04/09/2026
Bayaan Wacyigelin Cimilo
Iyadoo laga duulayo warbixinnada iyo saadaasha ay soo saareen hay’adaha caalamiga ah ee la socda xaaladaha cimilada adduunka, waxaa jira tilmaamo muujinaya suurtagalnimada sii socoshada xaaladda El Niño inta lagu jiro qayb ka mid ah sannadaha 2026–2027. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubaland waxay bulshada la wadaagaysaa xogtan si kor loogu qaado wacyigelinta iyo u diyaar-garowga saameynaha suurtagalka ah ee la xiriira isbeddellada cimilada.
Waa Maxay El Niño?
El Niño waa dhacdo cimilo oo dhacda marka biyaha Badweynta Baasifigga ee ku dhow dhulbaraha ay si aan caadi ahayn u kululaadaan. Isbeddelkan ayaa saameyn ku yeesha roobabka, heerkulka, dabaylaha iyo guud ahaan cimilada dalal badan oo dunida ah, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Saadaasha Hadda Jirta
Warbixinnada la faafiyey ayaa tilmaamaya in ay jirto suurtagalnimo sare oo ah in xaaladda El Niño ay sii socoto ilaa Febraayo 2027. Si kastaba ha ahaatee, bulshada waxaa lagu wargelinayaa in xogtan lagu xaqiijiyay warbixinaha rasmiga ah ee hay’adaha cimilada ee caalamiga ah.
Saameynta Suurtagalka Ah ee Soomaaliya
Haddii El Niño sii jiro, waxaa dhici kara:
✅ Roobab ka badan heerarkii caadiga ahaa xilliyada qaar
✅ Fatahaado ka dhaca webiyada Jubba iyo Shabeelle
✅ Kororka biyaha ceelasha, berkadaha iyo meelaha kaydka biyaha
✅ Faafitaanka cudurrada la xiriira biyaha wasakhaysan
✅ Saameyn ku timaadda wax-soo-saarka beeraha iyo caafimaadka xoolaha
Talooyin Muhiim Ah
🔹 La soco digniinaha iyo saadaasha cimilada ee rasmiga ah.
🔹 Nadiifi marinnada biyaha iyo bullaacadaha si looga hortago fatahaadaha.
🔹 Beeralayda iyo xoolo-dhaqatadu ha qorsheeyaan kaydinta biyaha iyo daaqa.
🔹 Maamullada degmooyinka iyo bulshada deegaanka ha diyaariyaan qorshayaal ka hortag iyo u diyaar-garow fatahaado.
Fariinta Wasaaradda
U diyaar-garowga isbeddellada cimiladu waa mas’uuliyad wadajir ah. Wacyigelin, qorsheyn iyo ka hortag ayaa muhiim u ah ilaalinta nolosha bulshada, deegaanka iyo dhaqaalaha.
Ministry of Environment and Climate Change- Jubbaland