Dowladda Hoose ee Degmada Hobyo

Dowladda Hoose ee Degmada Hobyo Dad mid ah iyo Deegaan Horumarsan

20/08/2026

Gaalkcyo iyo qado sharafta loosameeyey madaxweynaha dowlada galmudug.

Galmudug mid ah.

14/08/2026

Guddoomiyaha Degmada Hobyo oo Ka Qaayb Galay Xafladda Sanad-Guurada 20-aad ee Galmudug.

​Guddoomiyaha Degmada Hobyo Mudane Cusmaan Axmed Cabdulle ayaa kala qayb galay qaybaha kale ee maamulka iyo bulashada reer hobyo munaasabadda weyn ee loo dhigay sanad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Dowladda Galmudug. Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda ugu saraysa maamulka degmada, mas'uuliyiin ka socday degmooyinka, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

​Qodobada Ugu Waawayn ee Munaasabadda:
​Hambalyo iyo Bogaadin: Guddoomiyaha ayaa hambalyo leh u diray shacabka iyo maamulka Dowladda Galmudug, isagoo ku ammaanay horumarka, amniga, iyo wada-jirka lagu gaaray 20-kii sano ee la soo dhaafay.

​Xoojinta Horumarka : Wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado mashaariicda, sida dhismaha dekadaha, wadooyinka, iyo casriyeinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka.

​Wada-shaqaynta Bulshada: Wuxuu baaq u diray shacabka degmada Hobyo iyo guud ahaan Galmudug inay sii xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin maamulka iyadoo loodan leeyahay horumar waara.

Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.

Guddoomiyaha Degmada Hobyo oo Ka Qaayb Galay Xafladda Sanad-Guurada 20-aad ee Galmudug. ​Guddoomiyaha Degmada Hobyo Muda...

Diyaar garow xoogan ayaa socdo maamul iyo shacaba.Hobyo waxay kamid tahay degmooyinkii lafdhabarta u ahaa aas aaskii dow...
12/08/2026

Diyaar garow xoogan ayaa socdo maamul iyo shacaba.

Hobyo waxay kamid tahay degmooyinkii lafdhabarta u ahaa aas aaskii dowlada galmudug.

Doorashooyinka Qof iyo Codka oo Si Habsami Leh uga Socda Magaalada Hobyo Doorashooyinka Qof iyo Codka ee Golayaasha Deeg...
30/07/2026

Doorashooyinka Qof iyo Codka oo Si Habsami Leh uga Socda Magaalada Hobyo

Doorashooyinka Qof iyo Codka ee Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ayaa maanta si nabad iyo nidaam leh uga socda magaalada Hobyo.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa kormeeraya habsami u socodka doorashada, iyagoo bogaadiyay sida ay shacabka uga qeyb qaadanayaan geeddi-socodka dimuqraadiyadeed.

Shacabka reer hobyo ayaa si xamaasad leh, isla markaana nabad ku dheehan tahay, safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee doorashada xubnaha Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada.

Doorashadan ayaa astaan u ah horumarka dimuqraadiyadda, iyadoo muujinaysa sida ay bulshada uga go’an tahay inay codkooda ku doortaan hoggaankooda mustaqbalka,

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi galinta Bulshada Dowladda Hoose Ee degmada Hobyo.

Guddoomiyaha degmada mudane Cusmaan Axmed Cabdulle ayaa kaqayb galay dhagax dhiga ceel biyoodka cusub ee deegaanka qarar...
20/07/2026

Guddoomiyaha degmada mudane Cusmaan Axmed Cabdulle ayaa kaqayb galay dhagax dhiga ceel biyoodka cusub ee deegaanka qararow.

Qodista ceelkaan ayaa waxaa iska kaashaday dadka deegaanka iyo dad muxsiniin ah.

Maamulka Degmada oo uu hugaaminayey Guddoomiyaha degmada ayaa horay ugu baaqay in deegaanka laga gacansiiyo qodista ceelkaan maantase guul kubilowday.

Waxaa qodaya ceelkaan shirkada nagaad.

Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo

Guddoomiyaha degmada mudane Cusmaan Axmed Cabdulle,Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP),...
14/07/2026

Guddoomiyaha degmada mudane Cusmaan Axmed Cabdulle,Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), Mudane Xuseen Maxamed Nuur (Dhagaweyne), oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Xoghayayaasha ayaa si rasmi ah caawa xarigga uga jaray Xarunta Dhexe ee Ururka ee Degmo xeebeedka Hobyo.

23/06/2026

Guddoomiyaha degmada ayaa kulan casho iyo dhiirigalin ah layeeshay ardayda iskuulka Hobyo ee fasalka 12aad.

Guddoomiyaha ayaa ardayda kuladarmaay inay siiwadaan waxbarashada.

Waxbarta aan barwaaqo gaarnee.

Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.

21/06/2026

Dhuusamareeb

Saaka iyo daahfurka mashruuca weyn ee Bulsho oo ay iska kaashanayaan bangiga aduunka, dowlada Federaalka iyo dowlada galmudug.

Degmada Hobyo oo kamid ah degmooyinka utartamaya mashruucaan ayaa waxaa kaqayb galaya Guddoomiyaha degmada Hobyo mudane Cusmaan Axmed Cabdulle.

Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.

Dhusamareb sabti 20 juun 2026Gudoomiyaha Degmada Hobyo mudane Osman Ahmed  ayaa maanta caasimadda galmudug oga qeyb-gale...
20/06/2026

Dhusamareb sabti 20 juun 2026

Gudoomiyaha Degmada Hobyo mudane Osman Ahmed ayaa maanta caasimadda galmudug oga qeyb-galey kulanka soo bandhigidda iyo aqoon-isweydaarsiga Mashruuca Bulsho ee Galmudug.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay ujeeddooyinka iyo qorshayaasha mashruuca, iyadoo diiradda la saaray xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo bulshada, kor u qaadista ka qaybgalka shacabka, iyo taageeridda horumarinta maamullada degmooyinka ee Galmudug.

Kulanka waxaa ka qayb galay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib -U- heshiisinta Galmudug mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ,Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Galmudug.

Mas’uuliyiintii ka hadlay madasha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda Mashruuca Bulsho uu u leeyahay horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta dowladnimada hoose, kobcinta wada-shaqeynta dowladda iyo shacabka, iyo dhisidda maamul degmo oo hufan, isla markaana ka jawaaba baahiyaha bulshada.

Xaafiiska warbaahinta dowlada hoose ee degmada Hobyo.

Address

Hobyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose ee Degmada Hobyo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dowladda Hoose ee Degmada Hobyo:

Shortcuts

Share