Ministry of Commerce and industries Hirshabelle State -Somalia

Ministry of Commerce and industries Hirshabelle State -Somalia Ministry of Commerce and Industry -Hirshabelle state of Somalia. State.

Is responsible for Promoting Trade, Reform industries , Investment and Economic Development within Hirshabelle.

25/08/2026

Dood- Qeybta 4aad
๐†๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ๐š ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‡๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž ๐Œ๐š๐ซ๐ฐ๐จ ๐Ÿ๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ง ๐€๐๐š๐ง ๐ฑ๐ž๐ž๐Ÿ๐จ๐ฐ.

Maxay tahay Caqabadaha Wasaaraddaha ka heysta Qaadashada Shaqaalo la tababaray; si aay ugu sii shaqo bartaan wixi la baray?

๐‰๐Ž๐–๐‡๐€๐‘, 21-8-2026๐ƒ๐€๐€๐‡๐…๐”๐‘๐Š๐€ ๐…๐€๐‘๐€๐‚๐€ ๐’๐‡๐ˆ๐‘๐Š๐€๐ƒ๐€ ๐€๐Œ๐๐ˆ๐“๐„๐‹ ๐„๐„ ๐Œ๐€๐†๐€๐€๐‹๐€๐ƒ๐€ ๐‰๐Ž๐–๐‡๐€๐‘.Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowl...
21/08/2026

๐‰๐Ž๐–๐‡๐€๐‘, 21-8-2026
๐ƒ๐€๐€๐‡๐…๐”๐‘๐Š๐€ ๐…๐€๐‘๐€๐‚๐€ ๐’๐‡๐ˆ๐‘๐Š๐€๐ƒ๐€ ๐€๐Œ๐๐ˆ๐“๐„๐‹ ๐„๐„ ๐Œ๐€๐†๐€๐€๐‹๐€๐ƒ๐€ ๐‰๐Ž๐–๐‡๐€๐‘.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cabdifitaax Xasan Dhaqane, oo ay wehliyaan Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Hirshabeelle, Guddoomiyaha Degmada Jowhar ahna Duqa Magaalada Jowhar, Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey, iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar, Mudane Maxamed Abuukar Cali, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray faraca cusub ee Shirkadda AmniTel oo laga hirgeliyay magaalada Jowhar.

Munaasabadda daahfurka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta, teknoolojiyadda iyo adeegyada casriga ah ee bulshada ku nool magaalada Jowhar iyo nawaaxigeeda. Shirkadda AmniTel ayaa bulshada u soo bandhigi doonta adeegyo isgaarsiineed oo kala duwan, kuwaas oo kaalin ka qaadan kara fududeynta isgaarsiinta iyo adeegsiga teknoolojiyadda.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cabdifitaax Xasan Dhaqane, ayaa soo dhaweeyay furitaanka faraca cusub ee AmniTel, isagoo shirkadda ku bogaadiyay tallaabadan muhiimka ah ee ay ku kordhisay adeegyada isgaarsiinta ee magaalada Jowhar.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada Hirshabeelle, gaar ahaan shacabka Jowhar, ay helaan adeegyo isgaarsiineed oo casri ah, tayo leh, la isku halleyn karo, isla markaana ka jawaabaya baahiyaha bulshada iyo kobaca ganacsiga.

Furitaanka faraca AmniTel ee magaalada Jowhar ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo wax ka tari karta kobcinta adeegyada isgaarsiinta, horumarinta ganacsiga, fududeynta adeegyada bulshada iyo ballaarinta adeegsiga teknoolojiyadda, taas oo door muhiim ah ka qaadan karta horumarka dhaqaale iyo bulsho ee magaalada Jowhar iyo guud ahaan nawaaxigeeda.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle waxay soo dhaweynaysaa maalgashiga iyo dadaallada ganacsi ee gacan ka geysanaya horumarinta adeegyada bulshada, abuurista fursado dhaqaale iyo xoojinta kaabayaasha casriga ah ee Hirshabeelle.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐€๐€๐ƒ
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ก๐š
๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ฆ๐จ๐œ๐ข.๐ก๐ฌ.๐ฌ๐จ

20/08/2026

๐ƒ๐จ๐จ๐๐š ๐๐ž๐ฒ๐›๐ญ๐ž๐ž๐๐š ๐Ÿ‘๐š๐š๐
๐Œ๐จ๐ฐ๐ฅ๐ข๐ข๐ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š๐
๐†๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐‰๐จ๐ฐ๐ก๐š๐ซ.

Madaama Gudoomiyaha Dhalinyaradda Degmada Jowhar aad tahay ma ogtaha Tirada rasmiga ah ee tababarka ka faaโ€™ideysatay?

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‡๐ข๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž ๐จ๐จ ๐—๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐š๐œ๐๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ก ๐‚๐จ๐ฅ๐ฅ๐ž๐œ๐ญ๐ข๐จ๐ง19 August Jowhar โ€” Wasiir...
19/08/2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‡๐ข๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž ๐จ๐จ ๐—๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐’๐š๐œ๐๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ก ๐‚๐จ๐ฅ๐ฅ๐ž๐œ๐ญ๐ข๐จ๐ง

19 August Jowhar โ€” Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Abdifitah Hassan Dhaqane, oo uu wehliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Mohamed Yusuf Colow, ayaa xarigga ka jaray Sacduush Collection, oo dib-u-habeyn iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa sidoo kale Wasiirka ku wehliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Omar Mohamed Soomane, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dastuurka, Mudane Liibaan Cali Xuubey, iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Jowhar, Mudane Mohamed Abukar Cali, iyo marti kale.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa bogaadiyay ๐’๐š๐œ๐๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ก ๐‚๐จ๐ฅ๐ฅ๐ž๐œ๐ญ๐ข๐จ๐ง iyo ganacsiyada casriga ah ee ka hirgelaya caasimadda Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar, isagoo xusay in kobaca ganacsiyada gaarka loo leeyahay uu muhiim u yahay horumarinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ay ka goโ€™an tahay horumarinta ganacsiyada Hirshabeelle, dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi, iyo abuurista jawi ganacsi oo fudud oo ku habboon ganacsatada. Wuxuu tilmaamay in Wasaaraddu ay kaalin muuqata ka qaadan doonto fududeynta adeegyada iyo arrimaha ganacsatada ay kaga baahan yihiin Wasaaradda.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Hirshabeelle waxay mas'uuliyaddeeda ku leedahay horumarinta kobaca dhaqaalaha, taageeridda ganacsiyada maxalliga ah iyo abuurista jawi ku habboon kobaca ganacsiga.

Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay dhiirrigelin iyo bogaadin loo jeediyay milkiilaha ganacsiga Sacduush Collection marwo sacdiyo maxamed warsame, iyadoo lagu ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen casriyeynta iyo horumarinta adeegyada ganacsi ee magaalada Jowhar.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐€๐€๐ƒ
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ก๐š
๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ฆ๐จ๐œ๐ข.๐ก๐ฌ.๐ฌ๐จ

18/08/2026

Qeybta 2aad: Dood Wadaag iyo Suโ€™alaha Kaso qeybgalayaasha.

๐‰๐จ๐ฐ๐ก๐š๐ซ -17 ๐€๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ญ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‡๐ข๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ...
17/08/2026

๐‰๐จ๐ฐ๐ก๐š๐ซ -17 ๐€๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ญ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ก๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‡๐ข๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐’๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š ๐‡๐ข๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cabdifitaax Dhaqane, oo uu wehliyo Agaasimaha Mashaariicda iyo Tababarada ee Wasaaradda Mudane Muzamil Ibrahim Ali, ayaa booqasho shaqo ugu tagay xafiiska Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle mudane Mohamed Omar Soomane.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada Wasaaradood, isku-duwidda howlaha, iyo waxyaabaha mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga Hirshabelle.

Wasiir Cabdifitaax Dhaqane ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada Wasaaradood, maadaama ay yihiin Wasaarado isku lammaan oo door muhiim ah ka qaata kobcinta dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo taageeridda bulshada.

Kulanku wuxuu ahaa mid wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo iskaashiga hayโ€™adaha Dowladda Hirshabelle iyo sidii loo gaari lahaa horumar dhaqaale oo waara.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐€๐€๐ƒ
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ก๐š
๐ข๐ง๐Ÿ๐จ@๐ฆ๐จ๐œ๐ข.๐ก๐ฌ.๐ฌ๐จ

17/08/2026

Dood Wadaag: Muhiimada Shaqaalaha la tababaray aay u leeyihiin Horumarinta Dowladda Hirshabelle.

Agaasimaha Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xirirka Caalamiga ayaa ka jawaabayo Suโ€™aasha

๐‰๐จ๐ฐ๐ก๐š๐ซ โ€“ ๐Ÿ๐Ÿ”/๐ŸŽ๐Ÿ–/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ก๐š ๐‡๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž ๐จ๐จ ๐‰๐จ๐ฐ๐ก๐š๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐›๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐๐š๐ญ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ง๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š...
16/08/2026

๐‰๐จ๐ฐ๐ก๐š๐ซ โ€“ ๐Ÿ๐Ÿ”/๐ŸŽ๐Ÿ–/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ก๐š ๐‡๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž ๐จ๐จ ๐‰๐จ๐ฐ๐ก๐š๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐›๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐๐š๐ญ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ง๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐จ-๐›๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Š๐จ๐›๐œ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabelle ayaa maanta magaalada Jowhar ku qabatay Shirka Wadatashiga Daneeyayaasha Shaqo-barayaasha iyo Kobcinta Awoodda Shaqaalaha ee Wasaaradaha ay khuseyso.

Shirka waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah Wasiirrada Dowladda Hirshabelle, Ururka Haweenka Hirshabelle, maamulka degmada Jowhar, odayaasha dhaqanka iyo xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Jowhar.

Ugu horreyn ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š, ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‡๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐ž๐ข๐ง ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐€๐ฅ๐ข ayaa ka warbixiyay ujeeddada iyo muhiimadda kulanka. Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐‚๐จ๐ฅ๐จ๐ฐ, ayaa kasoo qeybgalayaasha kusoo dhaweeyay madasha.

Shirka waxaa si rasmi ah u daahfuray ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ก๐š ๐‡๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐€๐›๐๐ข๐Ÿ๐š๐ญ๐š๐ก ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐ง๐ž ๐‡๐š๐ฌ๐ฌ๐š๐ง, isagoo ka hadlay muhiimadda uu shirku u leeyahay kobcinta xirfadaha iyo horumarinta awoodda shaqaalaha.

Wasiirku wuxuu xusay in ujeeddada muhiimka ah ee kulanku ay tahay in shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee tababarkoodu soo dhammaaday ay helaan fursado shaqo-barasho (internship/placement) oo dheeraad ah gudaha xafiisyada Dowladda, si ay u xoojiyaan aqoontooda, khibraddooda iyo xirfadahooda shaqo, isla markaana ay uga faaโ€™iideystaan waayo-aragnimada laga heli karo wasaaradaha iyo hayโ€™adaha kala duwan ee Dowladda.

Intii uu shirku socday, waxaa dood-wadaag laga yeeshay:

Heerka xirfadaha iyo aqoonta hadda ee shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha;

Xirfadaha mudan in la xoojiyo iyo baahiyaha tababarka;

Sida wasaaradaha kale uga faaโ€™iideysan karaan aqoonta iyo xirfadaha ay barteen shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha;

Fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo wada shaqeynta Wasaaradaha; iyo

Suโ€™aalo iyo talooyin ay soo jeediyeen kasoo qeybgalayaasha shirka.

Ugu dambeyn, shirka waxaa si ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š, ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‡๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐ž๐ข๐ง ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐€๐ฅ๐ข, isagoo uga mahadceliyay dhammaan kasoo qeybgalayaasha ka qeybqaadashadooda iyo talooyinkooda ku aaddan kobcinta awoodda shaqaalaha Dowladda Hirshabelle.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Adeega Bulshada
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
[email protected]

16-8-2026๐Œ๐จ๐ฐ๐ฅ๐ข๐ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š๐๐†๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐‰๐จ๐ฐ๐ก๐š๐ซPanelist- dood Wadaaga Shaqo-barayaasha, Kobcinta A...
16/08/2026

16-8-2026
๐Œ๐จ๐ฐ๐ฅ๐ข๐ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐š๐
๐†๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐š๐๐š ๐‰๐จ๐ฐ๐ก๐š๐ซ

Panelist- dood Wadaaga Shaqo-barayaasha, Kobcinta Awooda Shaqaalaha iyo Iskaashiga Wasaaraddaha Dowladda

16-08-2026๐…๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ง ๐€๐๐ž๐ง ๐—๐ž๐ž๐Ÿ๐จ๐ฐ๐†๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‡๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐žPanelka Dooda Maanta Ee Fursadaha Shaqo-barayaasha, ...
16/08/2026

16-08-2026
๐…๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ง ๐€๐๐ž๐ง ๐—๐ž๐ž๐Ÿ๐จ๐ฐ
๐†๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‡๐ข๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐›๐ž๐ฅ๐ฅ๐ž

Panelka Dooda Maanta Ee Fursadaha Shaqo-barayaasha, Kobcinta Awooda Shaqaalaha Dowladda iyo Iskaashiga Wasaaraddaha

Address

Jowhar

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Commerce and industries Hirshabelle State -Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Commerce and industries Hirshabelle State -Somalia:

Shortcuts

Share