Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland

  • Home
  • Somalia
  • Kismayo
  • Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland

Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland Boggani waxaad kala socon kartaa hawlaha Wasaarada xiliga ay dhacayaan, waxaan jecelnahay inaan ku kala warqaadano iskuna saxno hadba wixii aynu ku howlanahay.

Fadlan nagu soo biir.

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubaland ayaa magaalooyinka kala ah Dhoobley iyo Gar...
24/08/2026

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubaland ayaa magaalooyinka kala ah Dhoobley iyo Garbahaarrey ku kala qabatay madal ay isugu yimaadeen daneeyayaasha gudniinka fircooniga ah - sida wasaaradaha bahwadaagta, Ururada bulshada rayidka ah, hoggaamiyeyaasha Diinta, oOdayaasha, haweenka iyo kooxaha dhallinyarada.

Dhammaan dhinacyadan waxay kawada hadleen sidii loo baabi'in lahaa dhaqankan waxyeellada leh.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

12/08/2026

Muuqaal soo koobaya kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan ka hortagga gudniinka waxyeellada leh ee gabdhaha.

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael, ayaa magaalada Kismaay...
11/08/2026

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael, ayaa magaalada Kismaayo ka daahfurtay kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan ka hortagga gudniinka waxyeellada leh ee gabdhaha.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalaya adeeg-bixiyeyaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin hay’adaha maxalliga ah, Booliska, Odayaasha dhaqanka iyo Ururrada haweenka.

Ujeeddada kulanka ayaa ah in la xoojiyo wacyigelinta iyo fahamka bulshada ee ku aaddan ka hortagga gudniinka waxyeellada leh, iyo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda iyo badqabka gabdhaha.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dhammaan deegaannada Jubbaland laga mamnuucay gudniin kasta oo aan waafaqsanayn xeerarka iyo siyaasadaha Dowladda Jubbaland ee ka hortagga gudniinka waxyeellada leh.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland ay ku xoojinayso wacyigelinta bulshada iyo hirgelinta tallaabooyinka lagu ilaalinayo gabdhaha, laguna ciribtirayo gudniinka waxyeellada leh ee ka jira bulshada.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dawladda Jubaland ayaa Xarunta Horumarinta Haweenka ee Kismay...
08/08/2026

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dawladda Jubaland ayaa Xarunta Horumarinta Haweenka ee Kismayo Women Development Centre -KWDC ku qabatay shirka wadatashiga iyo isku-xirka daneeyayaasha hay'adaha ka shaqeeya arrimaha ka hortagga gudniinka (FGM).

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii loo dhaqangelin lahaa xeerarka mamnuucaya gudniinka xanuunka leh, loogana wacyigelin lahaa bulshada.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSjubaland?mibextid=LQQJ4d
π–πžπ›π¬π’π­πž: http://jubalandstate.so
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Maanta Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland waxa ay Carruurta la nool baahiyaha gaarka ah...
06/08/2026

Maanta Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland waxa ay Carruurta la nool baahiyaha gaarka ah oo gaaraya 25 ugu qaybisay kuraasta dhaqdhaqaaqa caawiya (wheelchairs), oo ay ku deeqday Hay’ada UNICEF Somalia.

Wasiirka Wasaarada Haweenka Jubaland, Marwo Cadar Ismael, oo ay wehliso Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Jubada Hoose, Marwo Faadumo Aadan Kateela, oo goobta ka hadashay ayaa uga mahadcelisay UNICEF deeqdan muhiimka ah.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Miski Yussuf ayaa maanta x...
22/07/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Miski Yussuf ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabishay wafdi ka socday Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Jubbaland oo kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda.

Kulanka oo uu sidoo kale goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka, Maaliyadda, Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Haweenka, Mudane Maxamed Sheekh Xuseen ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, horumarinta maamulka shaqaalaha iyo kor u qaadista hufnaanta adeegyada dowladda.

Kormeerkan sanadlaha ah ayaa lagu qiimeynayaa habsami u socodka shaqada wasaaradaha, maamulka shaqaalaha rayidka ah, iyo heerka ay hay’aduhu u hirgeliyaan xeerarka iyo habraacyada adeegga dowladda.

Agaasimaha Guud ayaa wafdiga la wadaagtay dadaallada ay Wasaaraddu ku bixinayso tayeynta maamulka iyo horumarinta shaqaalaha, iyadoo carabka ku adkeeysay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo adeeg hufan, daahfuran oo waxtar u leh bulshada.

Dhankooda, xubnaha wafdiga ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud iyo maamulka Wasaaradda soo dhaweynta diirran iyo wada-shaqeynta wanaagsan, iyagoo bogaadiyay horumarka ay Wasaaraddu ka sameysay dhinacyada maamulka iyo adeeg bixinta.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan sii xoojinta wada-shaqeynta iyo horumarinta nidaamka shaqaalaha Dowladda Jubbaland.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael ayaa tababarka ku saabs...
22/07/2026

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael ayaa tababarka ku saabsan Habka Kormeerka iyo Warbixinta (Monitoring and Reporting Mechanism - MRM) ka furtay magaalada Kismaayo.

Aqoon kororsigaan ayaa wuxuu ka qaybgalayaasha siinayaa Guddiyada Ilaalinta Carruurta (CPC) aqoonta lagama maarmaanka u ah, si loo ogaado, loo diiwaangeliyo, loona soo sheego xadgudubyada ba'an ee loo geysto carruurta ku sugan aagga colaadaha.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ay wehliso Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arri...
19/07/2026

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ay wehliso Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael ayaa Degamada Afmadoow ka xarig jaray Xarunta Hormarinta Haweenka Degmada, taas oo dhowaan ay Wasaaraddu hirgalisay.

Munaasabada waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Jubada Hoose, qaar kamid ah Gollayaasha Dowladda Jubbaland iyo marti sharaf kale oo muhiim ah.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael oo ay wehliyaan qaar ka...
09/07/2026

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael oo ay wehliyaan qaar kamid ah Gollaha Wasiiradda Dowlada Jubaland ayaa si rasmi ah usoo xirtay xafladda qalin-jabinta dufcaddii 10-aad ee gabdho si guul leh u dhammeystay tababar la xiriira xirfadaha Tolidda dharka iyo naqshadeyntiisa, iyagoo helay aqoon u sahli doonta inay abuuraan fursado shaqo iyo iskaa-u-shaqeysi.

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen mas'uuliyiin muhiim ah iyo marti sharaf kala duwan ayaa ka qabsoontay Kismayo Women Development Centre -KWDC - Xarunta Horumarinta Haweenka ee Degamada Kismaayo.

Hambalyo dhammaan qalin-jabiyeyaasha, waxaana u rajeynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

Address

Aargo
Kismayo
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland:

Shortcuts

Share