Abdulhakim Lukman Haji Mohamed

Abdulhakim Lukman Haji Mohamed Speaker of The Hirshabelle State Parliament

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal...
10/08/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta cod caqlabiyad leh ku doorteen Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cabdulqaadir waxaan Alle SWT uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay.

Hambalyo HambalyoWaxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka reer Beledweyne ee maanta ka qayb qaatay diiwaan-gelint...
15/07/2026

Hambalyo Hambalyo

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka reer Beledweyne ee maanta ka qayb qaatay diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay ka qaybgalka hannaanka doorashada qof iyo codka ah.

Maanta waa maalin taariikhi ah, maadaama muddo 57 sano ah kadib shacabka Beledweyne ay fursad u helayaan inay si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka, kuna doortaan codkooda hoggaanka ay rabaan.

Waxaan sido kale u mahadcelinayaa maamulka gobolka, kan degmada, laamaha amniga, guddiyada doorashooyinka iyo dhammaan bulshada reer Beledweyne oo door weyn ka qaatay hirgelinta geeddi-socodkan muhiimka ah.

Waxaan ku boorrinayaa dhammaan shacabka aan weli isdiiwaangelin inay ka faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah si ay u helaan xaqooda dastuuriga ah ee codbixinta.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qarabadii ehelkii, dhaqanka Soomaali...
03/07/2026

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qarabadii ehelkii, dhaqanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid imaam Maxamed Yusuf Cali.

Allaha u naxariisto Imaam Maxamed Yusuf Cali waxuu ahaa haldoor soomaaliyeed oo muddo dheer ka shaqeynayay nabadeynta bulshada, xoojinta iyo wadajirka shacabka iyo xal u helidda khilaafaadka

marxuumka Jannatul Firdowsa Allaha ka waarbiyo, qabrigiisana Allaha u waasiciyo, dambigiisana Allaha dhaafo, dhammaan qoyska, ehelka, qaraabada, iyo guud ahaah dhaqanka Soomaaliyeed samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Aamiin.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Jowhar: 3-Luulyo2026 Gudoonka Golaha Wakiilada Hirshabelle oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Hirshabelle Mudane Dr, Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Mohamed, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii, bahda dhaqanka Soomaaliyeed iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid, Imaam Maxamed Yuusuf Cali.

Alle ha u naxariistee, Imaam Maxamed Yuusuf Cali waxaa uu ahaa Haldoor Soomaaliyeed oo muddo dheer ka shaqeynayey nabadeynta bulshada, xoojinta wadajirka shacabka, xal-u-helidda khilaafaadka iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed.

Guddoonka ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qabrigiisana u waasiciyo, dambigiisana Alle dhaafo, dhammaan qoyska, ehelka, qaraabada, iyo guud ahaah dhaqanka Soomaaliyeed samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin.

Waxaan guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba, ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha weyn leh ee 1-da ...
01/07/2026

Waxaan guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba, ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha weyn leh ee 1-da Luulyo oo ku beegan sanad-guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya, laguna aas-aasay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Maalintan taariikhiga ah waxay astaan u tahay midnimo, wadajir iyo halgan dheer oo ay ummadda Soomaaliyeed u soo martay xornimo iyo dowladnimo. Waa maalin ina xusuusinaysa muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo horumarka dalkeenna.

Hambalyo 1-da Luulyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.

BAAQ NABADEEDWaxaan baaq nabadeed u dirayaa dhammaan beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya degmada Jalalaqsi ee Gobolk...
20/06/2026

BAAQ NABADEED

Waxaan baaq nabadeed u dirayaa dhammaan beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dagaallada socda waxay sababeen dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur ba’an oo saameeyay bulshada inteeda kale, gaar ahaan haweenka, carruurta iyo dadka nugul.

Waxaan ku boorrinayaa odayaasha dhaqanka, culimada, waxgaradka, dhallinyarada iyo maamulka inay si degdeg ah uga shaqeeyaan hirgelinta xabbad-joojin wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin dhab ah.

Nabadda wadajirka iyo is-ixtiraamku waa tiirarka horumarka, xasilloonida iyo badbaadada bulshada.

Aan si wadajir ah uga shaqayno joojinta colaadda, ilaalinta nolosha shacabka iyo xoojinta walaaltinimada, si loo helo mustaqbal nabdoon oo ay ku wada noolaadaan dhammaan bulshada ku dhaqan degmada Jalalaqsi.

Nabaddu waa nolol, colaadduna waa burbur.

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle munaasabad soo dhaweyn ah ugu sameeyay Ugaaska Beesha Gaaljecel...
13/06/2026

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle munaasabad soo dhaweyn ah ugu sameeyay Ugaaska Beesha Gaaljecel, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Muxumed.

Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd soo dhaweyn iyo is-xogwaraysi ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro, xildhibaanno, agaasimayaal, nabadoonno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mas’uuliyiintii iyo martidii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa Ugaaska ku soo dhaweeyay Magaalada Jowhar, iyagoo bogaadiyay doorkiisa hoggaamineed iyo kaalinta uu ku leeyahay nabadda, midnimada iyo horumarka bulshada.

Waxaan Caasimadda Dowladda Hirshabelle ee Jowhar  Munaasabad Casho sharaf ah ugu sameynay wafi uu Hogaaminayay Madaxweyn...
12/06/2026

Waxaan Caasimadda Dowladda Hirshabelle ee Jowhar Munaasabad Casho sharaf ah ugu sameynay wafi uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr-Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga Caasimadda Hirshabelle.

Ciid wanaagsan Waxaan hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda ciiddul adxa u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed...
26/05/2026

Ciid wanaagsan

Waxaan hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda ciiddul adxa u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada reer Hirshabelle.

Waxaan Eebbe ka baryayaa in ciiddan ciiddeeda nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad, barwaaqo iyo horumar.

26/04/2026

Waxaa aniga iyo Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) si diirran nagula soo dhaweeyay Xarunta Dhexe ee Xisbiga Cadaallada iyo Wadajirka (JSP).

25/04/2026

Address

Jowhar
Jowhar

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulhakim Lukman Haji Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Abdulhakim Lukman Haji Mohamed:

Shortcuts

Share