Mohamed Galaydh

Mohamed Galaydh Kala soco Warar Sugan- Warbixino Iyo Barnaamijyo Kala duwan

01/09/2026

"Waxaan Rajeynayaa inaan ku guulaysto Gudoomiyaha Xidhiidhka ku badda Cagta Waqooyi Bari" Musharax Gudoomiyaha Xidhiidhka Waqooyi Bari Mohamed Abdirahman nuur

01/09/2026

"Waxaan Aad ugu Faraxsanahay inaan u taagnahay Gudoomiyaha Xidhiidhka ku badda Cagta Waqooyi Bari" Musharax Gudoomiyaha Xidhiidhka Waqooyi Bari Cabdiqadir Abdirashid Axmed

31/08/2026

Muxuu ka dhigan yahay Isbahaysiga sii xogaysanaya Ee Dalalka Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Pakistan

30/08/2026

Shirka Isku Xidhka Qurba-Joogta iyo Dawladda Waqooyi Bari

30/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Waqooyi-Bari, Cismaan Aadan Xuseen, oo Ka Hadlay Doorka Wasaaraddu ku Leedahay Hirgelinta Mashruuca SEF ee ay Fulinayaan FAWESOM iyo Diakonia

WASIIRKA MAALIYADDA OO XIL KA QAADIS IYO MAGACAABID SAMEEYAYWasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Waqooyi Bari Soom...
30/08/2026

WASIIRKA MAALIYADDA OO XIL KA QAADIS IYO MAGACAABID SAMEEYAY
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sameeyay xil-ka-qaadis iyo magacaabid cusub, taas oo lagu dardargelinayo hawlaha maamulka Kastamka Degmada Xuddun, isla markaana kor loogu qaadayo dakhliga iyo hufnaanta shaqada.

29/08/2026

Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dib-u-dhiska Dawladda Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah u bilowday ololaha cashuuraha lix-biloodlaha ah, kaas oo diiradda lagu saarayo bixinta adeegyada iyo waajibaadka la xiriira gaadiidka.

Ololaha ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo nidaaminta iyo diiwaangelinta gaadiidka, iyadoo bulshada lagu wargelinayo inay gutaan waajibaadka cashuuraha iyo adeegyada gaadiidka ee loo asteeyey.

28/08/2026

Cali Yare Cali ayaa Magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyey

28/08/2026

Dad badan ayaa ku go’doonsan saqafyada iyo dabaqyada sare ee guryaha, kaddib fatahaado xooggan oo ku dhuftay deegaannada xadka Nepal iyo Tibet. Daadadka dhoobada wata ayaa burburiyey guryo, waddooyin iyo buundooyin, waxaana musiibada ku dhintay ugu yaraan 469 qof, halka ku dhowaad 2,000 kalena weli la la’yahay.

Masiibadan baaxadda leh waxay muujinaysaa awoodda aan xadka lahayn ee Alle iyo tabardarrada bani’aadamka marka ay dhacaan musiibooyinka dabiiciga ahi.

Alle ha u gargaaro dadka ay dhibaatadu saameysay.

28/08/2026

Jaamacadda Alpha University ee magaalada Laascaanood ayaa qabatay bandhig lagu soo bandhigay kulliyadaha iyo qaybaha kala duwan ee ay jaamacaddu bixiso, iyadoo ardaydu ku soo bandhigeen aqoontooda

Bandhigga ayaa si gaar ah loogu soo bandhigay aqoonta iyo waxqabadka ardayda kulliyadaha Caafimaadka, Culuumta IT-ga, Injineerinka, Qaanuunka, iyo qaybaha kale ee waxbarasho ee ay jaamacaddu bixiso.

Mohamed Galaydh

Address

Laascaanood
LA

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Galaydh posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Mohamed Galaydh:

Shortcuts

Share