Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Waqooyi Bari

Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Waqooyi Bari Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Waqooyi Bari, Government Organization, https://maps. app. goo. gl/MhDBtBr6cAgHWCwu 6, Laascaanood.

Bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dowladd-Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

The official page of the Ministry of Planning, Development & International Cooperation Northeastern state of somalia.

29/08/2026

๐’๐‡๐ˆ๐‘๐Š๐€ ๐ˆ๐’๐Š๐”-๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐๐”๐‘๐๐€-๐‰๐Ž๐Ž๐†๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ

โ€” DHAMMAAD โ€”
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

๐’๐‡๐ˆ๐‘๐Š๐€ ๐ˆ๐’๐Š๐”-๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐๐”๐‘๐๐€-๐‰๐Ž๐Ž๐†๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ Laascaanood, 29 Agoosto 2026: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, ...
29/08/2026

๐’๐‡๐ˆ๐‘๐Š๐€ ๐ˆ๐’๐Š๐”-๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐๐”๐‘๐๐€-๐‰๐Ž๐Ž๐†๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ

Laascaanood, 29 Agoosto 2026: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Waqooyi Bari, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž ๐‚๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Isku-Xidhka Qurba-Joogta Dowladda Waqooyi Bari iyo Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Wasiirku, intii uu shirka furayay, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay Qurba-Joogtu u leedahay horumarka, dib-u-dhiska iyo kobaca dhaqaalaha Dowladda Waqooyi Bari. Wuxuu ku booriyay Qurba-Joogta inay si firfircoon uga qayb qaataan maalgashiga dalka, abuuraan fursado shaqo, isla markaana aqoontooda, khibraddooda iyo hantidooda ku taageeraan horumarka bulshada iyo hayโ€™adaha Dowladda. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay muhiimadda dib-u-hawlgelinta ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ซ๐›๐š-๐‰๐จ๐จ๐ ๐ญ๐š ๐–๐š๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข ๐๐š๐ซ๐ข, si loo helo hannaan rasmi ah oo isku xidha Dowladda iyo Qurba-Joogta ku nool daafaha dunida.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž Osman Aden Hussen , ayaa ka hadlay qorshayaasha horumarineed iyo meelaha mudnaanta u leh Dowladda Waqooyi Bari. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay muhiimadda maalgashiga qaybaha wax-soo-saarka, adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed ee wax ka tari kara kobaca dhaqaalaha iyo horumar waara.

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga, Mudane Abdikani Nour Jama , ayaa shirka ka jeediyay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda horumarinta dhaqaalaha Dowladda Waqooyi Bari. Warbixinta ayaa diiradda lagu saaray guulaha la gaadhay, caqabadaha jira, fursadaha maalgashi ee ka jira deegaannada Dowladda Waqooyi Bari, iyo kaalinta muhiimka ah ee Qurba-Joogtu ka qaadan karto kobcinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo abuurista shaqooyin cusub.

Dhankooda, ๐๐ฎ๐ซ๐›๐š-๐‰๐จ๐จ๐ ๐ญ๐š ๐ซ๐ž๐ž๐ซ ๐–๐š๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข ๐๐šri ayaa ka warbixiyay guulaha laga gaadhay xoojinta isku-xidhka Dowladda iyo Qurba-Joogta, iyagoo soo dhoweeyay horumarka iyo guulaha ay Dowladda Waqooyi Bari ku tallaabsatay. Sidoo kale, waxay soo bandhigeen qorshayaal iyo mashaariic maalgashi oo ay diyaar u yihiin inay hirgeliyaan, iyagoo tilmaamay meelaha mudnaanta u leh maalgashiga iyo kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo.

Ugu dambayn, shirku wuxuu ku soo dhammaaday jawi is-afgarad iyo wada-tashi wanaagsan, iyadoo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga Dowladda iyo Qurba-Joogta. Shirku wuxuu sidoo kale gogol u dhigay iskaashi joogto ah, wadaagista aqoonta iyo khibradaha, iyo dhiirrigelinta maalgashi wax ku ool ah oo taageera horumarka iyo mustaqbalka Dowladda Waqooyi Bari.

โ€” DHAMMAAD โ€”
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

23/08/2026

X Space: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta & Iskaashiga Caalamiga Dowladda Waqooyi Bari ayaa caawa shacabka reer waqooyi bari ee ku sugnaa X Space uga warbixiyey shaqooyinkii dowladda waday, iyo isagoo sidoo kale su'aalo ay shacabku weydiiyeen kaga jawaabay madasha.

-DHAMMAAD-
________________
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

๐—ฆ๐—”๐—›๐—”๐—ก ๐—ง๐—จ๐—ฆ๐—”๐—ฌ๐—”๐—”๐—ฆ๐—›๐—” ๐—•๐—”๐——๐—”๐—ก ๐—˜๐—˜ ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—” โ€“ ๐— ๐—œ๐—–๐—ฆ๐Ÿณ๐— ๐—จ๐—ค๐——๐—œ๐—ฆ๐—›๐—ข: Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay tababarka Sahan Tusa...
23/08/2026

๐—ฆ๐—”๐—›๐—”๐—ก ๐—ง๐—จ๐—ฆ๐—”๐—ฌ๐—”๐—”๐—ฆ๐—›๐—” ๐—•๐—”๐——๐—”๐—ก ๐—˜๐—˜ ๐—ฆ๐—ข๐—ข๐— ๐—”๐—”๐—Ÿ๐—œ๐—ฌ๐—” โ€“ ๐— ๐—œ๐—–๐—ฆ๐Ÿณ

๐— ๐—จ๐—ค๐——๐—œ๐—ฆ๐—›๐—ข: Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay tababarka Sahan Tusayaasha Badan ee Soomaaliya (๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ฎ ๐— ๐˜‚๐—น๐˜๐—ถ๐—ฝ๐—น๐—ฒ ๐—œ๐—ป๐—ฑ๐—ถ๐—ฐ๐—ฎ๐˜๐—ผ๐—ฟ ๐—–๐—น๐˜‚๐˜€๐˜๐—ฒ๐—ฟ ๐—ฆ๐˜‚๐—ฟ๐˜ƒ๐—ฒ๐˜† โ€“ ๐— ๐—œ๐—–๐—ฆ๐Ÿณ)
kaas oo socday muddo 27 maalmood ah.

Tababarkan waxaa kaqaybgalay Agaasimaha Waaxda qorshaynta Mohamed Apdurahmaan Ruush & Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ๐—ก๐—ฎ๐—ท๐—บ๐—ฎ ๐—–๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ ๐—”๐˜…๐—บ๐—ฒ๐—ฑ iyo hawlwadeeno kale oo iyaguna ka socday Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari

Intii tababarku socday waxaa si dhammaystiran loo qaatay hababka, farsamooyinka iyo qalabka loo adeegsanayo hirgelinta MICS7.

Tababarka iyo hirgelinta MICS7 waxaa iska kaashanaya Bangiga Adduunka (World Bank), UNICEF iyo Hayโ€™adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliya (Somalia National Bureau of Statistics โ€“ SNBS), iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo nidaamka xog-ururinta iyo helitaanka xog tayo leh oo heer qaran ah.

Tababarku wuxuu diiradda saaray fahamka iyo adeegsiga dhammaan suโ€™aalaha MICS7, iyo hababka kala duwan ee xog-ururinta, oo ay ka mid yihiin PAPI (Paper and Pencil Interviewing) iyo CAPI (Computer-Assisted Personal Interviewing).

MICS7 waa sahan qaran oo muhiim ah oo lagu ururinayo xog la isku halayn karo oo ku saabsan xaaladaha carruurta, haweenka, qoysaska iyo bulshada, taas oo gacan ka geysanaysa qorshaynta, dejinta siyaasadaha, la socodka horumarka iyo goโ€™aan-qaadashada ku salaysan xog dhab ah.

Waxaa si gaar ah muhiim u ah in Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ay markii ugu horreysay qayb rasmi ah uga noqoto MICS, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo dhinaca horumarinta nidaamka xogta iyo tirakoobka gobolka ah.

Ka qaybgalka Waqooyi Bari ee MICS7 wuxuu fursad weyn u yahay in la helo xog tayo leh oo ka tarjumaysa xaaladda bulshada gobolka, isla markaana qayb ka noqota xogta qaranka ee loo adeegsan doono qorshaynta iyo horumarinta dalka.

-DHAMMAAD-
__________________________________________________________
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

23/08/2026

Laascaanood | 23 Agoosto 2026
๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š, ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐–๐š๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข ๐๐š๐ซ๐ข ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž ๐‚๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง, ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฑ๐จ๐ -๐ฐ๐š๐ซ๐ซ๐š๐ง ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐๐ก๐š๐œ๐š๐ฒ ๐‡๐จ๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐.

-DHAMMAAD-
__________________________________________________________
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

Laascaanood | 23 Agoosto 2026๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š, ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐–๐š๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข...
23/08/2026

Laascaanood | 23 Agoosto 2026
๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š, ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐–๐š๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข ๐๐š๐ซ๐ข ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž ๐‚๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง, ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฑ๐จ๐ -๐ฐ๐š๐ซ๐ซ๐š๐ง ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐๐ก๐š๐œ๐š๐ฒ ๐‡๐จ๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ž๐ž ๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐.

Kulanka waxaa warbixinno ku saabsan guulihii la gaadhay, caqabadihii jiray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee Wasaaradda ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cusmaan Aadan Xuseen, iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan hawlihii shaqo ee Wasaaraddu qabatay saddexdii bilood ee la soo dhaafay, isaga oo faahfaahiyey waxqabadkii la gaadhay, caqabadihii la kulmay iyo qorshayaasha lagu horumarinayo shaqada Wasaaradda. Sidoo kale, Agaasime-waaxeedyadu waxay soo bandhigeen warbixinno ku saabsan waxqabadka iyo hawlaha kala duwan ee waaxyahooda.

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda ayaa ka warbixiyey safarradii uu ku tagay Xafiiska Qaramada Midoobay ee New York iyo dalal kale oo dibadda ah, iyo kulamadii uu la yeeshay hayโ€™adaha Qaramada Midoobay (UN), safaaradaha kala duwan iyo qurba-joogta deegaanka. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, horumarinta xidhiidhada caalamiga ah iyo sidii loo heli lahaa fursado horumarineed oo wax-ku-ool ah.

Kulanku wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka, wada-shaqaynta iyo dardar-gelinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

-DHAMMAAD-
__________________________________________________________
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

TACSI AHUN YUUSUF JIBRIIL GARAAD CAWLMadaxda & Hawl-Wadeenada Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta & Iskaashiga Caalamiga ...
21/08/2026

TACSI AHUN YUUSUF JIBRIIL GARAAD CAWL

Madaxda & Hawl-Wadeenada Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta & Iskaashiga Caalamiga Dowladda Waqooyi Bari, waxa ay ka tacsiyadeynayaan geerida ku timi AHUN. Yuusuf Jibriil Garaad.

Alle ha u naxariisto marxuumka, samir & iimaan haka siiyo dhammaan bulshada Reer Waqooyi Bari, gaar ahaan waxa aanu si gaar ah ugu sii tacsiyadaynaynaa Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Garaad.

-DHAMMAAD-
________________________________________________________
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

Laascaanood: 16, Aug, 2026:- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta & Iskaashiga Caalamiga Dowladda Waqooyi Bari Mu...
16/08/2026

Laascaanood: 16, Aug, 2026:- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta & Iskaashiga Caalamiga Dowladda Waqooyi Bari Mudane Cali Warsame Cismaan ayaa soo xidhay Shirka Isku-duwida arimaha Bini'aadannimada Waqooyi Bari iyo Madaxda OCHA Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta & Iskaashiga Caalamiga Dowladda Waqooyi Bari Mudane Cusmaan Aadan Xuseen, Agaasime Waaxeedyada & Hawl-Wadeenadda Wasaaradda ayaa qayb ka ahaa shirkan.

Shirkan oo ay sidoo kale qayb ka ahaayeen Wasiiradda dowladda, Agaasimeyaal Guud, Xildhibaano, Hay'addaha Caalamiga, Hay'addaha Maxaliga ah iyo weftiga qaramada midoobay ka socday ayaa diiradda lagu saarayay mashaariicda horumarinta, xaaladaha baniโ€™aadannimo, iyo baahiyaha mudnaanta u leh bulshada deegaanka, iyadoo sidoo xoojinta wada-shaqeynta dowladda Waqooyi bari iyo Qaramada Midoobay ee dhinacyada gargaarka, horumarinta iyo arrimaha baniโ€™aadannimada.

-DHAMMAAD-
________________________________________________
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

16/08/2026

Remarks by H.E. Ali Warsama Osman, Minister of Planning, Development & International Cooperation of the Northeastern State Somalia.

Address

Https://maps. App. Goo. Gl/MhDBtBr6cAgHWCwu 6
Laascaanood

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Waqooyi Bari posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share