18/03/2026
Jowhar 18 March 2026
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Duulista iyo Hawada ee Dowladda Hirshabelle,
Hon. Farah Mohamed Osman,
ka dib markuu arkay baahida loo qabo dib-u-habeyn iyo tayeynta adeegyada gaadiidka iyo duulista hawada ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne โ๏ธ
Sidoo kale,
ka dib markuu garwaaqsaday inay lagama maarmaan tahay xoojinta hufnaanta, isla xisaabtanka iyo habsami u socodka howlaha shaqo, waxa uu goโaamiyay xil-ka-qaadis iyo magacaabis sidan hoos ku xusan:
Xil-ka-qaadis
Wasiirku waxa uu xilalkii ka qaaday masuuliyiintan:
Abdiwahid Mohamed Abdullahi
Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif, Baladweyne
Abdihakin Mohamed Afrah
Isku-duwihii Wasaaradda Gaadiidka, Duulista iyo Hawada ee Gobolka Hiiraan
Magacaabis
Dhanka kale, Wasiirku waxa uu magacaabay:
Hassan Mohamud Barrow
Isku-duwaha Wasaaradda Gaadiidka, Duulista iyo Hawada ee Gobolka Hiiraan
Adan Muhumed Ali
Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif, Baladweyne
Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan hayโadaha amniga, maamulka Gobolka Hiiraan iyo hayโadaha kale ee ay khusayso inay si dhow ula shaqeeyaan masuuliyiinta la magacaabay, isla markaana ay siiyaan wada-shaqeyn buuxda si loo dardar geliyo howlaha Wasaaradda ee gobolka.
โ DHAMMAAD โ
WAAXDA WARFAAFINTA WASAARADA GADIIDKA