24/03/2026
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay shirkii 4-aad ee isku-dubaridka iyo dib-u-eegista mashruuca BRCiS III, kaas oo ay fuliyaan dallado hay’ado ah oo ka howl gala deegaannada Jubbaland.
Kulankan muhiimka ah ayaa waxaa uga soo qeyb galay aalada fogaan aragga Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Mudane Hussein Moalim Bayah , ku-simaha Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland, ahna Agaasimaha Maamulka, Maaliyadda iyo Shaqaalaha Wasaaradda, mudane Cabdiraxmaan Xasan Maxamed, iyo sidoo kale wakiillo ka socday Wasaaradaha Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Deegaanka, iyo qaar ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya hirgelinta mashruuca.
Mashruuca BRCiS III ayaa diiradda saaraya xoojinta awoodda bulshada nugul si ay uga adkaystaan caqabadaha nolosha, gaar ahaan dhibaatooyinka soo noqnoqda sida abaaraha iyo fatahaadaha, iyada oo la horumarinayo adkeysiga (resilience) bulshooyinka.
Ugu horreyn, Mudane Abdirahman H. Mohamed Agaasimaha Maamulka, Maaliyadda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Qorshaynta oo kulanka furay ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda kulankan iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada reer Jubbaland, gaar ahaan kuwa nugul. Wuxuu xusay in kulamadan oo kale ay muhiim u yihiin hagaajinta qorsheynta, isla xisaabtanka, iyo isku xirka hay’adaha ka shaqeeya horumarinta bulshada.
Dhanka kale, Isu-duwaha Mashruuca BRCiS III, mudane Ibrahim Mohamed Ibrahim, ayaa warbaahinta Dowladda uga warbixiyay ujeeddada kulanka iyo cidda uu khuseeyo. Wuxuu tilmaamay in mashruucan ay fuliyaan hay’ado kala duwan, ayna lama huraan tahay in la xoojiyo isla xisaabtanka iyo wada shaqeynta si si hufan looga jawaabo baahiyaha bulshada reer Jubbaland.
Gabagabadii, shirkan 4-aad ee isku-dubaridka iyo dib-u-eegista mashruuca BRCiS III wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee Dowladda Jubbaland iyo hay’adaha la shaqeeya ay ugu jiraan xoojinta adkeysiga bulshada, gaar ahaan kuwa nugul. Sidoo kale, wuxuu caddeyn u yahay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo qorsheynta hufan si loo gaaro horumar waara oo wax ku ool ah.