29/12/2025
INAALILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Hirshabeelle oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Wasaarada iyo ku-xigeenada, iyo dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda, waxay tacsi tiiraanya leh u dirayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Hirshabeelle Mudane Yaasiin Axmed Maxamuud oo ay hooyadiis Maryan Axmed Kulmiye ku geeriyootay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Hirshabeelle waxay Alle uga baryayaan marxuumadda in uu ku mannaysto naxariistiisa Janno, Agaasime Yaasiin iyo dhammaan xubnaha kale ee ehelka, uu ka siiyo samir iyo iimaan, qalbiyadoodana uu u qaboojiyo.