20/07/2026
Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminaayey ee gaaray Degamada Afmadow ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka lagu xaqiijinayo xoreynta, furnaanshaha, iyo amniga waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Afmadow iyo Kismaayo.
Kulanka oo ka dhacay deegaanka Miido, ayaa waxaa Gudoomiyaha ku wehliyay qaar kamid ah Gollayaasha Dowlada Jubaland iyo saraakiil amni oo heer sare ah.
Saraakiisha howlgalka ayaa Ku-simaha siiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan guulaha laga gaaray wejiyada h**e ee howlgalka, istaraatiijiyadaha la adeegsaday, iyo qorsheyaasha socda ee ku wajahan wajiga xiga oo la filayo inuu ka bilowdo deegaanada kale ee Jubaland.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa ku bogaadiyay ciidamada Jubaland iyo Ciidanka Danab Kommandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed geesinimada iyo adkeysiga ay ku wajahaan kooxaha argagixisada, isagoo si gaar ah u ammaanay wada shaqeynta saraakiisha kala duwan ee ciidamada Jubaland.
Safarka Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa la xiriiray sidii loo dardargalin lahaa howlgalada ay wadaan ciidamada Jubbaland, kuwaas oo guulo wax ku ool ah dhowaan ka soo hooyey dagaalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka dhacay maalmahii lasoo dhaafay.
ππππππππ
__________________________________________
Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π
πππππ¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
ππ¦ππ’π₯: [email protected]