Jubaland State House

Jubaland State House Madaxtooyada Dowladda Jubaland

Jubaland State House.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka  Shahaadiga ee Dugsiyad...
15/08/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, gaar ahaan ardayda reer Jubaland ee sanadkan ka gaaray natiijooyin wanaagsan.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa saddexda arday ee reer Jubaland ee ka mid noqday ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka galay guud ahaan dalka, oo kala ah Farxiya Faarax Omar Cigaal, oo dhigata Dugsiga Axmed Binu Xambal, oo gashay kaalinta 2-aad, Ciise Cabdisalaan Cabdullahi Yuusuf, oo dhigta Dugsiga Barwaqo, oo galay kaalinta 7-aad, iyo Faysal Maxamed Nuur Maxamed, oo dhigta Dugsiga Maxamed Jaamac, oo galay kaalinta 8-aad.

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaalka, kartida iyo juhdiga ay ardaydu geliyeen waxbarashadooda. Waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u dirayaa waalidiinta, macallimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada ee kaalinta muhiimka ah ka qaatay guushan.

Waxaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed u rajeynayaa mustaqbal wanaagsan iyo guulo ka waaweyn kuwa ay maanta gaareen.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Jarmalka u fadhiya S...
12/08/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Kenya iyo Seychelles, Sebastian Groth.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, arrimaha amniga iyo siyaasadda, iyo taageerada Dowladda Jarmalka ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan horumarinta, xasilloonida iyo adeegyada bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Faransiiska u qaabil...
08/08/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, Danjire Arnaud Suquet.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, la dagaallanka argagixisada, xaaladda guud ee Soomaaliya, iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay horumarinta adeegyada bulshada, arrimaha bini’aadantinimada, iyo muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo taageerada caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo horumarka.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Tali...
07/08/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Sarreeye Gaas Claude K. Tudor Jr iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howllgallada lagu xoreynayo deegaannada Jubaland iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu ciribtirayo Argagixisada.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland, Mudane Maxamed Axmed Sabriye.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa uga tacsiyeeyay ehelkii, qaraabadii, bahda maamulka De...
05/08/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa uga tacsiyeeyay ehelkii, qaraabadii, bahda maamulka Degmada Dhoobley, iyo guud ahaan shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, Marxuum Xasan Cabdi Xaashi, oo ku geeriyooday shil gaari isagoo howlo shaqo u joogay Gobolka Wajeer ee Dalka Kenya.

Marxuumku wuxuu ahaa masuul hufan oo daacad u ahaa waajibaadkiisa, door muuqda na ka qaatay horumarinta maamulka, adkaynta amniga, u adeegidda bulshada Degmada Dhoobley, iyo horumarinta waxbarashada guud ahaan Jubaland.

Madaxweynaha ayaa Alle SWT uga baryaya Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bahda maamulka Degmada Dhoobley, iyo guud ahaan shacabka Jubaland.

WAR-SAXAAFADEED05 AUG 2026
05/08/2026

WAR-SAXAAFADEED
05 AUG 2026

03/08/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay 29-kii Luulyo 2026, wafdi uu hogaaminayay Xildhibaan Ronny Jackson, oo ka koobnaa 11 Xildhibaan oo ka tirsan Koongareeska Maraykanka, Ku-simaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, iyo masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga laba geesoodka ah ee dagaalka lagula jiro argagixisada, iyo sidoo kale taageerada Dowladda Maraykanka ee dhinacyada amniga, dhismaha hay’adaha dowlada, iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah horumarka Jubaland.

Masuuliyiinta heerka Sare ah ee kasocday Dowladda Maraykanka ayaa bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee Dowladda Jubaland ay sannado badan ku bixisay la-dagaallanka argagixisada. Waxay sidoo kale bogaadiyeen guulihii u dambeeyey ee ay gaareen Ciidamada Ammaanka Jubaland iyo Kumaandooska Danab qeybta Jubaland, oo iyagoo kaashanaya AFRICOM fuliyey hawlgallo wadajir ah oo lagu wiiqayo argagixisada.

Dowladda Jubaland waxay uga Mahad celisay Dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay mudada dheer u fidinaysay shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin, Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif, Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maraykanka iyo Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle, Wakiilka Dowladda Jubaland ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
—DHAMMAAAD—

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay 29-kii Luulyo 2026, waf...

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, bahda Waxbarashada iyo g...
20/07/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, bahda Waxbarashada iyo guud ahaan shacabka Jubaland uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland, Marxuum Mukhtaar Kaamil.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ahaa masuul karti iyo hufnaan ku sifoobay, kana soo shaqeeyay horumarinta waxbarashada iyo u adeegidda shacabka Jubaland heerar Kala duwan.

Madaxweynaha ayaa Alle SWT uga baryay Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, dambigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, bahda Waxbarashada iyo guud ahaan shacabka Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Suldaan Siciid Maxamed Gar...
02/07/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Suldaan Siciid Maxamed Garaase, oo ka mid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, doorka ay isimada dhaqanka Soomaaliyeed ka qaataan nabadeynta, xoojinta wadajirka ummadda, iyo sidii loo adkayn lahaa wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Address

Kismayo-Jilib Highway
Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jubaland State House posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Jubaland State House:

Shortcuts

Share