Naadiga Akhris-Qoraalka Iqra

Naadiga Akhris-Qoraalka Iqra Ujeedkeennu Waa Horumarinta Nafteenna Iyo Tan Ummaddeenna.

Eebbe ayay mahad u sugnaatay. Waxaa maanta oo ay aheyd maalinnimo arbaca ah, taariikhduna ku asteysnayd 15-7-2026 maktab...
15/07/2026

Eebbe ayay mahad u sugnaatay.

Waxaa maanta oo ay aheyd maalinnimo arbaca ah, taariikhduna ku asteysnayd 15-7-2026 maktabadda jaamacadda kismaayo innoogu qabsoomay gorfeyn aan ku sameynnay dhiganaha ' Uhiili ilmahaaga ' ee uu qoray Ustaad Xuseen Muxammed Ibraahim

Waxaa qeyb ka ahaa gorfeynta buugga qoraaga iyo sidoo kale guddoomiyaha Midowga naadiyada Akhris-qoraalka magaalada mudane Maxamuud Mahad Faarax

Waxa uu innoo ahaa kulan iyo fursad aan isku weydaarsannay mucda iyo miidda ku duugganeyd buugga, oo aan ku kala faa'iidnay.

Gorfeynta buugga marka ay inno idlaatana ustaadka ayaa talo iyo bogaadin u jeediyay xubnaha, dardaaranna siiyay.


Hambalyo ayaan lee nahay dhammaan ardada soomaaliyeed oo uu maanta u soo idlaaday imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare....
25/06/2026

Hambalyo ayaan lee nahay dhammaan ardada soomaaliyeed oo uu maanta u soo idlaaday imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare. Guulo iyo horumarro is daba joog ah ayaan Eebbe idinkaga tuugeynaa, ee guuleysta idin Eebbe.

Naadiga Akhris-Qoraalka Iqra

Dhammaan ummadda muslimka, si gaar ahna bulshada Soomaaliyeed goob kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan waxa aan o...
26/05/2026

Dhammaan ummadda muslimka, si gaar ahna bulshada Soomaaliyeed goob kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan waxa aan oogu Hambalyeyneynaa munaasabadda ciidul adxada awgeed, waxa aan la qeybsaneynaa farxadda iyo damaashaadka ciidda.

Eebbe Weyna camallada iyo wanaagyada aan sameynay ha innaga aqbalo, ciiddan ciiddeeduna si nabdoon ha innagu gaarsiiyo.

Hambalyo mar kale.


Bandhigga Buugga Aragtida Dawladnimada iyo Berri Galab Axada Kulmis Hall."Buuggani waxa uu la hadlayaa damiirka ummadaha...
11/04/2026

Bandhigga Buugga Aragtida Dawladnimada iyo Berri Galab Axada Kulmis Hall.

"Buuggani waxa uu la hadlayaa damiirka ummadaha soo maray dagaal, saboolnimo, iyo dulmi gumeysi, balse helay rabitaan iyo geesinimo ay dib iskugu dhisaan. Taariikhdu waxay ina tusaysaa in dalal badan oo sidan oo kale ah aysan kaliya ka soo kaban, balse ay gaareen horumar iyo barwaaqo. Soo-kabasho dhab ah waxay bilaabataa marka ummad iyo hoggaankeeduba si daacad ah u go'aansadaan isbeddel in ay isku hallaystaan, ku dhaqmaan maamul daah-furan oo hufan, isla markaana hoggaamiyaan karti, aqoon, iyo daacadnimo".

📍 Goobta: Kulmis Hall, Kismaayo
đź•’ Waqtiga: 3:00 galabnimo
đź“… Taariikhda: 12 April 2026
Aan ka soo qaybgalno si wadajir ah, una muujinno qiimaha aynu siinayno aqoonta iyo horumarka dalka. Fursadahaan oo kale mar walba ma yimaadaan—ka faa’iidayso!
Mahadsanidiin.

25/03/2026

Noloshu waa kadeed meel ay u socoto aan la aqoon, waa wada qarracan.
Qorrax soo baxdaba dhibaato hor leh ayay wadataa. dhibtaas iyo dhibtoodkaas qof u gagsan kara, oo weji iyo wadna dhiirran kaga tallaabsan kara ayay u marti tahay.
Ee caqabadaha iyo culeysyada nolosha halla waajaha, hana laga gudbo.

Akhris Qoraalka Iqra

Dhammaan xubnaha naadiga oo isku duuban waxa ay hambalyo diirran udirayaan guddoomiyaha cusub ee naadiga Cali Deeq Ibraa...
23/03/2026

Dhammaan xubnaha naadiga oo isku duuban waxa ay hambalyo diirran udirayaan guddoomiyaha cusub ee naadiga Cali Deeq Ibraahim,Waxa aan Eebbe uga baryeynaa in xilkaa loo igmaday uu ku asturo, lana garab galo Insha Allah.


KULANKA GORFEYNTA BILLAHA:Shalay oo aheyd subaxnimo axad ah, taariikhduna ku beegneyd 22/03/2026, waxa uu naadiga yeesha...
23/03/2026

KULANKA GORFEYNTA BILLAHA:Shalay oo aheyd subaxnimo axad ah, taariikhduna ku beegneyd 22/03/2026, waxa uu naadiga yeeshay kulankiisii billaha ahaa, oo ay xubnaha naadiga qeyb ka mid ah isugu yimaadeen gorfeynta buugga 'Wehelka waddaniga' oo uu qoray Ustaad Cabdixakiin Maxamed Haaddi.

Buugga oo ahaa buug taariikheed, kana hadlaye taariikhda godobtii ingiriiska iyo geylankii nasrullaahi, iyo xorriyad u helidda dhulka soomaali galbeed. Xubno kooban ayaa buugga soo koobay, kadibna mucdii iyo miidda buuggana si dheellitiran isula wadaageen xubnaha.

Guntii Kulanka ayaa xubnaha Ku doortay guddoomiyaha cusub ee hoggaamin doonno naadiga Sanadka soo socdo.



Guuleystaha Tartankii Shalay Ee Tijaabi Nasiibkaaga. Waxa Ku guuleystay oo nasiibkiisa Ku faa'iday Hussein Mohamed.Hamba...
20/03/2026

Guuleystaha Tartankii Shalay Ee Tijaabi Nasiibkaaga. Waxa Ku guuleystay oo nasiibkiisa Ku faa'iday Hussein Mohamed.

Hambalyo Hussein Naadiga Akhris Qoraalka Iqra waxay Ku gudoonsiin doontaa hadiyadaada insha Allah.

Ciid Wanaagsan Dhammaan xubnaha naadiga,waxay hambalyo iyo tahniyad u dirayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed munaasab...
19/03/2026

Ciid Wanaagsan

Dhammaan xubnaha naadiga,waxay hambalyo iyo tahniyad u dirayaan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed munaasabadda Ciiddul fidriga.

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo dhammaan camalkii wanaagsanaa ee bisha Ramadaan.

.

CIID MUBAARAK.Munaasabada ciida awgeeda waxay Naadiga Akhris Qoraalka Iqra  idinku tala gashay barnaamijka tijaabi nasii...
19/03/2026

CIID MUBAARAK.
Munaasabada ciida awgeeda waxay Naadiga Akhris Qoraalka Iqra idinku tala gashay barnaamijka tijaabi nasiibkaaga oo qofkii Ku guuleysta heli doono hadiyad isugu jirta Buuggaag iyo agab akhris.

Shuruudaha Barnaamijka.
1. Follow dheh Bogga Naadiga Iqra.
2. Like Saarto post-ga
3. Share dheh post-ga
4. Qabso hal lambar oo udhaxeysa 15 ilaa 150.

F.G: qofkii aan buuxinin shuruudaha, markaasna qabsada lambarka saxda ah ma heli doono abaalmarinta. Shuruudaha si fiican ubuuxi dhamman Insha Allah.

Khamiis 19/03/2026
Nasiib Wacan

Address

Kismayo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naadiga Akhris-Qoraalka Iqra posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category