10/08/2026
Jowhar, 10 Agoosto 2026 — Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabelle Mudane Dr. Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta cod caqlabiyad leh ku doorteen Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Cabdixakiim Luqmaan ayaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Alle SWT uga baryay inuu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay isagoo u rajeeyay inuu si hufan, caddaalad iyo daacadnimo leh u guto waajibaadka horyaalla.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle
Email: [email protected]