Ministry of Health, Hirshabelle

Ministry of Health, Hirshabelle News and information about Hirshabelle State's Ministry of Health. We make sure people in Hirshabelle enjoy the highest possible health status.

Ciid Wanaagsan dhamaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Hirshabeelle.
26/05/2026

Ciid Wanaagsan dhamaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Hirshabeelle.

24/05/2026

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bulshada Soomaaliyeed ku wacyigelinaysaa in ay feejignaadaan sababa la xiriira xaaladaha cudurka Ebola ee laga soo sheegay qaar kamid ah dalalka Afrika gaar ahaan Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC).

Wasaaraddu waxa ay xoojisay diyaar garowga iyo la socodka cudurrada faafa, iyadoo sare loo qaaday feejignaanta xarumaha caafimaadka, goobaha laga soo galo dalka iyo nidaamyada dabagalka cudurrada.

Bulshada waxaa lagu boorinayaa inay ilaaliyaan nadaafadda, ka fogaadaan taabashada qof qaba calaamado looga shakisan yahay Ebola, islamarkaana ay si degdeg ah ula xiriiraan xarumaha caafimaadka haddii la arko calaamado sida qandho daran, matag, shuban ama dhiig-bax.

๐Š๐š ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ ๐ ๐š ๐œ๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐š ๐ฐ๐š๐š ๐ฆ๐š๐ฌโ€™๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ ๐ฐ๐š๐๐š๐ฃ๐ข๐ซ ๐š๐ก.

----------------
๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐Ž๐ฌ๐ฆ๐š๐ง ๐ƒ๐š๐ก๐ข๐ฒ๐ž
Madaxa Xafiiska isgaarsiinta iyo Wacyigalinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada XFS.
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/MoHSomalia?mibextid=LQQJ4d
Twitter: https://twitter.com/MoH_Somalia
Website: www.MoH.gov.so

Shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka, oo ay sanadkan martigelinaysay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, aya...
13/05/2026

Shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka, oo ay sanadkan martigelinaysay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Jowhar. Wasiirka Caafimaadka XFS, mudane Cali Xaaji Aadam, ayaa si rasmi ah usoo xiray shirka.

Shirka waxaa si buuxda uga soo qeybgalay hogaanka iyo shaqaalaha Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada, Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, marti sharaf iyo masuuliyiin sare oo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada iyo bahda caafimaadka.

Shirka ayaa ku soo dhammaaday guul iyo isfaham buuxa, waxaana kasoo baxay talooyin iyo goโ€™aanno muhiim ah oo lagu xoojinayo tayada adeegyada caafimaadka, kor loogu qaadayo helitaanka adeegyo caafimaad oo loo siman yahay, isla markaana lagu xaqiijinayo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan daryeel caafimaad oo hufan, casri ah, kana jawaaba baahiyaha bulshada.

Madaxwaynaha Dowladda Hirshabeelle, mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa daahfuray oo shirgudoomiyay Shirka ...
12/05/2026

Madaxwaynaha Dowladda Hirshabeelle, mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa daahfuray oo shirgudoomiyay Shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Jowhar.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Caafimaadka XFS, mudane Cali Xaaji Aadam, Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha iyo Agaasimaha Guud, Agaasimahayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada, Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, marti sharaf iyo masuuliyiin sare.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, xoojinta wada shaqeynta Wasaaradaha Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, tayeynta adeegyada caafimaadka bulshada, dardargelinta qorshayaasha caafimaadka qaranka, iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh isla markaana loo siman yahay.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha iyo Agaasim...
11/05/2026

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha iyo Agaasimaha Guud, ayaa garoonka magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka XFS, mudane Cali Xaaji Aadam, oo maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Dowladda Hirshabeelle.

Wafdiga, oo ay qeyb ka yihiin Wasiiradda Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir, ayaa u yimid ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Caafimaadka Dalka oo berri si rasmi ah u furmi doona.

Shirka ayaa sanadkan diiradda lagu saari doonaa horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, xoojinta wada shaqeynta Wasaaradaha Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, tayeynta adeegyada caafimaadka bulshada, dardargelinta qorshayaasha caafimaadka qaranka, iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh isla markaana loo siman yahay.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, oo kormeeray dhismaha iyo ballaarinta ka soc...
18/04/2026

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, oo kormeeray dhismaha iyo ballaarinta ka socota isbitaalka weyn ee magaalada Jowhar.

Wasiirka ayaa u kuurgalay heerka uu marayo dhismaha qeybaha cusub ee isbitaalka, asaga oo warbixin ka dhageystay injineerada shaqada wada iyo howladeenada isbitaalka.

Howlahan ballaarinta dhismaha isbitaalka ayaa waxa ay qeyb ka yihiin mashruuca COVID-19 ee Baanka Aduunka (WB) oo ay Wasaaradda fulineyso. Kormeerka waxaa Wasiirka ku weheliyay Maareyaha Mashruuca.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, oo kormeeray isbitaalka weyn ee magaalada Be...
28/02/2026

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, oo kormeeray isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne iyo xarunta caafimaadka Xaawo Taako.

Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka weyn, asaga oo warbixin ka dhageystay Agaasimaha isbitaalka iyo howlwadeenada caafimaadka ee u adeegaya bulshada.

Kormeerka waxaa Wasiirka ku weheliyay Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Hiiraan, mudane Maxamed Ibraahim Siyaad. Intii uu kormeerka ku guda jiray, Wasiirku wuxuu waraystay bukaannada lagu dabiibayo isbitaalka iyo xarumaha caafimaadka, isagoo u kuurgalay xaaladdooda iyo heerka adeegyada la siinayo.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, Dr. Muxyidiin Mukhtaar Macalin, oo uu weheliyo Madaxa Tall...
27/02/2026

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, Dr. Muxyidiin Mukhtaar Macalin, oo uu weheliyo Madaxa Tallaalka ee Wasaaradda, ayaa kormeeray habsami usocodka Ololaha Tallaalka Gowracatada ee ka socda degmada Mahadaay.

Wasiiru Dowlaha ayaa warbxin ka dhageystay maamulka degmada iyo howlwadeenada caafimaadka ee wada tallaalka, waxaa uuna ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay gaarsiinta tallaalka dhamaan caruurta ku nool degmada iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, oo qeyb ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ee d...
23/02/2026

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle, mudane Saadaq Maxamed Maxamuud, oo qeyb ka ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ee dhowaan la magacaabay, ayaa gaaray magaalada Beledweyne.

Wasiirka waxaa safarka ku weheliyay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle, ahna xubno ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Safarkan ayay ujeedadisu tahay qiimeynta xaaladda abaaraha iyo dardargelinta ka jawaabista abaaraha.

Address

Opposite Of The Hirshabelle State House
Jowhar

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Health, Hirshabelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Health, Hirshabelle:

Share