Hirshabelle State House

Hirshabelle State House This is the official page of the State house of the Hirshabelle State of Somalia

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO QAABILAY ARDEYDA KAALMAHA KA GASHAY IMTIXAANKA DUGSIGA SARE EE KASOO JEEDO HIRSHAB...
20/08/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO QAABILAY ARDEYDA KAALMAHA KA GASHAY IMTIXAANKA DUGSIGA SARE EE KASOO JEEDO HIRSHABEELLE

Muqdisho: 20-August-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Hirshabeelle Saciid Hagar Camalloow ayaa maanta qaabilay 2 ardey oo ka mid ah 10-ka ardey ee ugu sareysay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare kuwaas oo ka soo jeedo Dowladda Hirshabeelle.

1. Axmed Maxamed Axmed oo wax-ku-bartay iskuulka Al-Ma’muun ayaa kaalinta 5-aad ka galay imtixaanka dugsiga sare ee dalka oo dhan.

2. ⁠Naxwa Xasan Cabdullaahi oo dhigatay iskuulka Ugaas Nuur ayaa kaalinta 10-aad ka gashay imtixaanka dugsiga sare ee dalka oo idil.

Labada iskuul ay ka qallin-beddesheen ayaa ku yaalo degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

“Waa idin kugu hambalyeynayaa inaad 10-ka ardey ee ugu sareyso dalka aad ka mid noqotaan, waxaan u mahadcelinayaa waalidiinta iyo macallimiinta waqtiga u soo huray waxbarashadiina.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray Wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle in ardeydaasi la siiyo deeqo waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah si ay u wataan aqoontooda.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

14/08/2026

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo haddal kooban ka jeediyay munaasabadii lagu soo dhaweynayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ee ka dhacday degmada Balcad.

14/08/2026

Sidee Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ugu soo dhaweeyay degmada Balcad Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo doorashadiisa kaddib safarkii ugu horeeyay uga soo dhaqaaqay magaalada Muqdisho.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO DEGMADA BALCAD KUSOO DHAWEEYAY GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA JFSBalcad, 14-August-2026...
14/08/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO DEGMADA BALCAD KUSOO DHAWEEYAY GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA JFS

Balcad, 14-August-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa salaaddii Jimcaha kaddib waxa uu degmada Balcad ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Barlamaanka JFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Jaamac oo ay wehliyaan mudanayaal ka tirsan labada Gole ee Dowladda Dhexe.

Dhaqanka Mudulood, Maamulka Degmada Balcad, Haween, Dhallinyaro iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta diiran ee maanta loo sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Intaa kaddib ayaa masuuliyiinta loo gudbiyey beerta dalxiiska degmada Balcad oo loogu sameeyay qado-sharaf.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka doorashadiisa kaddib in booqashadii ugu horeysay uu ku yimid Hirshabeelle.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

13/08/2026

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa soo dhaweyn weyn loogu sameeyay degmo-dalxiiseedka Balcad.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO GALABTA SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYAY DEGMADA DALXIISKA EE BALCADKhamiis, 13-August-...
13/08/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO GALABTA SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYAY DEGMADA DALXIISKA EE BALCAD

Khamiis, 13-August-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa galabta si heersare ah waxaa loogu soo dhaweeyay degmada dalxiiska ee Balcad.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa degmada Balcad kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabeelle, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Dhaqan, Waxgarad, Culumo, Haween iyo Dhallinyaro.

Soo dhaweynta ayaa ahayd mid ay ka muuqatay farxad, isku duubni iyo taageerada ay shacabka Balcad u hayaan hoggaanka Dowladda Hirshabelle.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay goobihii uu marayay Madaxweynaha, iyagoo ku dhawaaqayay erayo soo dhaweyn iyo taageero ah.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo maamulka degmada Balcad sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta Dowladda iyo Bulshada.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO U HAMBALYEEYAY GUDDOOMIYAHA CUSUB EE BAARLAMAANKA JFSMuqdisho, 10-August-2026: Mad...
10/08/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO U HAMBALYEEYAY GUDDOOMIYAHA CUSUB EE BAARLAMAANKA JFS

Muqdisho, 10-August-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Guddoomiye Cabduqaadir Maxamed Nuur oo goor dhow ay doorteen mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Sidoo kale Madaxweynaya ayaa tilmaamay Hay’ad sharci-dejin oo laf-dhabar u ah shaqadda Dowladnimada inuu hormuud u noqday.

“Hambalyo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Cabduqaadir Maxamed Nuur. Rabbi ha kula garabgalo masuuliyadda cusub.”

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa boogaadiyey go’aanka Xildhibaanada Golaha Shacabka.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO MAANTA QAABILAY BEELWEYNTA HABAR-NUGAALEMuqdisho, 6-August-2026: Madaxweyne Cali C...
06/08/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO MAANTA QAABILAY BEELWEYNTA HABAR-NUGAALE

Muqdisho, 6-August-2026: Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta qaabilay Dhaqanka, Nabaddoonada iyo qeybaha bulshada ee Beelweynta Habar-Nugaale.

Dhambaal isugu jiray taageero, garab istaag iyo duco ayay la wadaageen Madaxweynaha oo kaga mahadceliyeen kaalintiisa hoggaamin ee Dowladda Hirshabeelle.

Sidoo kale waxay boogaadiyeen sida uu u hirgeliyay Hirshabeelle horumarsan xarumaha Dowladda ee loogu adeego shacabka.

Gebogabadii, Madaxweynaha ayaa kaga mahadnaqay Beelweynta Habar-Nugaale booqashada iyo taageerada lixaadka leh.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO QAABILAY XILDHIBAANNADA MUDULOOD EE LAGA SOO DOORTO HIRSHABEELLEMuqdisho, 5-August...
05/08/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO QAABILAY XILDHIBAANNADA MUDULOOD EE LAGA SOO DOORTO HIRSHABEELLE

Muqdisho, 5-August-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Xildhibaanada labada aqal BJFS ee mudulood oo laga soo doorto Hirshabeelle.

Ugu horeyn Xildhibaanada oo kulanka ka hadlay ayaa xusay in Madaxweynaha oo qaatay door naf-hurnimo marka ay timaado hannaanka siyaasadda, difaaca iyo horumarinta Hirshabeelle.

Sidoo kale waxay tilmaameen waayo-aragnimadiisa guddaha inay caawisay in xal laga gaaro arrimo badan.

Dhammaan ayaa isku raacay in la kordhiyo taageerada iyo garab istaaga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle maadaama uu go’aansaday in deegaanka ay ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ka mahadceliyey booqashada ay ugu tageen, isagoo ku ammaanay muddada Federal-ka ay ku maqan yihiin inay qaateen doorar kala duwan oo wax ku ool ah.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO LOO MUUJIYEY TAGEERO KU AADAN HIIGSIGIISA CUSUB EE HIRSHABEELLEMuqdisho, 2-August-...
02/08/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO LOO MUUJIYEY TAGEERO KU AADAN HIIGSIGIISA CUSUB EE HIRSHABEELLE

Muqdisho, 2-August-2026: Masuuliyiin xilal kala duwan kasoo qabatay dalka oo kasoo jeedo Hirshabeelle ayaa maanta waxay gurugiisa ku booqdeen Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Ugu horeyn masuuliyiinta ayaa ugu duceeyay Madaxweyne Guudlaawe inuu markale ku asturo hiigisigiisa cusub ee Hirshabeelle.

Sidoo kale waxay boogaadiyeen horumarka waqtigaan ka muuqdo Hirshabeelle iyo hirgelinta xarumo Dowladdeed oo casri ah.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kaga mahadceliyey masuuliyiinta booqashada, ducada iyo taageerada ay u muujiyeen.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

Address

Jowhar

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hirshabelle State House posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hirshabelle State House:

Shortcuts

Share