29/07/2026
๐๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฐ, ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐๐๐๐: Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, ayaa maanta magaalada Doolow ka daah-furay munaasabad lagu mideynaayay shirkadaha bixiya adeegyada biyaha ee degmada Doolow.
Munaasabadda ayaa lagu saxiixay Heshiiska Mideynta Shirkadaha Biyaha (Harmonization Agreement), kaas oo lagu mideeyay saddex shirkadood oo bixiya adeegyada biyaha, si loo dhiso hal shirkad oo mideysan oo maamusha adeegyada biyaha iyo fayadhowrka ee degmada Doolow iyo deegaannada ku xeeran.
Heshiiskani wuxuu horseedaya maamul mideysan, iyo isla xisaabtan, si kor loogu qaado tayada adeegyada biyaha, loona xaqiijiyo in bulshada Doolow ay helaan biyo nadiif ah oo joogto ah, kana jawaabaya baahiyahooda.
Intii ay munaasabaddu socotay, Maareeyaha Guud ayaa shirkadda cusub si rasmi ah ugu guddoonsiiyay *Shatiga Bixinta Adeegyada Biyaha (Water Service Provider License), kaas oo u oggolaanaya inay si sharci ah u bixiso una maamusho adeegyada biyaha iyo fayadhowrka ee degmada Doolow.
Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa La-taliyaha Wasaaradda, Injineer Mohamed Adan, injineerro ka socday Wasaaradda, Maamulka Degmada Doolow, hayโadaha bahwadaagta ah iyo daneeyayaasha kale ee ka shaqeeya arrimaha biyaha iyo fayadhowrka.
Heshiiskani wuxuu sidoo kale xoojinayaa doorka Shirkadda Biyaha iyo Fayadhowrka Doolow (Doolow Water Supply and Sanitation Company), si ay u noqoto shirkad si hufan oo waara u maamusha adeegyada biyaha, isla markaana lagula xisaabtamo tayada, joogtaynta iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.
Heshiiskan oo ah mid taariikhi ah ayay Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland ku guulaysatay hirgelintiisa, isaga oo wax kabadali doona nidaamkii h**e oo ahaa mid isku-dhexyaac ku haayay deegaanka.
Sidoo kale heshiiskan ayaa muhiim u ah diyaarinta iyo mideynta maamulka adeegyada biyaha ka hor inta aan la bilaabin dhismaha Mashruuca Biyaha iyo Fayadhowrka Adkaysiga leh ee RWASH, kaas oo ay hirgelinayso hayโadda UNICEF.
Munaasabadda iyo geeddi-socodka mideynta shirkadaha waxaa taageeray hayโadda UNICEF Somalia.
โโDHAMMAADโโ