Dowladda Hoose Ee Degmada Jalalaqsi

Dowladda Hoose Ee Degmada Jalalaqsi The official page for Jalalaqsi District Adminstration

Madaxweyne Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ee uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleed...
11/06/2026

Madaxweyne Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ee uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maanta si wada jir ah xarigga uga jaray Qasriga Madaxtooyada Hirshabeelle oo si casri ah loo dhisay, dhismayaasha Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyadda iyo sidoo kale afar waddo laami ah kuwaas oo kor u qaadaya bilicda iyo isku socodka magaalada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hirgelinta mashaariicdan ay ka tarjumeyso dadaallada madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee lagu xoojinayo adeegyada dowladda, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sare u qaadidda adeegyada ay helaan shacabku.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Hirshabeelle iyo xarumo kale oo dowladeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona tayeynta maamulka, hufnaanta hayโ€™adaha dowladda iyo dardargelinta adeegyada bulshada.

09/05/2026

Majaraha markaa qabatay baa maamul saxa gaarnay gudomiye Nuur Dheere

23/04/2026

Xisbiga JSP iyo Madaxwene Ali Guudlaawe

23/04/2026

Jalalaqsi ๐Ÿ’ฆ

22/04/2026

Deegaanka Afcad Ee Degmada Jalalaqsi iyo Gudoomiye Nuur dheere

21/04/2026
21/04/2026

๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ด๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—พ๐˜€๐—ถ ๐—ผ๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜€๐—ถ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ถ๐—ฑ ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ฎ๐—ต ๐—ก๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐——๐—ฒ๐—ด๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—พ๐˜€๐—ถ - ๐—ก๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ป ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฒ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ท๐—ฒ๐—ฒ๐˜€๐˜๐—ฒ

๐—๐—”๐—Ÿ๐—”๐—Ÿ๐—”๐—ค๐—ฆ๐—œ โ€“ Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Nor Mohamed Absuge (Nuur Dheere), ayaa maanta gaari gudoonsiiyay mid ka mid ah nabadoonada ugu firfircoon ee ka shaqeeya nabadda iyo horumarka degmada Jalalaqsi.

Guddoomiye Nuur Dheere ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu dhiirigelinayo Nabadoonka, isagoo ku amaanay

๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—พ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—บ๐˜‚๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ฎ: Kaalinta uu ka qaatay xallinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda ah.
๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ-๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ฎ: Isku xirka bulshada iyo maamulka degmada si loo xoojiyo amniga.
๐—จ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ด๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ: Dadaalka hagar laโ€™aanta ah ee uu nabadoonku u galay danta guud ee Jalalaqsi.

"Waa waajib inaan aqoonsanno dadka naftooda iyo waqtigooda u huraya nabadda. Nabadoonkani wuxuu tusaale u yahay adeegaha dhabta ah ee bulshada," ayuu yiri Guddoomiye Nuur Dheere intii ay socotay munaasabadda gudoonsiinta.
Dhinaca kale, Nabadoonka la gudoonsiiyay gaariga ayaa uga mahadceliyay maamulka degmada aqoonsiga ay u muujiyeen, wuxuuna ballan-qaaday inuu sii kordhin doono dadaalkiisa ku aadan nabadeynta iyo horumarka gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Jalalaqsi.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta Dowladda Hoose Ee Degmada Jalalaqsi
[email protected]

21/04/2026

Jalalaqsi Iyo Maanta ๐ŸŒง๏ธโ˜”โ›ˆ๏ธ

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ: ๐—ฆ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฑ-๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐Ÿฒ๐Ÿฒ-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ซ๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ๐—ง๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ธ๐—ต: ๐Ÿญ๐Ÿฎ-๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฏ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—น, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐ŸฒXafiiska Maamulka Degmada JalalaqsiG...
12/04/2026

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ: ๐—ฆ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฑ-๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐Ÿฒ๐Ÿฒ-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ซ๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ
๐—ง๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ธ๐—ต: ๐Ÿญ๐Ÿฎ-๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฏ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—น, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ

Xafiiska Maamulka Degmada Jalalaqsi
Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, isagoo ku hadlayay magaciisa, kan maamulka iyo dhammaan shacabka degmada, wuxuu hambalyo iyo bogaadin aan la koobi karin u dirayaa Taliska iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda 12-ka Abriil oo ku beegan sannad-guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskoodii.

Maalintan qiimaha leh waxay astaan u tahay halgan dheer iyo dhiig loo huray difaaca dalka. Ciidanka Xoogga Dalka waa gaashaanka ay ku seexato ummadda Soomaaliyeed.
Waxaad tihiin laf-dhabarta difaaca, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dalka. Shacabka Jalalaqsi waxay mar walba garab taagan yihiin geesiyaashooda u taagan nabad-galyada.
Waxaan idiin rajaynaynaa in sannadkan sannadkiisa aad ku gaartaan guul, kala dambayn iyo idinkoo dalka ka sifeeyay haraadiga argagixisada.

"Waxaan halkaan salaan iyo qaddarin uga diraynaa geesiyaasha ku sugan furimaha dagaalka, gaar ahaan kuwa ka hawlgala deegaannada hoos yimaada Gobolka Hiiraan. Waxaad tihiin geesiyaal aan marnaba la iloobi doonin kaalintooda."

Ilaahay ha idin xafido, guuleysta mar walba insha Allah.
Sannad-guurada 66-aad!
Maamulka Degmada Jalalaqsi
Midnimo iyo Iskaashi

Address

Jalalaqsi

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose Ee Degmada Jalalaqsi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share