Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL

Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL Bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL

05/09/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐“๐š๐ฆ๐š๐ซ๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š.

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐“๐š๐ฆ๐š๐ซ๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š.Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JS...
05/09/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐“๐š๐ฆ๐š๐ซ๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL ayaa guddoomiyey shirkii Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, iyadoo uu ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu.

Shirka ayaa lagu dardargeliyey hawlaha shaqo ee waaxaha kala duwan, laguna falanqeeyey qorshayaasha iyo mudnaanta shaqo ee Wasaaradda, xoojinta wada-shaqaynta waaxaha, fulinta iyo ku dhaqanka shuruucda, iyo horumarinta adeegyada Wasaaradda.

Sidoo kale, waxa kulanka lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-duwidda hawlaha shaqo, isla-xisaabtanka iyo in waaxuhu si wadajir ah uga wada shaqeeyaan hirgelinta qorshayaasha ee Wasaaradda.











.

03/09/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐’๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ ๐จ๐จ ๐“๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐š๐ก ๐”๐ ๐ฎ ๐Š๐ข๐œ๐ข๐ญ๐ข๐ฆ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š.








.

03/09/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐“๐š๐ฆ๐š๐ซ๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐๐๐‚-๐๐š ๐Š๐š๐ ๐š ๐‡๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐š๐ซ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐š๐ค๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‘๐ฎ๐ช๐ฌ๐š๐๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL ayaa BBC-da siiyey waraysi muhiim ah, isagoo kaga hadlay ujeeddada hakinta ruqsadaha macdanta iyo arrimo kale oo khuseeya nidaaminta iyo horumarinta macdanta dalka.






.

๐”๐ฃ๐ž๐ž๐๐๐จ: ๐‡๐š๐ค๐ข๐ง ๐‘๐ฎ๐ช๐ฌ๐š๐๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š.Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL  waxay si ku-meel-gaadh ah u hakisay bixinta dhamm...
01/09/2026

๐”๐ฃ๐ž๐ž๐๐๐จ: ๐‡๐š๐ค๐ข๐ง ๐‘๐ฎ๐ช๐ฌ๐š๐๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š.

Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL waxay si ku-meel-gaadh ah u hakisay bixinta dhammaan ruqsadaha macdanta, laga bilaabo Taariikhda maanta ๐Ÿ/๐ŸŽ๐Ÿ—/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” ๐ข๐ฅ๐š๐š ๐Ÿ/๐Ÿ๐Ÿ/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, si loogu sameeyo dib-u-habayn iyo nidaamin ruqsadaha macdanta.

Dhammaan daneeyayaasha macdanta waxa lagu wargelinayaa inay u hoggaansamaan goโ€™aankan.




.

31/08/2026

Hargeysa (31ka Ogos 2026) - Agaasimaha Waaxda Tamarta, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Cabdi, oo ay wehelinayaan Madaxa Mashruuca Soo-kabashada Aagga Korontada (SESRP), Eng. Cabdifataax Cumar Cabdillaahi, iyo Xidhiidhiyaha Wadaaggaha Aagga Korontada Somaliland (ESWG), Eng. Axmed Cali Ubaxle, ayaa guddoomiyey kulan lagu soo bandhigayey warbixinta Barnaamijka Taageerada Adeegyada Ganacsi iyo Farsamo (Business Support Services Firm โ€“ BSSF), kaas oo diiradda lagu saaray tayaynta iyo kobcinta shirkadaha korontada dalka. Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

Hargeysa (31ka Ogos 2026) -  Agaasimaha Waaxda Tamarta, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Cabdi, oo ay wehelinayaan Madaxa Mashru...
31/08/2026

Hargeysa (31ka Ogos 2026) - Agaasimaha Waaxda Tamarta, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Cabdi, oo ay wehelinayaan Madaxa Mashruuca Soo-kabashada Aagga Korontada (SESRP), Eng. Cabdifataax Cumar Cabdillaahi, iyo Xidhiidhiyaha Wadaaggaha Aagga Korontada Somaliland (ESWG), Eng. Axmed Cali Ubaxle, ayaa guddoomiyey kulan lagu soo bandhigayey warbixinta Barnaamijka Taageerada Adeegyada Ganacsi iyo Farsamo (Business Support Services Firm โ€“ BSSF), kaas oo diiradda lagu saaray tayaynta iyo kobcinta shirkadaha korontada dalka. Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

Intii uu kulanku socday, shirkadda Kenya Power & Lighting Company (KPLC) ayaa soo bandhigtay warbixinta hordhaca ah ee Barnaamijka Taageerada Adeegyada Ganacsi iyo Farsamo ee shirkadaha korontada dalka. Warbixintu waxay si faahfaahsan u dul istaagtay horumarka ay sameeyeen shirkadaha korontada dalka, iyo sidoo kale meelaha ay ka jiraan galdaloolooyinka u baahan in wax laga qabto.

Gabagabadii, Agaasimuhu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay casriyeynta nidaamka korontada dalka, hagaajinta hufnaanta adeegyada, iyo kobcinta tamarta la cusboonaysiin karo, si loo helo koronto jaban oo la awoodi karo.

Sidoo kale, waxa uu xusay in Wasaaraddu ay ka goโ€™an tahay in ay koriso, kobciso, isla markaana xoojiso aqoonta iyo awoodda shirkadaha korontada ee dalka, si loo gaadho horumar dhaqan-dhaqaale oo waara.

29/08/2026

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐–๐š๐๐š๐ญ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ฅ๐š ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š๐๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ .

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ ๐จ๐ซ๐Ÿ๐š๐ฒ๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ ๐š ๐ค๐จ๐ซ๐จ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐‡๐จ๐ญ๐ž๐ฅ ๐‚๐š๐ฌ๐จ๐จ๐ ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š.Hargeysa...
29/08/2026

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ ๐จ๐ซ๐Ÿ๐š๐ฒ๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ ๐š ๐ค๐จ๐ซ๐จ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐‡๐จ๐ญ๐ž๐ฅ ๐‚๐š๐ฌ๐จ๐จ๐ ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š.

Hargeysa, 29ka Ogos 2026โ€“ Madaxa Mashruuca Soo-kabashada Aagga Korontada Somaliland, Mudane Cabdifataax Cumar Cabdillaahi, ayaa Hotel Assod ka furay kulan lagu gorfaynayo laguna saxayo daraasad ku saabsan aragtida iyo qanacsanaanta qoysaska, ganacsatada iyo matalaadda jinsiga ee adeegga koronto-bixinta Somaliland.

Daneeyayaasha kala duwan ayaa daraasadda ku biiriyey talooyin iyo tusaalooyin muhiim ah oo kor u qaadaya tayadeeda iyo horumarinta adeegga korontada. HORN AFRICA CONSULTING FIRM, oo daraasadda diyaarisay, ayaa ballanqaadday inay tixgelin doonto talooyinka la soo jeediyey si loo dhamaystiro daraasad tayo leh oo la jaanqaadaysa horumarka Aagga Korontada Somaliland.






.

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐–๐š๐๐š๐ญ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ฅ๐š ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š๐๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ .Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL  ayaa kulan...
29/08/2026

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐–๐š๐๐š๐ญ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ฅ๐š ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š๐๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ .

Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL ayaa kulan wadatashi iyo dardargelin ah la yeelatay shirkadaha macdanta ee Gobolka Sanaag, kaas oo uu guddoominayey Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu. Kulanka waxaa lagu falanqeeyey badbaadinta iyo ilaalinta deegaanka, iyo ka hortagga isticmaalka sunta khatarta ah ee waxyeellada u leh dadka iyo deegaanka, hadda iyo mustaqbalkaba.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay shirkadaha la socodsiisay fulinta amarka ah in 5 goobood loo asteeyey in la dhigo ila-meeraysada.






.

Address

Road1presidency Street 26 June Avenue Hargeisa
Hargesa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share