Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland

Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Page-ka Rasmiga ah ee madaxweyne kuxigenka 1-aad ee dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUNMadaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa tacs...
19/08/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Jubaland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo ciidamada kala duwan ee Dowladda Jubaland, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii h**e ee Ciidanka Daraawiishta Jubaland, Gaashaanle Sare Maxamuud Qaalib Cali, oo ku geeriyooday Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Ku-xigeenku ayaa tilmaamay in Marxuumku ahaa Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Daraawiishta Jubaland, isaga oo door muuqda ka qaatay aas-aaska, dhismaha iyo tayeynta ciidamada. Wuxuu ahaa halgamaa, geesi iyo oday u soo adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, kaalin weynna ka qaatay xoraynta iyo nabadaynta deegaannada Jubaland.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu Alle uga baryay Marxuum Gaashaanle Sare Maxamuud Qaalib Cali inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdowsa, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, ciidamada iyo dhammaan shacabka Jubaland ee uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Ugaas Cabdi Uga...
15/08/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Ugaas Cabdi Ugaas Daahir Ugaas Sheekh Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayay, oo dhawaanahan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Senator Xasan Daahir Yarow, Suldaan Dhaqane Cabdinuur, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiin kale.

Ugaaska ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo masuuliyiinta kale qado-sharafta loo sameeyay. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaallada lagu xoojinayo wadajirka iyo is-dhexgalka bulshada, isagoo duco u jeediyay hoggaanka iyo guud ahaan bulshada.

Kulanka ayaa ahaa fursad muhiim ah oo lagu wadaagay aragtiyo, talooyin iyo waayo-aragnimo la xiriirta arrimo muhiim u ah bulshada iyo dalka. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta dadaallada loogu jiro ururinta dhaqaale lagu dhisayo isbitaal laga hirgelinayo deegaanka Deka Suuftu ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale, kulanka ayaa muhiimad gaar ah siinayay wada-tashiga, midnimada iyo iskaashiga bulshada, iyadoo guddina loo saaray howsha ururinta dhaqaalaha loogu talagalay hirgelinta isbitaalka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay dhammaan madaxda, siyaasiyiinta, aqoonyahannada, odayaasha dhaqanka iyo martida sharafta leh ee ka soo qeyb gashay kulanka iyo wada-sheekeysiga qiimaha lahaa.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUNMadaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka t...
05/08/2026

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Xassan Cabdi Xaashi, Guddoomiyihii Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, marxuumka ayaana ku geeriyooday shil gaari.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay in Marxuum Xassan Cabdi Xaashi lagu xasuusan doono doorkii muuqday ee uu ka qaatay horumarka, nabadgelyada iyo adeegga bulshada ee Degmada Dhoobley intii uu xilka guddoomiyenimada hayay. Wuxuu si hufan ugu adeegay bulshada, isagoo dadaal iyo juhdi badan ku bixiyay horumarinta degmada, xoojinta nabadgelyada iyo daryeelka shacabka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu ku mannaysto naxariistiisa Jannatul Firdowsa, isla markaana uu samir iyo iimaan ka siiyo ehelladii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan shacabka reer Jubaland ee uu ka baxay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, oo muddo ku sugnaa gobolka Gedo, ayaa maanta gaar...
25/07/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, oo muddo ku sugnaa gobolka Gedo, ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wafdigiisa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay wasiiro ka tirsan Dowladda Jubaland iyo masuuliyiin kale oo u tegay soo dhoweynta wafdiga.

Mudadii uu ku sugnaa gobolka Gedo, Madaxweynaha ayaa kulammo iyo hawlo shaqo la qaatay masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, saraakiisha ciidamada amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, dardargelinta adeegyada bulshada, adkeynta wada-shaqeynta hay'adaha dowladda iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa la filayaa inuu sii wado kulammo shaqo oo la xiriira arrimaha amniga, horumarinta iyo xoojinta iskaashiga Dowladda Jubaland ay la leedahay bah-wadaagta kala duwan, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata nabadda, horumarka iyo dib u dhiska deegaanada Jubaland.

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA JUBALAND OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA ALLE HA U NAXARIISTEE MARXUUM MUKHTAAR KAAMIL KUULEY....
20/07/2026

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA JUBALAND OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA ALLE HA U NAXARIISTEE MARXUUM MUKHTAAR KAAMIL KUULEY.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Mukhtaar Kaamil Kuuley, oo ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland, kaas oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in Marxuum Mukhtaar Kaamil uu door muuqda oo wax ku ool ah ka soo qaatay dhismaha iyo horumarinta hay'adaha Dowladda Jubaland. Intii uu ka tirsanaa Golaha Wasiirrada, wuxuu qabtay hawlo muhiim ah oo wax weyn ku soo kordhiyay horumarinta waxbarashada iyo dowlad-dhiska Jubaland.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxay marxuumku. Waxa uu Alle SWT uga baryay in uu marxuumka ku mannaysto naxariistiisa Jannatul Firdowsa, dambigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ehelkiisa iyo shacabka Jubaland.

14/07/2026
INNAA Lillaahi WAA INNAA IlIEYHI RAAJICUUN!Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa tac...
10/07/2026

INNAA Lillaahi WAA INNAA IlIEYHI RAAJICUUN!

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Halgamaa Xaaji Cali Cabdille Fiixiye (Cali Shucaac), oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku tilmaamay Marxuum Cali Shucaac halgamaa qaran oo ka tagay taariikh mug leh iyo kaalmo la xusuusan doono oo uu u soo hooyay shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in noloshiisa ay ku suntaneyd waddaniyad, adkaysi iyo u adeegidda danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Alle SWT uga baryay Marxuumka inuu ku mannaysto naxariistiisa ballaaran, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA JUBALAND OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA ALLE HA U NAXARIISTEE MARXUUM SULDAAN MAXAMED BASHIIR...
22/06/2026

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA JUBALAND OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA ALLE HA U NAXARIISTEE MARXUUM SULDAAN MAXAMED BASHIIR MADOOBE YAROW

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarow, oo maanta ku geeriyooday dalka Kenya.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay in Marxuumku uu door muhiim ah ka soo qaatay geeddi-socodka dhismaha Dowladnimada Jubaland, isaga oo inta badan noloshiisa ku bixiyay hawlo qiimo badan oo wax ku ool ah, kuwaas oo laf-dhabar u ahaa dowlad-dhiska, nabadeynta iyo xoojinta wada noolaanshaha bulshada Jubaland.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Golaha Odayaasha Dhaqanka, ehellada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxay Marxuumku.

Ugu dambayn, wuxuu Alle SWT uga baryay Marxuum Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yarow inuu ka waraabiyo naxariistiisa Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Jubaland.

14/06/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa si rasmi ah u daahfuray wajiga saddexaad ee shirka nabadaynta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Shirkan ayaa lagu xoojinayaa dadaallada nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo adkaynta wadajirka bulshada ku dhaqan degmada Luuq.

πŒπ€πƒπ€π—π–π„π˜ππ„ πŠπ”-π—πˆπ†π„π„ππŠπ€ πƒπŽπ–π‹π€πƒπƒπ€ 𝐉𝐔𝐁𝐀𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐎𝐎 πƒπ€π€π‡π…π”π‘π€π˜ πˆπŒπ“πˆπ—π€π€ππŠπ€ πŒπˆπƒπ„π˜π’π€π 𝐄𝐄 π…π€π’π€π‹πŠπ€ πŸ–-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 πƒπ„π†πŒπ€πƒπ€ 𝐋𝐔𝐔𝐐.Madaxweyne Ku...
13/06/2026

πŒπ€πƒπ€π—π–π„π˜ππ„ πŠπ”-π—πˆπ†π„π„ππŠπ€ πƒπŽπ–π‹π€πƒπƒπ€ 𝐉𝐔𝐁𝐀𝐋𝐀𝐍𝐃 𝐎𝐎 πƒπ€π€π‡π…π”π‘π€π˜ πˆπŒπ“πˆπ—π€π€ππŠπ€ πŒπˆπƒπ„π˜π’π€π 𝐄𝐄 π…π€π’π€π‹πŠπ€ πŸ–-𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 πƒπ„π†πŒπ€πƒπ€ 𝐋𝐔𝐔𝐐.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta si rasmi ah degmada Luuq ee Gobolka Gedo uga daahfuray imtixaanka mideysan ee fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe, kaas oo ay qabanayso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland.

Daahfurka imtixaanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada, saraakiisha waxbarashada, macallimiin iyo ardayda u fariisatay imtixaanka sanad-dugsiyeedka 2025–2026.

Mudane Maxamuud Sayid Aadan, oo hadal ka jeediyay munaasabadda daahfurka, ayaa ardayda ku boorriyey inay muujiyaan dadaalkii iyo aqoontii ay kasbadeen muddadii ay waxbarashada ku jireen, isla markaana ay si daacadnimo leh u galaan imtixaanka.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay macallimiinta, waalidiinta iyo Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland ku leeyihiin horumarinta tayada waxbarashada iyo kobcinta mustaqbalka jiilka soo koraya.

DHAMMAAD

Address

Farjano/kismayo/jubbada Hoose
Kismayo

Telephone

+252615500368

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share