Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland

  • Home
  • Somalia
  • Kismayo
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland The Ministry of Interior, Federalism & Reconciliation of Jubbaland State of Somalia

08/08/2026

Muuqaalka Guud: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay Aqoon-is-weydaarsi Wadatashi ah oo ku saabsan Dib-u-eegista Istiraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta.

DHAMMAAD
__________________________________________
Wixii faah-faahin ah kala xiriir Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Dadwaynaha
Maxamed Soomaali
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/MOIFARJSS?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://twitter.com/moijs_somalia/
Instagram: https://instagram.com/MoifarJss
Tiktok: tiktok.com/
Flickr: https://MoifarJubbaland
Website: https://jubbalandmoifar.so
YouTube: https://youtube.com/
Email: http://www.Jubbalandmoifar.so

KISMAAYO | 08 AGOOSTO 2026: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa maanta magaalada ...
08/08/2026

KISMAAYO | 08 AGOOSTO 2026: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay Aqoon-is-weydaarsi Wadatashi ah oo ku saabsan Dib-u-eegista Istiraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta.

Aqoon-is-weydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa qorshaha dib-u-eegista Istiraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta, iyadoo intii uu socday lagu gorfeeyay xaaladda xasilinta dalka, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu xoojin karo dadaallada loogu jiro nabadda, amniga iyo horumarinta bulshada.

Kulankan ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah lagu siinayaa wada-tashiga iyo ka-qaybgalka dhinacyada kala duwan, si loo helo talooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara dib-u-eegista iyo tayeynta Istiraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta.

Ujeeddada aqoon-is-weydaarsigan ayaa ah in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo bulshada, iyadoo la isla eegayo sidii loo horumarin lahaa qorshayaasha xasilinta, loona waafajin lahaa baahiyaha iyo duruufaha ka jira deegaannada kala duwan ee dalka.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Abdiwaxid Maxamed Dhaqane, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Jubbaland, Masuuliyiin ka socday Moifar - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta iyo wakiillo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ka-qaybgalayaasha ayaa intii uu kulanku socday wadaagay aragtiyo, talooyin iyo khibrado la xiriira xasilinta, iyagoo xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha xasilinta lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xasiloonida, nabadda, wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo ka-qaybgalka bulshada, si loo gaaro natiijooyin waara oo ku aaddan xasilinta dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeysay kulan ku saabsanaa is...
06/08/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeysay kulan ku saabsanaa isku-duwidda iyo wada-shaqeynta Wasaaradaha Dowladda Jubbaland, kaas oo socday muddo laba maalmood ah.

Xiritaanka kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Maareeyaha Mashruuca Bulsho, Mudane Xaaji Cabdiwaaxid Xaaji, mas’uuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha Dowladda Jubbaland, Maamulka Degmada Kismaayo iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda, wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga xogaha u dhexeeya Wasaaradaha Dowladda Jubbaland, si loo dardargeliyo howlaha iyo qorshayaasha mudnaanta u leh bulshada, loona xoojiyo adeegyada iyo horumarinta bulshada.

DHAMMAAD
__________________________________________
Wixii faah-faahin ah kala xiriir Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Dadwaynaha
Maxamed Soomaali
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/MOIFARJSS?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://twitter.com/moijs_somalia/
Instagram: https://instagram.com/MoifarJss
Tiktok: tiktok.com/
Flickr: https://MoifarJubbaland
Website: https://jubbalandmoifar.so
YouTube: https://youtube.com/
Email: http://www.Jubbalandmoifar.so

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Abdiwaxid Maxamed Dhaqane, ayaa magaalada Kisma...
05/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Abdiwaxid Maxamed Dhaqane, ayaa magaalada Kismaayo si rasmi ah uga daahfuray kulan ku saabsan isku-duwidda iyo wada-shaqeynta Wasaaradaha Dowladda Jubbaland.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda, wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga xogaha u dhexeeya Wasaaradaha Dowladda Jubbaland, si loo dardargeliyo howlaha iyo qorshayaasha mudnaanta u leh bulshada.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Maareeyaha Mashruuca Bulsho, mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Dowladda Jubbaland iyo masuuliyiin kale.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda Jubbaland, lana sameeyo isku-duwid hufan oo horseedda in si wadajir ah loo fuliyo qorshayaasha iyo howlaha adeegga bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Abdiwaxid Maxamed Dhaqane, ayaa si rasmi ah u daahfuray kulanka, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-xirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, ayaa tacsi ...
05/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada Jubbaland, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, Xasan Cabdi Xaashi.

Marxuumka ayaa geeriyooday kaddib shil gaari oo uu ku galay isagoo ku sii jeeday magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in geerida Marxuum Xasan Cabdi Xaashi ay tahay geeri murugo iyo tiiraanyo leh, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, eheladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan shacabka uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Wasiir Maxamed Ibraahim Ogle ayaa sidoo kale tilmaamay in Marxuumku ahaa mas’uul door weyn ka soo qaatay maamulka iyo horumarinta Degmada Dhoobley, isla markaana uu si wanaagsan ugu adeegay bulshada intii uu xilka hayay.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu ka yeelo kuwa uu naxariistiisa ku gallado, eheladii iyo shacabka uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle,...
23/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Jubbada Hoose, Guddoomiyaha Degmada Jamaame, iyo Guddoomiyeyaasha tuulooyinka hoos yimaada degmada Jamaame.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in si dhow looga dhageysto baahiyaha mudnaanta u leh bulshada ku nool deegaannada hoos yimaada degmada Jamaame, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku xirka ka dhexeeya bulshada deegaanka iyo hay’adaha dowladda.

Intii uu kulanku socday, Guddoomiyeyaasha tuulooyinka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay caqabadaha iyo baahiyaha ugu waaweyn ee ka jira deegaannadooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin adeegyada aasaasiga ah, amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Ibraahim Ogle, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Degmada Jamaame, Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Gobolka Jubbada Hoose, iyo Guddoomiyeyaasha tuulooyinka sida ay u soo gudbiyeen baahiyaha iyo caqabadaha jira, isaga oo xusay in Wasaaraddu ay ka shaqeyn doonto sidii mudnaanta loo siin lahaa wax ka qabashadooda, iyadoo la kaashanayo hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta horumarinta.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Jubbaland ay ku xoojinayso maamulka deegaanka, kor u qaadista ka qeybgalka bulshada, iyo horumarinta adeegyada dowladnimada ee deegaannada Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowl...
22/07/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland ugu wareejisay Xarunta Caafimaadka Janaa Cabdalle, taas oo laga hirgeliyey Sanduuqa Barnaamijka Xasilinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland.

Munaasabadda wareejinta iyo xarig-jarka xarunta waxaa si wadajir ah u xarig jaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Xuseen, iyo Maareeyaha Mashruuca Bulsho, Xaaji Cabdiwaaxid Xaaji.

Xaruntan caafimaad ayaa door weyn ka qaadan doonta horumarinta iyo tayeynta adeegyada caafimaadka ee bulshada ku nool deegaanka Janaa Cabdalle, iyadoo sahli doonta helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane, ayaa kula dardaarmay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo howl-wadeennada wasaaradda in xaruntan si hufan loogu adeego bulshada deegaanka,

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Xuseen, ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland hirgelinta iyo dhismaha xaruntan caafimaad, isagoo xusay inay wax weyn ka tari doonto daboolidda baahiyaha caafimaad ee bulshada Janaa Cabdalle.

20/07/2026

Safarkii wafdiga uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland ay ku tageen Degmada Afmadow, Gobolka Jubbada Hoose, ayaa ahaa safar taariikhi ah. Degmada Afmadow oo qiyaastii 120 kiiloomitir u jirta Magaalada Kismaayo ayaa wafdigu ku tegay socdaal lagu xoojinayay wada-shaqeynta dowladda iyo bulshada, isla markaana lagu dhageysanayay baahiyaha iyo horumarka degmada.

20/07/2026

Muqaalka Guud : Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland ayaa degmada Afmadow ku qabatay kulan ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo wafdi uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland ayaa degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose ku qabatay kulan ay ka qaybg...
19/07/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland ayaa degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose ku qabatay kulan ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo wafdi uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd is-xogwareysi iyo dhageysiga baahiyaha ay qabaan bulshada ku nool degmada Afmadow.

Mas’uuliyiinta ayaa bulshada ka dhageystay baahiyaha mudnaanta leh iyo adeegyada u baahan in la horumariyo, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dowladda iyo bulshada ay si dhow uga wada shaqeeyaan horumarinta degmada.

Address

Jidka Hotel Kismayo Calanley
Kismayo

Opening Hours

Monday 08:00 - 02:00
Tuesday 08:00 - 02:00
Wednesday 08:00 - 02:00
Thursday 08:00 - 13:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland:

Shortcuts

Share