Hirshabelle State House

Call Directions Website Contact the organization

Hirshabelle State House This is the official page of the State house of the Hirshabelle State of Somalia

24/09/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO XAQIIJINTA MUSHARAXNIMADIISA JSP KADDIB MAANTA KUSOO LAABTAY CAASIMADA JOWHAR.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO XAQIIJINTA MUSHARAXNIMADIISA JSP KADDIB MAANTA KUSOO LAABTAY CAASIMADA JOWHAR.Jowh...
24/09/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO XAQIIJINTA MUSHARAXNIMADIISA JSP KADDIB MAANTA KUSOO LAABTAY CAASIMADA JOWHAR.

Jowhar, 24-September-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ahna musharaxa JSP ee Hirshabeelle ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ee caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere wafdiga Madaxweynaha, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cabdixakiin Luqmaan, Wasiirro, Xildhibaano, Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe, Duqa magaalada Jowhar, Saraakiisha ciidamada iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa ku hakaday V. I. P garoonka Maxamed Dheere waxana kulan kula qaatay masuuliyiintii soo dhaweysay.

Shacabka caasimada ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ay ku ammaaneen adeegiisa Dowladnimada taas oo ugu dambeyn dhaxlsiisay inuu noqdo musharaxa xisbiga tallada dalka haayo ee JSP inuu u soo xusho Hirshabeelle.

Gunaanudkii, Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta iyo bulshada Hirshabeelle.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasime ku-xigeenka Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mahad Ahmed Alasow
[email protected]

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO MAANTA KULAN LA QAATAY SAFIIRKA DOWLADDA INGIRIISKA.Muqdisho,17-September-2026: Mu...
17/09/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO MAANTA KULAN LA QAATAY SAFIIRKA DOWLADDA INGIRIISKA.

Muqdisho,17-September-2026: Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u joogo Soomaaliya Amb. Charles king, Madaxa horumarinta Chris pycroft, Madaxa xiriirka Siyaasada Chris Barker oo ey kawada hadleen sii wadida taageerada iyo fullinta mashaariicda horumarineed ee deegaanada Dowladda Hirshabelle iyo hirgilinta mashruuca weyn ee biyo xireenka sabuun (JOSP).

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay mashaariicda wax ku oolka ah ee ka fuliyeen deegaanada Hirshabelle oo ay ka mid tahay Dhismaha Madaxtooyadda, iyo Xarunta Baarlamanka Hirshabelle oo soo gaartay heer gabogabo ah.

“Waxaa naga go,an in aan wado kasto u marno hirgelinta mashruuc walba oo waxtar u leh bulshadeenna Dowladda Ingiriiskana waan uga mahadcelinayaa taageerada ay la garab taagantahay Hirshabeelle.”

Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah Dowaladdaha sida weyn u taageero Soomaaliya.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

GOLAHA SARE EE SIYAASADDA BEESHA XAWAADLE OO HAMBALYO UGU TAGAY MUSHARAXA HANTAY AQOONSIGA JSP EE HIRSHABEELLEMuqdisho, ...
14/09/2026

GOLAHA SARE EE SIYAASADDA BEESHA XAWAADLE OO HAMBALYO UGU TAGAY MUSHARAXA HANTAY AQOONSIGA JSP EE HIRSHABEELLE

Muqdisho, 14-Sep-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta hoygiisa Ololaha ee magaalada Muqdisho waxa uu ku qaabilay Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynihii h**e Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa ku-xigeenka Golaha Khoone, Guddoomiyayaashii h**e Gobalka Hiiraan Muuse Salaad, Cabdifataax Afrax iyo Xildhibaan Maxamed Ganeey.

Golaha ayaa dhambaal hambalyo ah la wadaagay Madaxweynaha waxana ay xuseen inay si buuxdo garab ugu yihiin ayna ka qeyb qaadan doonaan doorashada qof iyo codka ah.

“Waan idinka guddoomay hambalyada, kulankaan waa Hirshabeelle mideysan, wadajir ayaan u guulleysanay.” Madaxweynaha ayaa sidaasi ka yiri fadhigga.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

13/09/2026

Haddal-jeedinta Madaxweyne Cali Guudlaawe ee munaasabadda lagu guddoonsiiyey aqoonsiga musharaxnimo Hirshabeelle ee JSP

13/09/2026

Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Xarunta JSP ee magaalada Muqdisho.

MADAXWEYNE CALI GUUDLAAWE OO GALABTA GUDDOOMAY AQOONSIGA MUSHARAXNIMADA XISBIGA JSPMuqdisho, 13-Sep-2026: Ugu h**eyn shi...
13/09/2026

MADAXWEYNE CALI GUUDLAAWE OO GALABTA GUDDOOMAY AQOONSIGA MUSHARAXNIMADA XISBIGA JSP

Muqdisho, 13-Sep-2026: Ugu h**eyn shir ka dhacay xarunta Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo isugu yimaadeen xubnaha fullinta ayaa qaab gacan-taag ah waxaa loogu codeeyay inuu musharaxa JSP uu noqdo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Sidoo kale isla xarunta waxaa ku qabsoontay munaasabadda shaacinta musharaxnimada oo kaarka ay ku asteysan tahay shimbirta cagaaran iyo 15-ka lagu guddoonsiiyey Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Munaasabada waxaa goobjoog ahaa Ra’iisulwasaare ku-xigeenka 2-aad dalka Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga JSP Dr. Xuseen Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan JSP inay garab istaagaan musharaxooda Hirshabeelle.

“Xifaaltanka siyaasiga waa soo dhammaaday, waxaa la soo gaaray halka aad igula shaqeyn laheydeen, Hirshabeelle waa mid loo dhan yahay.” Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa haddalkan goobta ka jeediyey.

Diiwaan cusub ayay tani u tahay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo waqti dheer geliyey Dowlad-dhiska Soomaaliya.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

09/09/2026

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay dib-u-dhiska Biyo-xireenka Sabuun, oo ah mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee Mashruuca Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP).

HIRSHABEELLE OO SI RASMI AH U BILOWDAY DIB-U-DHISKA BIYO-XIREENKA SABUUN OO TIIR MUHIIM U AH BEERALEYDA SOOMAALIYEEDJowh...
09/09/2026

HIRSHABEELLE OO SI RASMI AH U BILOWDAY DIB-U-DHISKA BIYO-XIREENKA SABUUN OO TIIR MUHIIM U AH BEERALEYDA SOOMAALIYEED

Jowhar, 9-Sebtembar-2026: Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay dib-u-dhiska Biyo-xireenka Sabuun, oo ah mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee Mashruuca Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP), munaasabad taariikhi ah oo lagu qabtay deegaanka Sabuun.

Dib-u-dhiska Biyo-xireenka Sabuun wuxuu astaan u yahay in JOSP uu galay marxalad cusub oo hirgelin muuqata ah, kaddib sannado qorshayn, daraasado farsamo iyo wada-shaqayn dhexmartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Hirshabeelle, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibada horumarinta.

Biyo-xireenka Sabuun waa tiir muhiim u ah nidaamka maaraynta biyaha iyo waraabka ee Jowhar. Dib-u-dhiskiisu wuxuu gacan ka geysan doonaa xakamaynta iyo maaraynta biyaha Webiga Shabeelle, dib-u-soo-nooleynta nidaamyada waraabka, yaraynta khatarta fatahaadaha iyo kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha.

Mashruucu wuxuu si gaar ah muhiim ugu yahay bulshooyinka ku tiirsan beeraha ee Hirshabeelle iyo deegaannada kale ee ku teedsan nidaamka Webiga Shabeelle, oo ay ku jiraan qaybo ka mid ah Koonfur Galbeed. Muddo dheer, bulshooyinkani waxay la tacaalayeen fatahaado soo noqnoqda xilliyada roobka iyo biyo-yaraan xilliyada abaarta.

Dib-u-dhiska Sabuun wuxuu qayb ka yahay aragti ballaaran oo JOSP looga gol leeyahay in lagu beddelo habka looga jawaabo fatahaadaha iyo abaaraha, iyadoo laga gudbayo gurmad joogto ah loona wareegayo kaabayaal waara, maarayn biyo oo qorshaysan iyo adkeysi bulsho.

Marka nidaamka Sabuun iyo kaabayaasha la xiriira ay shaqeeyaan, beeraleydu waxay heli doonaan biyo waraab oo la isku halayn karo, taas oo u oggolaanaysa inay kordhiyaan wax-soo-saarka, ballaariyaan beeraha, abuuraan shaqooyin, isla markaana xoojiyaan sugnaanta cuntada iyo dhaqaalaha deegaanka.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibril Abdirashid Haji Abdi, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane George Conway, Safiir Pier Mario Daccò Coppi, Agaasimaha FAO Soomaaliya Mudane Etienne Peterschmitt, madaxda Dowladda Hirshabeelle, wakiillada hay’adaha Qaramada Midoobay, saaxiibada horumarinta iyo bulshada deegaanka.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa uga mahadceliyay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku bahoobay hirgelinta JOSP dadaalka, iskaashiga iyo kaalinta ay ka qaateen sidii mashruucan muhiimka ahi u miro-dhali lahaa. Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada iyo wada-shaqaynta joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Isuduwaha Mashruuca JOSP, Mudane Aadan Cabdulle, dadaalka, hoggaaminta iyo sida ay uga go’an tahay xaqiijinta guusha mashruuca. Wuxuu xusay in dadaalka joogtada ah iyo wada-shaqaynta dhammaan dhinacyadu ay door muhiim ah ka qaateen in JOSP uu maanta gaaro marxaladdan taariikhiga ah ee bilowga dib-u-dhiska Biyo-xireenka Sabuun.

JOSP waxaa iska kaashanaya hay’ado ay ka mid yihiin FAO, IOM, UNEP, UN-Habitat iyo UNIDO, iyadoo taageero muhiim ah ay ka geysanayaan FCDO, Dowladda Norway, Dowladda Talyaaniga iyo Somali Joint Fund.

Bilowga dib-u-dhiska Biyo-xireenka Sabuun wuxuu JOSP u horseedayaa marxalad cusub oo mashruucu uga gudbayo qorshe iyo diyaargarow una gudbayo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah ee loogu talagalay inay wax ka beddelaan nolosha bulshada ku nool hareeraha Webiga Shabeelle.

Dowladda Hirshabeelle waxay xaqiijinaysaa inay sii wadi doonto wada-shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha fulinaya JOSP, saaxiibada horumarinta iyo bulshada deegaanka si loo xaqiijiyo in dib-u-dhiska Sabuun iyo qaybaha kale ee mashruucu ay keenaan natiijooyin waara oo ay shacabka Soomaaliyeed si toos ah uga faa’iidaystaan.

DHAMMAAD

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO QAABILAY ARDEYDA KAALMAHA KA GASHAY IMTIXAANKA DUGSIGA SARE EE KASOO JEEDO HIRSHAB...
20/08/2026

MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO QAABILAY ARDEYDA KAALMAHA KA GASHAY IMTIXAANKA DUGSIGA SARE EE KASOO JEEDO HIRSHABEELLE

Muqdisho: 20-August-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Hirshabeelle Saciid Hagar Camalloow ayaa maanta qaabilay 2 ardey oo ka mid ah 10-ka ardey ee ugu sareysay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare kuwaas oo ka soo jeedo Dowladda Hirshabeelle.

1. Axmed Maxamed Axmed oo wax-ku-bartay iskuulka Al-Ma’muun ayaa kaalinta 5-aad ka galay imtixaanka dugsiga sare ee dalka oo dhan.

2. ⁠Naxwa Xasan Cabdullaahi oo dhigatay iskuulka Ugaas Nuur ayaa kaalinta 10-aad ka gashay imtixaanka dugsiga sare ee dalka oo idil.

Labada iskuul ay ka qallin-beddesheen ayaa ku yaalo degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

“Waa idin kugu hambalyeynayaa inaad 10-ka ardey ee ugu sareyso dalka aad ka mid noqotaan, waxaan u mahadcelinayaa waalidiinta iyo macallimiinta waqtiga u soo huray waxbarashadiina.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa faray Wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle in ardeydaasi la siiyo deeqo waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah si ay u wataan aqoontooda.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur
[email protected]

Address

Jowhar

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hirshabelle State House posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hirshabelle State House:

Shortcuts

Share