23/08/2026
๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ฑ-๐๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐๐๐ซ๐ข๐ข๐๐๐ ๐ฎ๐ฎ ๐๐๐๐ฅ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐ฎ.
โฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ.
๐๐๐ซ๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ญ, ๐๐๐๐ {๐๐&๐๐๐ก} โ
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ๐๐. ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ง ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan saddex-biloodle ah oo ay isugu yimaaddeen Agaasimayaasha Guud iyo Xidhiidhiyeyaasha Wasaaradaha fulinaya Mashaariicda horumarineed ee uu maalgeliyo Baanka Adduunku (World Bank) ee ka socda Somaliland.
Kulankan oo ay soo agaasintay Wasaaradada Horumarinta Maaliyaddu, gaar ahaan Xafiiskeeda isku xidhka Mashaariicda Portfolio Center of Excellence (PCE), oo ah xafiiska u qaabilsan isku-xidhka iyo kor-joogtaynta mashaariicda uu Baanka Adduunku ka taageero Somaliland, ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta fulinta mashaariicda, qiimaynta waxqabadkooda, caqabadaha horyaalla iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta hayโadaha kala duwan ee dawladda.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay waxqabadka iyo natiijooyinka muuqda ee ay mashaariicdani ku soo kordhiyeen bulshada iyo horumarka dalka, iyadoo sidoo kale la falanqeeyey caqabadaha ka jira dhinacyada fulinta, maamulka, isku-duwidda iyo gaadhsiinta natiijooyinka la qorsheeyey.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in mashaariicdu u shaqeeyaan si waafaqsan ujeeddooyinkii iyo qorshayaashii loogu talogalay, isla markaana la xaqiijiyo in khayraadka iyo taageerada horumarineed ee dalka soo gaadhaysa ay si hufan, daah-furan oo wax-ku-ool ah ugu faaโiideeyaan bulshada Somaliland.
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu diyaar u tahay inay si dhow u la shaqayso Wasaaraddaha, Hayโaddaha Dawladda iyo Xafiisyada Isku-duwidda Mashaariicda, si loo xalliyo caqabadaha jira, loona hubiyo in mashaariicdu ku socdaan qorshayaashii loo dejiyey, isla markaana la gaadho natiijooyinka la filayo.
Dhankiisa. Madaxa Portfolio Center of Excellence (PCE), Mohamed Abdi, ayaa kulanka ka jeediyey warbixin ku saabsan hawlaha xafiiska iyo horumarka laga sameeyey dhinacyada isku-duwidda, dabagalka iyo horumarinta mashaariicda uu Baanka Adduunku ka taageero Somaliland.
Wuxuu sidookale si gaar ah u xusay dadaallada joogtada ah ee PCE iyo bangiga aduunka ee ay wada shaqeeyaan, kuwaas oo ay qayb ka yihiin xidhiidhka iyo wada-xaajoodka joogtada ah ee lala yeesho Xafiiska Maamulka Baanka Adduunka, si Somaliland u hesho taageerada iyo maalgelinta horumarineed ee loogu talogalay, loona xaqiijiyo in khayraadkaas si toos ah ugu faaโiideeyo mashaariicda iyo mudnaanta horumarineed ee Somaliland.
Waxa kale oo la soo bandhigay in korodh ku yimid iscticmaalka lacagta ee mashaariicdu qorsheeyeen in ay isticmaalaan. Kulanka ayaa waxa sidoo kale ka hadlay Agaasimayaasha Guud iyo Xidhiidhiyeyaasha Mashaariicda kuwaas oo soo bandhigaan warbixinno ku saabsan heerka ay marayaan mashaariicdu, waxqabadka la gaadhay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha la doonayo in lagu dardargeliyo hawlaha mustaqbalka.
Ka-qaybgalayaashu waxay si weyn u soo dhaweeyeen dadaallada lagu xoojinayo isku-xidhka iyo wada-shaqaynta hayโadaha dawladda, iyagoo tilmaamay in kulamada noocan ahi ay muhiim u yihiin is-dhaafsiga xogta, isla-xisaabtanka, xal-u-helidda caqabadaha iyo xaqiijinta in mashaariicdu gaadhaan natiijooyin la taaban karo. Waxa kale oo kulanka lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradaha fulinaya mashaariicda, Xafiiska Isku-duwidda Mashaariicda iyo Baanka Adduunka, si loo dardargeliyo fulinta qorshayaasha loona kordhiyo saamaynta horumarineed ee mashaariicdu ku leeyihiin bulshada.
Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa soo gunaanaday kulanka, isagoo uga mahadceliyey dhammaan Agaasimayaasha Guud, Xidhiidhiyeyaasha Mashaariicda iyo dhinacyada kale ee ka soo qaybgalay sida joogtada ah ee ay uga shaqeeyaan horumarinta mashaariicda.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo wada-shaqaynta, dabagalka iyo isku-duwidda mashaariicda, si loo hubiyo in taageerada horumarineed ee la helo ay si hufan ugu beddelanto natiijooyin muuqda oo waara oo ka qayb qaata horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.
โ ๐/ ๐ง๐๐ถ๐๐๐ฒ๐ฟ :
https://x.com/slmofd/status/2091517972397310161
โ ๐ช๐ฒ๐ฏ๐๐ถ๐๐ฒ :
https://www.slmof.org/news/52ff3386-0b94-49d7-a0cb-30093fc0612d/
โ ๐๐ป๐๐๐ฎ๐ด๐ฟ๐ฎ๐บ :
https://www.instagram.com/p/DcYSMkHDfDN/?igsi=cmVwaW14b3AzbzBw
โ ๐ฌ๐ข๐จ๐ง๐จ๐๐
https://youtu.be/tcn36-lG46M?si=kbxTS-v8B3Pw8eeF
=๐พ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ป๐๐๐๐๐๐=
๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐ญ๐
๐ ๐ฌ๐ฅ๐ฆ๐จ๐.๐จ๐ซ๐
๐ง ๐ข๐ง๐๐จ@๐ฌ๐ฅ๐ฆ๐จ๐.๐จ๐ซ๐
โ๏ธ ๐๐๐๐
๐ฑ ๐๐ก๐๐ญ๐ฌ๐๐ฉ๐ฉ: +๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐