Ali Gudlawe Hussein

Ali Gudlawe Hussein This is the official page of the President of the Hirshabelle State of Somalia

Soo-dhoweyn diirran oo aan maanta degmada Balcad ugu sameynay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuur...
14/08/2026

Soo-dhoweyn diirran oo aan maanta degmada Balcad ugu sameynay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur, iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee soo gaaray degmada.

Farxad iyo sharaf weyn ayay noo tahay imaanshaha Guddoomiye Cabduqaadir Maxamed Nuur, iyadoo ay afar maalmood oo keliya laga joogo markii loo doortay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isla markaana booqashadiisii ugu horreysay uu noogu yimid degmada Balcad.

Waxaan Alle uga baryeynaa Guddoomiyaha inuu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, hana ka dhigo xilkiisa mid uu ugu adeego dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaan mahad iyo bogaadin u jeedinayaa dhammaan siyaasiyiinta, Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, duubabkeenna dhaqanka ee tiirka u ah dhaqanka, nabadda iyo midnimada bulshada, iyo dhammaan martidii iyo kasoo qeybgalayaashii munaasabaddan qiimaha iyo heerka sare lahayd.

Maamulka iyo Bulshada Degmada Balcad waxay maanta muujiyeen soo-dhoweyn, midnimo iyo maamuus ku dhisan walaaltinimo iyo qarannimo.

13/08/2026

Waxaan maanta soo gaarnay aniga iyo wafdigeyga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo si wayn ay noogu soo dhoweeyeen Wasiirro, Xildhibaanno, Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaan maanta soo gaarnay aniga iyo wafdigeyga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo si wayn ay noogu soo dhowe...
13/08/2026

Waxaan maanta soo gaarnay aniga iyo wafdigeyga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo si wayn ay noogu soo dhoweeyeen Wasiirro, Xildhibaanno, Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo dhaweyntii maanta iyo isu soo baxa ay dadkeenna inoo sameeyeen aad bay ii farxad gelisay waxa eyna muujineysaa biseelka dadka degmadaan u qabaan dowlad jacaylka iyo sida ey uga go,antahahay lashaqeynta hey,adaha kala duwan ee dowladda.

Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirrada, Xildhibaannada, Maamulka Degmada, Odayaasha, Waxgaradka iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo si dowlad jaceyl ka muuqdo inoo soo dhaweeyay.

Hambalyo Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa walaalkay Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamac) oo maanta loo door...
10/08/2026

Hambalyo

Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa walaalkay Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamac) oo maanta loo doortay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Masuuliyadda iyo xilka laguu doortay, Alle ha kuu fududeeyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada iyo dhammaan shacabka Soo...
15/07/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Muqtaar Abuukar Macalin (Muqtaar Raatib), maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar oo saaka ku geeriyooday dalka Hindiya.

Marxuumku wuxuu ahaa haldoor door muuqda ka qaatay dowlad-dhiska Hirshabeelle iyo nabadeynta bulshada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Alle waxaan uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelladiisa iyo dhammaan intii uu ka geeriyooday.

Aamiin.

Waxaan maanta ka qeybgalay salaaddii janaasada ee Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, oo aan kula tukannay G...
07/07/2026

Waxaan maanta ka qeybgalay salaaddii janaasada ee Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, oo aan kula tukannay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo Jannatul Firdows. Aamiin.

Tacsi Tiiraanyo LehInnaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehel...
03/07/2026

Tacsi Tiiraanyo Leh

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, oo maanta ku geeriyooday dalka Hindiya.

Marxuumku wuxuu ahaa oday iyo haldoor Soomaaliyeed oo door muuqda ka soo qaatay dib-u-dhiska dowladnimada, nabadeynta, isu-soo dhoweynta bulshada iyo horumarka guud ee dalka. Wuxuu sidoo kale kaalin muhiim ah ku lahaa dadaalladii lagu dhisay Dowladnimada Hirshabeelle.

Alle ha u dembi dhaafo Imaam Maxamed Yuusuf Cali, naxariistiisa Janno haka waraabiyo, qabrigiisana haka dhigo beer ka mid ah beeraha Jannada, Eebbe waxaan uga baryayaa qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan dadka uu ka geeriyooday inuu siiyo samir iyo iimaan.

01/07/2026

1-da Luulyo waa maalin ku suntan sharaf, gobannimo iyo midnimo. Waa maalin xusuusinaysa halgankii dheeraa iyo naf-hurnimadii ay geesiyaal Soomaaliyeed u galeen sidii calanka buluugga ah uu si xor ah uga baban lahaa dalkeenna.

Waxaan caawa Aqalka Madaxtooyadda uga qeybgalay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay sannad-guurada 66-aad ee kasoo ...
01/07/2026

Waxaan caawa Aqalka Madaxtooyadda uga qeybgalay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay sannad-guurada 66-aad ee kasoo wareegtay maalintii ay gobollada Koonfureed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya xorriyaddooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, isla markaana ay hirgashay israacii taariikhiga ahaa ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur, kaas oo saldhig u noqday midnimada iyo dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

1-da Luulyo waa maalin ku suntan sharaf, gobannimo iyo midnimo. Waa maalin xusuusinaysa halgankii dheeraa iyo naf-hurnimadii ay geesiyaal Soomaaliyeed u galeen sidii calanka buluugga ah uu si xor ah uga baban lahaa dalkeenna.

Waxaan maanta si qoto dheer u xusuusaneynaa halyeeyadii u huray naf iyo maal xaqiijinta xorriyadda iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Waajib ayay inagu tahay inaan dhowrno midnimada, adkeyno dowladnimada, isla markaana jiilasha soo koraya ku barbaarinno jacaylka dalka, wadajirka iyo ilaalinta qiyamka qarannimada.

Hambalyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Baaq NabadeedWaxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan...
19/06/2026

Baaq Nabadeed

Waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Aad ayaan uga xumahay dhiigga ku daadanaya colaaddan nasiib-darrada ah ee u dhexeysa bulshada walaalaha ah, Waana arrin murugo leh in xilligan adag ay dhacaan dagaallo sababa khasaare naf iyo maalba leh.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay colaaddan khusayso inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, kana fogaadaan wax kasta oo sii hurin kara colaadda, iyagoo khilaafaadka jira ku xallinaya wadahadal iyo is-afgarad.

Waxaan si adag u farayaa Maamulka Degmada Jalalaqsi iyo Hay’adaha Amniga inay si degdeg ah uga shaqeeyaan daminta colaadda iyo kala dhexgalka beelaha walaalaha ah ee dirirtu u dhexeyso.

Sidoo kale waxaan baaq u dirayaa nabadoonnada, waxgaradka, culumaa’udiinka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay door muuqda ka qaataan nabadeynta, isla markaana ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa wadajirka, nabadda iyo walaaltinimada bulshada degmada.

Address

Presidency Street, Jowhar District, Middle Shabelle Region
Jowhar
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ali Gudlawe Hussein posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ali Gudlawe Hussein:

Shortcuts

Share