Wasaaradda Maaliyadda Jubaland

Wasaaradda Maaliyadda Jubaland Ministry of Finance-Jubbaland

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland, Mudane Nuur Cumar Shaalle, ayaa ...
14/07/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland, Mudane Nuur Cumar Shaalle, ayaa maanta magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Mohamud Abdulle, iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan ayaa magaalada Kismaayo u yimid ka qaybgalka Shirka Saddex-biloodlaha ah ee Madasha Fulinta Miisaaniyadda (Budget Ex*****on Forum), kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta hannaanka fulinta miisaaniyadda, horumarinta wada-shaqaynta hay’adaha maaliyadda iyo kor u qaadista hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed.

Agaasimaha Waaxda Khasnadda ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, Mudane Abdirashid Ada...
14/07/2026

Agaasimaha Waaxda Khasnadda ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, Mudane Abdirashid Adam Abdi, ayaa magaalada Kismaayo casho-sharaf soo-dhaweyn ah ugu sameeyey xubnaha Guddiga Farsamada IPSAS (IPSAS Technical Committee) iyo xubno ka socday Mashruuca SERP, kuwaas oo magaalada Kismaayo u jooga ka qaybgalka Shirka Saddex-biloodlaha ah ee Madasha Fulinta Miisaaniyadda (Budget Ex*****on Forum).

Casho-sharaftan ayaa qayb ka ahayd soo-dhaweynta martida iyo xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga dhinacyada ka qaybqaadanaya horumarinta iyo hirgelinta nidaamyada maareynta maaliyadda.

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ka furmay shirka saddex-biloodlaha ah ee Guddiga Farsamada IPSAS, kaas oo diiradda lagu ...
13/07/2026

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ka furmay shirka saddex-biloodlaha ah ee Guddiga Farsamada IPSAS, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta hirgelinta Heerarka Caalamiga ah ee Xisaabaadka Dowladda (IPSAS), tayeynta warbixinnada maaliyadeed, iyo kor u qaadista hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Jubbaland Mudane: Nuur Cumar Shaalle, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta Heerarka Caalamiga ah ee Xisaabaadka Dowladda (IPSAS) si loo xoojiyo isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo tayada warbixinnada maaliyadeed ee hay'adaha dowladda.

Inta uu barnaamijku socdo, xubnaha guddiga waxaa la siin doonaa tababaro ku saabsan diiwaangelinta iyo maareynta hantida dowladda (Asset Management), iyo habraacyada diyaarinta warbixinnada maaliyadeed (Financial Statements Templates).

Barnaamijkan, oo uu taageerayo Mashruuca SERP, gaar ahaan qaybta Maareynta Maaliyadda Dowladda (PFM Sub-component), ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamyada maareynta maaliyadda dowladda, si loo hubiyo in hay'adaha dowladdu ay soo saaraan warbixinno maaliyadeed oo tayo leh, hufan, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah.

16/06/2026
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Jubaland iyo Hanti-dhowraha Guud ayaa maanta si wadajir ah u daah-furay Shirka Sanadlaha ah...
16/06/2026

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Jubaland iyo Hanti-dhowraha Guud ayaa maanta si wadajir ah u daah-furay Shirka Sanadlaha ah ee Dabagalka Maaliyadda Jubaland.

Furitaanka shirka, Wasiirka Maaliyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay dabagal maaliyadeed oo hufan, isla xisaabtan leh, kana qeyb qaata kor u qaadidda tayada maamulka maaliyadda dowladda.

Wasaaradda Maaliyadda Jubaland waxay mar walba sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo maamul wanaagga maaliyadeed.

30/04/2026

Muwaadin bixi Cashuurta si loo horumariyo kaaba yaasha dhaqaale ee Deegaankaaga.

Ogayssis Ogaysiis.Dhamaan mulkiilayaasha gaadiidka iyo darawalada waxaa lagu wargalinyaa in labilaabayo cashuurta wada m...
30/04/2026

Ogayssis Ogaysiis.

Dhamaan mulkiilayaasha gaadiidka iyo darawalada waxaa lagu wargalinyaa in labilaabayo cashuurta wada marista laba bilaabo 01 may 2026.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Jubbaland ayaa maanta  waxaa kormeer shaqo  ku yimid Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mud...
28/04/2026

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Jubbaland ayaa maanta waxaa kormeer shaqo ku yimid Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, kaas oo ujeedkiisu ahaa qiimeynta habsami u socodka shaqada iyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee dowladda.

Intii uu kormeerku socday, masuuliyiinta Wasaaradda ayaa Madaxweynaha siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlaha socda iyo horumarka laga gaaray maamulka maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa xustay in ay ka go’an tahay xoojinta hufnaanta, isla xisaabtanka iyo kor u qaadidda hawlaha shaqo, si loo gaaro horumar maaliyadeed oo waara oo u adeega bulshada Jubbaland.

Address

Kismayo
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252613470839

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Maaliyadda Jubaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Maaliyadda Jubaland:

Shortcuts

Share