13/08/2026
๐ธโจ ๐๐๐๐๐๐๐ | ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐
๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐
๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐KA| ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ayaa maanta qabtay kulankiisa toddobaadlaha ah ee Agaasime Waaxeedyada, kaas oo diiradda lagu saaray hawlaha shaqo ee Koomishanka, qorshayaasha socda iyo arrimaha u baahan dardargelin.
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐
Kulanka waxaa guddoominayey Guddoomiyaha Koomishanka Maamul-Wanaagga JSL, Dr. Adam Ahmed Dahir, waxaana ka qayb galay Agaasime Waaxeedyada Koomishanka.
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Intii uu kulanku socday, waxaa laga wada hadlay hawlaha muhiimka ah ee waaxyaha Koomishanka, heerka ay marayaan qorshayaasha shaqo iyo waxyaabaha u baahan in si gaar ah loo dardargeliyo.
Sidoo kale, waxaa la isla eegay sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda hawlaha, wada-shaqaynta waaxyaha iyo habsami-u-socodka shaqada, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha Koomishanku u socdaan si nidaamsan oo hufan.
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐
Kulanka ayaa xoogga lagu saaray in la sii xoojiyo dadaallada shaqo, lana dardargeliyo hawlaha mudnaanta leh ee u baahan in la gaadhsiiyo natiijooyin la taaban karo.
Waxaa sidoo kale la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in waaxyuhu yeeshaan isku-xidhnaan iyo wada-shaqayn joogto ah, taas oo horseedaysa hufnaan, isla-xisaabtan iyo tayayn shaqo.
๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐
๐๐๐๐๐๐
Kulanka ayaa qayb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee Koomishanka Maamul-Wanaagga JSL ee lagu horumarinayo hannaanka shaqo, lagu xoojinayo isla-xisaabtanka gudaha iyo lagu xaqiijinayo in waaxyuhu si hufan u gutaan waajibaadkooda.
Ugu dambayn, kulanka waxaa lagu soo gunaanaday talooyin iyo jihayn shaqo oo ku aaddan dardargelinta hawlaha socda iyo sii xoojinta qorshayaasha shaqo ee Koomishanka.
๐๐ฅ๐ฅ๐ ๐๐๐ก๐๐ ๐๐๐ก.
#๐๐๐๐๐๐
#๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐๐๐ง๐๐๐
#๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐๐๐จ๐๐๐จ๐๐๐๐๐ฅ๐๐ก๐
#๐๐จ๐จ๐๐๐จ๐ฏ๐๐ซ๐ง๐๐ง๐๐
๐ฟ๐๐๐๐๐๐๐ ๐พ๐๐-๐ฐ๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐
๐ฒ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐-๐พ๐๐๐๐๐๐ ๐ฑ๐บ๐ณ