30/07/2026
HAMBALYO IYO MAHADCELIN
Xoghayaha Fulinta Dowladda Hoose ee Caasimadda Laascaanood, Boos Dubad Boos, wuxuu hambalyo iyo mahadcelin mug leh u dirayaa dhammaan bulshada ku dhaqan Caasimadda Laascaanood,sida qiimaha badan ee ay uga qayb qaateen munaasabaddii lagu xusay Sanadguuradii 1-aad ee Aasaaska Dowladda Waqooyi Bari, oo ku beegnayd 30-ka Luulyo.
Xoghayuhu wuxuu bulshada ku bogaadinayaa waddaniyadda, isku duubnida, iyo ilbaxnimada ay muujiyeen intii ay socdeen munaasabada xuska, isaga oo si gaar ah ugu ammaanaya wada shaqayntii wanaagsanayd ee ay la yeesheen maamulka iyo laamaha amniga, taas oo door weyn ka qaadatay in munaasabaddaasi ku qabsoonto si nabadgelyo, nidaam iyo bilic leh.
Ugu dambayn, Xoghayaha Fulintu wuxuu Alle uga baryayaa shacabka Waqooyi Bari midnimo, nabad waarta iyo horumar joogto ah, isagoo ku boorrinaya inay sii xoojiyaan wadajirka iyo taageerada ay u hayaan dowladdooda.
Guul, Gobannimo iyo Horumar Joogto ah.