13/08/2026
π Warsheekh | 12 Agoosto 2026
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle ayaa maanta Degmada Warsheekh ku qabatay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka.
Munaasabadda oo uu furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabeelle Mudane Nuur Siyaad Gacal ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Degmada Warsheekh, Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada, Guddoomiyaha Dhallinyarada Degmada, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada iyo dhallinyaro firfircoon oo ka kala socotay bulshada degmada.
Munaasabadda ayaa lagu muujiyey doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka, nabadda iyo dib-u-dhiska bulshada, iyadoo lagu dhiirrigeliyey inay door muuqda ka qaataan hoggaaminta iyo mustaqbalka dalkooda.
Dhallinyaro firfircoon, bulsho horumarsan. πΈπ΄
ππππππππ
______
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka dadwaynaha
[email protected]
π
πππππ¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSHirshabelle
ππππ¬π’ππ: http://Moys.hs.so
X: MoYSHirshabelle