08/04/2026
๐๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฐ, ๐๐ ๐๐ฉ๐ซ๐ข๐ฅ, ๐๐๐๐: Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Osman Siyah, Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Fayadhowrka ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, injineero ka socda Wasaaradda, Iskuduwaha Gobolka Gedo iyo Iskuduwaha Degmada Doolow, ayaa maanta kulan la yeeshay bah-wadaagta kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha biyaha, oo ay ka mid yihiin hayโadaha iyo shirkadaha bixiya adeegyada biyaha.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargalinta hab-maamulka cusub ee biyaha (Public Private Partnership - ๐๐๐), iyo sidii loo mideyn lahaa shirkadaha biyaha, si loo helo adeeg biyo oo hufan, tayo leh, isla markaana Wasaaraddu ay korjoogtayso.
Sidoo kale, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socday hayโadda UNICEF, iyadoo mashruucan uu qeyb ka yahay R-WASH Programme, oo ah barnaamij ka socda saddex waddan (Somalia, Ethiopia iyo Sudan), si loo yareeyo saameynta abaaraha.
Kulamada isdaba jooga ah ee ay Wasaaraddu la yeelanayso hayโadaha iyo shirkadaha ka shaqeeya WASH-ka ayaa ujeedkoodu yahay xoojinta wada-shaqeynta dowladda, hayโadaha iyo kambaniyada gaarka loo leeyahay, si loo horumariyo adeegyada biyaha ee Jubaland.
Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlada Jubaland,
Jubaland Water Agency
.