Telefishinka HirShabeelle

Telefishinka HirShabeelle Bogga Rasmiga ah ee Telefishinka Dowladda Hirshabeelle.

03/09/2026

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle waxeey xoojinaysaa waxbarashada iyo ka-qaybgalka gabdhaha ee nidaamka waxbarashada.

03/09/2026

Ololaha wacyi-gelinta horumarinta waxbarashada gabdhaha ayaa si habsami leh uga socda Hirshabeelle,

03/09/2026

JSP oo wacdaro ka dhiggay magaalada Jowhar.

03/09/2026

Balcad oo lagu qabtay banaanbax ballaaran oo lagu taageerayay Urur Siyaasadeedka JSP.

03/09/2026

Dhismaha Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Hirshabeelle oo heer gabagabo ah maraya.

03/09/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan, Mudane Ibraahim Cismaan Cali iyo Guddoomiyaha Degmada Beledweyne, Mudane Cumar Cismaan Calasow ayaa maanta kormeer ku tagay xarumaha ay ka socdaan hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cabdikariin Nuur Xasan, aya...
03/09/2026

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cabdikariin Nuur Xasan, ayaa ka qeyb-galaya Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum 2026).

Shirweynaha oo diiradda lagu saarayo doorka iyo mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya xilligan casriga ah, ayaa isu keeni doona mas’uuliyiin, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bahda warbaahinta.

Shirweynaha ayaa looga hadlayaa horumarinta istiraatiijiyadda xiriirka warbaahinta, isbeddellada ku yimid warbaahinta casriga ah iyo sidii loo qaabeyn lahaa mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya.

Hal-ku-dhigga Shirweynaha:

“Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee Xilligan Casriga ah”

(Shaping Somalia’s Media Future in the Digital Era)

Ololaha wacyi-gelinta horumarinta waxbarashada gabdhaha ayaa si habsami leh uga socda Hirshabeelle, iyadoo ay qeyb ka yi...
03/09/2026

Ololaha wacyi-gelinta horumarinta waxbarashada gabdhaha ayaa si habsami leh uga socda Hirshabeelle, iyadoo ay qeyb ka yihiin dooddo wax-ku-ool ah oo ay ka qeybgalayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Doodaha ayaa diiradda lagu saarayaa muhiimadda ay leedahay waxbarashada gabdhaha iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa waalidiinta iyo bulshada, si gabdhaha loogu abuuro fursado waxbarasho oo ku filan.

Waalidiinta, macallimiinta iyo guud ahaan bulshada ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan gabdhaha doonaya inay wax bartaan, si loo yareeyo caqabadaha hortaagan waxbarashada gabdhaha loona kordhiyo ka-qaybgalka gabdhaha ee waxbarashada.

Ugu dambeyn, ololahan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle ay ku xoojinayso waxbarashada iyo ka-qaybgalka gabdhaha ee nidaamka waxbarashada.

Ololahan waxaa lagu fulinayaa taageerada Mashruuca GPE.

Magaalada Balcad ayaa maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wad...
03/09/2026

Magaalada Balcad ayaa maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay taageerada ay u hayaan ururka iyo qorshayaashiisa siyaasadeed.

Ka qeybgalayaashii munaasabadda ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay door muuqda ka qaataan geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod.

02/09/2026

Waxaan u mahadcelinayaa cid weliba oo gacan ka geystay horumarka Degmada RaagaCeelle gaar ahaan Dowlada Hirshabelle oo heerkaan soo gaarsiisay.

Wasiir cabdullahi Cadde

Address

Jowhar
00100

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Telefishinka HirShabeelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Telefishinka HirShabeelle:

Shortcuts

Share