21/07/2026
Baladweyn: 21-July-2026
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Hirshabelle ayaa Magaalada Baladweyne ku qabatay shir wadatashi iyo tababar ku saabsan diyaarinta Siyaasadda Kormeerka iyo Qiimeeynta (Monitoring and Evaluation Policy).
Shirkan waxaa daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan( Dhagacade), oo ay wehliyaan khubaro Diyaarinaya Siyaasadda Kormeerka oyo a Qiimeeynta.
Wadatashiga waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday Heya'adaha aan Dowliga aheen ee kuwa Maxaliga ah iyo Kuwa Caalamiga ah iyo qeeybo kamid ah Bulshada rayid ah.
Agaasimaha Guud oo si rasmi ah u furay kulanka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay diyaarinta Siyaasadda Qiimeynta iyo Kormeerka, isagoo xusay in ay door weyn ka qaadaneyso kor u qaadidda hufnaanta, isla xisaabtanka iyo tayeynta qorsheynta iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee Hirshabelle. Sidoo kale, wuxuu ku dhiirrigeliyay dhammaan ka qeybgalayaasha inay fikrado iyo talooyin wax ku ool ah ka dhiibtaan si loo helo siyaasad tayo leh oo ka turjumaysa baahiyaha bulshada.
DHAMMAAD