15/07/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle oo Ka Qeyb Galay Madasha Fulinta Miisaaniyadda Dalka
Kismaayo, 15 Luulyo 2026, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cabdullaahi Saalax Mudei, ayaa maanta ka qeyb galay Madasha Fulinta Miisaaniyadda Dalka (Budget Ex*****on Forum) oo si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo.
Furitaanka madasha waxaa ka qeyb galay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle, Wasiirka Maaliyadda Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal),
Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Xisaabiyaha Guud ee SSC-Khaatumo, iyo xubno ka socda Mashruuca Somalia Enhancing Public Resource Management (SERP).
Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddada madasha, natiijooyinka laga filayo, iyo doorka ay ku leedahay horumarinta maamulka maaliyadda guud iyo dardargelinta hirgelinta Heerarka Caalamiga ah ee Xisaabaadka Dadweynaha (IPSAS).
Madashu waxay sii socon doontaa maalmaha soo socda iyadoo diiradda lagu saarayo hirgelinta IPSAS iyo xoojinta hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo tayeynta maamulka maaliyadda guud, waxaana la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo go'aanno wax ku ool ah.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle waxaa ka go'an ka qeybqaadashada dadaallada lagu horumarinayo maamulka maaliyadda guud iyo hirgelinta dib-u-habeynta maaliyadeed ee dalka.
— DHAMMAAD —