaanna shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu sidoo kale bulshada ku dhiirrigelinayaa ilaalinta qiyamka wanaagsan ee Islaamka, wada noolaanshaha, isxilqaanka iyo adkaynta nabadda iyo wadajirka qaranka.

Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak.





𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ...
26/05/2026

𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐞 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐮𝐬𝐮𝐟 waxa uu hambalyo ku saabsan munaasibadda Ciidul Adxa u dirayaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta ah.

Agaasimaha Guud waxa uu Alle ka baryayaa inuu munaasibaddan barakaysan ku gaadhsiiyo ummadda caafimaad, cibaado sugan, farxad iyo kheyr badan, isla markaana uu dalkeenna Somaliland ku manneysto amni, xasilooni iyo horumar waara.

Waxa uu shacabka ku boorrinayaa inay ka shaqeeyaan xoojinta walaalnimada, dhawrista qaranimada iyo garab istaagga bulshada nugul inta lagu jiro maalmaha ciidda.

Ciid Mubaarak dhammaantiin.





26/05/2026

𝐊𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐢𝐧𝐭𝐢𝐢 𝐊𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐚 𝐞𝐞 𝐊𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐮𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.

𝐒𝐚𝐰𝐢𝐫𝐨 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐚 𝐞𝐞 𝐊𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐮𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚...
26/05/2026

𝐒𝐚𝐰𝐢𝐫𝐨 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐚 𝐞𝐞 𝐊𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐮𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.

25/05/2026

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Boorama tababar muhiim ah oo ku saabsan Xuquuqaha Haweenka ee uu dammaanad qaaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐥𝐚𝐧 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥.

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Boorama tababar muhiim ah oo ku saabsan Xuquuqaha Haweenka ee uu dammaanad...
25/05/2026

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Boorama tababar muhiim ah oo ku saabsan Xuquuqaha Haweenka ee uu dammaanad qaaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐥𝐚𝐧 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥.

Tababarkan ayaa ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista wacyiga bulshada, gaar ahaan fahamka xuquuqaha haweenka ee ku cad Dastuurka JSL, iyada oo la xoojinayo doorka haweenka ee ka qaybgalka arrimaha bulshada, siyaasadda iyo horumarka dalka.

Xafladda furitaanka tababarka waxaa ka hadlay Agaasimeyaal ka tirsan Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL, kuwaas oo si qoto dheer uga warramay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo hirgelinta xuquuqaha haweenka ee dastuurku dammaanad qaaday. Sidoo kale, masuuliyiintaasi waxay tilmaameen in wacyigelinta noocan ahi ay door weyn ka qaadanayso dhismaha bulsho ku dhisan sinaan, caddaalad iyo wadajir.

Waxaa sidoo kale halkaasi hadallo ka jeediyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama, oo uu ka mid ahaa Maayar Ku-xigeenka Magaalada Boorama, kaas oo bogaadiyey tababarka iyo iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adda Plan International, isaga oo xusay in kor u qaadista aqoonta xuquuqaha haweenku ay muhiim u tahay horumarka bulshada iyo dawladnimada.

Gabagabadii, masuuliyiintii ka qayb gashay xafladdu waxay ku baaqeen in la joogteeyo barnaamijyada wacyigelinta iyo tababarada la xidhiidha dastuurka iyo xuquuqaha muwaadiniinta, si loo helo bulsho si wanaagsan u fahamsan xuquuqdeeda iyo waajibaadkeeda dastuuriga ah.









25/05/2026

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐚𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐛𝐲𝐨-𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.

Isuduwaha Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL ee Gobolka Sanaag, Maxamed Xuseen Ismaaciil, ayaa ...
24/05/2026

Isuduwaha Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL ee Gobolka Sanaag, Maxamed Xuseen Ismaaciil, ayaa maanta isagoo xoojinaya wacyigelinta waddaniyadda, kor u qaadaya fahamka bulshada ee Dastuurka Qaranka, isla markaana gudanaya waajibaadkiisa shaqo, waxa uu Dugsiga Al Xamdi Primary and Secondary School ku wareejiyey in ka badan 200 oo nuqul oo ka mid ah buugaagta Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Buugaagtan la wareejiyey ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu kobcinayo aqoonta dastuuriga ah ee ardayda iyo bulshada, si jiilka soo korayaa u yeesho faham qoto dheer oo ku saabsan qiyamka dowladnimada, sharciga iyo waajibaadka muwaadinka.

Isuduwaha ayaa sheegay in Wasaaraddu ay sii laba jibbaari doonto barnaamijyada la xidhiidha wacyigelinta Dastuurka iyo horumarinta waddaniyadda, kuwaas oo muhiim u ah dhismaha bulsho aqoon u leh xuquuqdeeda iyo waajibaadkeeda qaran.

Maamulka iyo macallimiinta dugsiga ayaa dhankooda uga mahadceliyey Wasaaradda deeqda buugaagta Dastuurka, iyaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay ardayda barashada iyo fahamka Dastuurka Qaranka JSL.





Address

Abdirahman Tur Road Near Presidential Palace, Hargeisa
Hargesa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share