10/09/2026
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jubbaland, Mudane Axmed Xasan Cumar oo ay weheliyaan Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, Dekedaha, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamud Cabdi Ahmed , ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta shirkadda Sommarine Boat Building Warehouse ee magaalada Kismaayo.
Booqashada ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladaha ka jira deegaanada Jubbaland, gaar ahaan saameynta laga filan karo xaaladda cimilada ee Super El Niño, iyo diyaar garowga looga hortagayo caqabadaha ka dhalan kara.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay doorka shirkadda Sommarine ay ka qaadan karto gurmadka, taageerada iyo garab istaagga bulshada, gaar ahaan xilliyada ay soo wajahaan xaalado adag oo la xiriira fatahaado, roobab xooggan iyo xaalado kale oo degdeg ah.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo ganacsatada, si loo helo diyaar-garow iyo jawaab wax-ku-ool ah oo loogu adeegayo bulshada Jubbaland.