Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Ministry of Fisheries & Marine Resources Galmudug State of Somalia, led by Minister Garad Qowqabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Dr. Abdirahim M. Ali ayaa ka qayb galay kulan ...
20/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Dr. Abdirahim M. Ali ayaa ka qayb galay kulan ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee JFS ku qabatay Magaalada Muqdisho, iyadoo kaashanaysa Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), kulanka ayaa ku saabsanaa Hindisaha Maaliyadda Noolaha Kala Duwan (BIOFIN).

Agaasimaha guud ayaa kulanka ka sheegay muhiimada uu u leyahay dhinaca noola biyoodka isagoo ku soo bandhigay qoryashayaal muhiim u ah noola biyoodka

Kulankani wuxuu qayb ka yahay dadaalada Soomaaliya ee lagu horumarinayo Qorshaha Maaliyadda Noolaha Kala Duwan (Biodiversity Finance Plan), kaas oo muhiim u ah in la aqoonsado baahiya maaliyadeedka ilaalinta iyo soo-celinta noolaha kala duwan, iyadoo la waafajinayo mudnaanta NBSAP iyo Kunming-Montreal Global Biodiversity Framework (GBF).

Dhammaad.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

30 Bisha Juun, 2026.WASIIRKA WASAARADDA KALLUUMEYSIGA IYO KHEYRAADKA BADDA GALMUDUG OO MAGACAABAY, AGAASIMAHA GUUD EE WA...
30/06/2026

30 Bisha Juun, 2026.

WASIIRKA WASAARADDA KALLUUMEYSIGA IYO KHEYRAADKA BADDA GALMUDUG OO MAGACAABAY, AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA.

Ujeedo: Magacaabis Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.

Markuu arkay: Howlaha baaxadda leh ee horyaala Wasaaradda.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardar gelinta howlaha Wasaaradda.

Markuu arkay: Aqoonta iyo waayo aragnimada uu shaqadaan uleeyahay.

Wuxuu Mudane: Dr. Cabdiraxiin Maxamed Cali u magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Galmudug.

Magacaabistaani, waxa ay dhaqan galeysaa marka uu saxiixo Wasiirku, wuuna saxiixay.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Agaasimaha cusub in uu uguto waajibkiisa si waafaqsan shuruucda Dowladda Galmudug iyo hannaanka shaqo ee Wasaaradda.

Dhammaad.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Hobyo, 16 Juun 2026.Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug  mudane Garad Qowqabo ayaa Degmada H...
16/06/2026

Hobyo, 16 Juun 2026.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug mudane Garad Qowqabo ayaa Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug ka furay shir looga tashanayay qorshaha qaran ee kahor tagga Kalluumeysiga sharci darada ah ee ka dhaca Dalka.

Shirkaan oo ay iska kaa shadeen Wasaaradda kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ah iyo Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug, ayaa waxaa ka soo qayb galay, Wasaaradaha Dekada, Amniga, Degmada Hobyo, Ciidanka ilaadada xeebaha, iyo iskaashatada kalluumeysiga Hobyo.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga dooday muhiimadda ay u leedahay guud ahaan dalka iyo gaar ahaan Galmudug la dagaalanka kalluumeysiga sharci darada ah, masuuliyiinta ee qaybaha bulshada ee ka hadlay shirka ayaa bogaadiyay Wasaaradda dadaalka ay ugu jirto in la xakameeyo lagana hortago kheyraadka sida sharci darada ah looga dhaco xeebaha.

Ugu dambeyn waxaa Wasaaradda ka go'an in talaabo laga qaado dhinacyada soo kor kaca kalluumeeysiga sharci darada ah, waxaana si buuxda loola tiigsan doonaa sharciga kuwa ku lug yeesha howlaha sharci darada ah.

Dhammaad.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.

Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Muqdisho, 18 April, 2026.๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š.Wasiirka Wasaaradda Kall...
18/04/2026

Muqdisho, 18 April, 2026.

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mudane Garad Qowqabo ayaa ka qayb galay Shirka 7-aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo ka dhacay Muqdisho.

Shirkan ayaa looga hadlay qodobo badan oo muhiim ah, sida

Xoojinta wada-shaqaynta heer federal iyo heer dowlad Gobaleed.

Ladagaalanka kalluumeysiga sharci-darrada ah (IUU)

Dhiirigelinta Maalgashiga iyo hagaajinta Jawiga ganacsi

Hirgalinta kaabayaasha kalluumeysiga sida Dekadaha kalluunka iyo xarumaha dejinta iyo yareynta khasaaraha ka dhasha kalluunka kadib qabashada.

Dhismaha nidaam xog aruurin qaran iyo horumarinta nidaamyada kormeerka xakameynta iyo ilaalinta (MCS).

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Muqdisho, 16 April, 2026.Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Xassan Cabdullahi Cum...
16/04/2026

Muqdisho, 16 April, 2026.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Xassan Cabdullahi Cumar, oo ka qayb galay shirka 7-aad ee farsamada Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo ka furmay Muqdisho, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirka waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Cabdi Diirshe, oo warbixin ka bixiyay howlaha guud ee Wasaaradda, kuwaas oo ay ka mid yihiin mashaariicda socda, heshiisyada la galay, iyo horumarka laga sameeyay hirgelinta qorshayaasha lagu hormarinaayo Kheyraadka dalka.

Shirkan oo gogol xaar u ah kulanka guud ee Golaha Kalluumeysiga Qaranka, waxaa ka qeyb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maamul Goboleedyada dalka, oo kala matalaya Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland, Waqooyi Bari, iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii, ka qeybgalayaasha shirka ayaa is-weydaarsaday aragtiyo iyo talooyin ku aaddan horumarinta sector-ka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, si loo xaqiijiyo in si wax ku ool ah looga faaโ€™iideysto kheyraadka kalluumeysiga dalka.

Dhammaad.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

14/04/2026

Kelmadda Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mudane Garad Qowqabo ee ku aadan xil-wareejinta Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Dhuusamareb, 11,  April 2026.Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mudane Garad Qowqabo ayaa x...
11/04/2026

Dhuusamareb, 11, April 2026.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mudane Garad Qowqabo ayaa xilka u kala wareejiyay Agaasimihi h**e ee Wasaaradda Abdirashid M. Abdi iyo Agaasimaha cusub Hassan Abdullahi Omar munaasibad ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Munaasibadda xil-wareejinta waxaa ka soo qeeyb galay Wasiirka Qorsheynta Mudane Abdiraxmaan Xeeyle, Wasiirudowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Daahir Faarax Fiidoow, Agaasimayaasha Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha, Dastuurka iyo Gudoomiye Bank dhexe ee Galmudug Mudane Catoosh.

Agaasimihi h**e ee Wasaaradda oo hadlay ayaa soo bandhigay waxqabad muuqda inti uu joogay wasaaradda, isagoona kula dardaarmay agaasimaha cusub in uu halkaa ka sii wado howsha culus ee loo igmaday.

Wasiirada oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Agaasimaha cusub iyagoona sidoo kale qiray wax qabadka agaasimihi h**e.

Wasiirka oo ka hadlay habangabada munaasibadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay u leedahay Wasaaradani bulshada Galmudug gaar ahaan kuwa xeebaha ku nool ee ku tiirsan kheyraadka badda.

Munaasibadda ayaa kusoo dhamaatay si wanaagsan iyadoo wasiirku xilka u kala wareejiyay Agaasimihi h**e iyo Agaasimaha Cusub.

Dhammaad.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug iyo dhammaan howl-wadeenada Wasaaraddu, waxa ay tacsi ti...
25/03/2026

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug iyo dhammaan howl-wadeenada Wasaaraddu, waxa ay tacsi tiiranya leh u dirayaan Wasiir kuxi-geenka Wasaaradda Mudane Abdi Dahir Huseen oo Xaaskiisa, Nadiifo Abdulle Osman ay ku geeriyootay Magaalada Muqdisho.

Waxaan sidoo kale tacsida u direeynaa Abdalle Daahir Husein oo isna kamid ah howl-wadeenada Wasaaradda oo ay hooyadiis ahayd Marxuumaddu, waxaana dhammaantood leenahay samir iyo imaan allaha idinka siiyo, marxuumadana janada firdowsa allaha ka waraabiyo.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mudane Garad Yusuf Mohamud ( Garad Qowqabo ) ayaa agaasi...
24/03/2026

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug Mudane Garad Yusuf Mohamud ( Garad Qowqabo ) ayaa agaasimaha guud ee Wasaaradda u magacaabay Xassan Cabdullahi Cumar.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Agaasimaha cusub in uu xilkiisa u guto si hufan.

Dhammaad.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Ciidul-fidri wanaagsan.Waxaan hambalyo ku aadan munaasibadda Ciidul-fidri u dirayaa umadda soomaaliyeed meelkasta oo ay ...
19/03/2026

Ciidul-fidri wanaagsan.

Waxaan hambalyo ku aadan munaasibadda Ciidul-fidri u dirayaa umadda soomaaliyeed meelkasta oo ay adduunka ka joogaan, waxaanan u rajeeynayaa sanadkaan kiisa kale in uu ilahey nagu gaarsiiyo nabad buuxda.

Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii iyo acmaashii suubanaa ee aynu soo gudannay bisha barakeysan ee Ramadaan. Ciidul-Fidri ha noo noqoto mid inoo horseedda farxad, midnimo, nabad, iyo barwaaqo.

ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEEYNAHA Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug.
Twitter: Twitter.com/
Website https://mfmr.gm.so/

Address

Hobyo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Galmudug:

Shortcuts

Share