Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Waqooyi Bari

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Waqooyi Bari ๐Ž๐Ÿ๐Ÿ๐ข๐œ๐ข๐š๐ฅ ๐๐š๐ ๐ž ๐จ๐Ÿ ๐ญ๐ก๐ž ๐Œ๐ข๐ง๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐ฒ ๐จ๐Ÿ ๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ข๐จ๐ซ, ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐ฅ ๐€๐Ÿ๐Ÿ๐š๐ข๐ซ๐ฌ ๐š๐ง๐ ๐‘๐ž๐œ๐จ๐ง๐œ๐ข๐ฅ๐ข๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐จ๐Ÿ ๐ญ๐ก๐ž ๐๐จ๐ซ๐ญ๐ก๐ž๐š๐ฌ๐ญ๐ž๐ซ๐ง ๐†๐จ๐ฏ๐ž๐ซ๐ง๐ฆ๐ž๐ง๐ญ ๐จ๐Ÿ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š,

๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€, ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐Ž๐Ž ๐Š๐€ ๐๐€๐˜๐-๐†๐€๐’๐‡๐€๐˜ ๐Š๐”๐‹๐€๐๐Š๐€ ๐๐€๐‘๐€๐ ๐„๐„ ๐ˆ๐’๐”-๐ƒ๐”๐๐๐€๐‘...
30/08/2026

๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€, ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐Ž๐Ž ๐Š๐€ ๐๐€๐˜๐-๐†๐€๐’๐‡๐€๐˜ ๐Š๐”๐‹๐€๐๐Š๐€ ๐๐€๐‘๐€๐ ๐„๐„ ๐ˆ๐’๐”-๐ƒ๐”๐๐๐€๐‘๐ˆ๐ƒ๐Š๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐‡๐Ž๐Ž๐’๐„,
โ€Ž
โ€ŽMuqdisho 30 August 2026
โ€Ž
โ€ŽWasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Waqooyi Bari, oo Dadaal xooggan ugu jirta horumarinta iyo Xoojinta Dowladaha hoose iyo adeegyada bulshada, ayaa ka Qayb-gashay Kulanka Qaran ee Isu-dubbaridka Dowladaha Hoose ee Soomaaliya, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
โ€Ž
โ€ŽKulanka ayaa diiradda lagu saaray Xoojinta Wada shaqaynta iyo isu-dubbaridka dowladaha hoose, horumarinta adeegyada Aasaasiga ah ee bulshada, Dardargelinta Maamul-daadejinta iyo sidii loo Xoojin lahaa Doorka Dowladaha hoose ee horumarinta dalka.
โ€Ž
โ€ŽWasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Waqooyi Bari waxaa kulanka uga qayb-galay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ค๐ก๐š๐๐š๐ซ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง, oo intii uu kulanku Socday soo bandhigay Warbixin ku Saabsan Waxqabadka lixda bilood ee ugu horreeyay Sannadka ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” ee Dowladaha hoose Dowladda Waqooyi Bari.
โ€Ž
โ€ŽWarbixinta waxaa lagu soo bandhigay horumarka laga sameeyay dhinacyada Xoojinta Maamulka Dowladaha hoose, adeeg-bixinta bulshada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, Nadaafadda iyo Maareynta Qashinka, Qorshaynta Magaalooyinka, iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda hayโ€™adaha dowladaha hoose.
โ€Ž
โ€ŽSidoo kale, Agaasimuhu wuxuu ka Warbixiyey Tallaabooyinka muhiimka ah ee ay dowladaha hoose Qaadeen Muddadii lixda bilood ahayd, iyo Qorshayaasha socda ee lagu sii horumarinayo Hannaanka Maamul-daadejinta iyo awoodda dowladaha hoose.
โ€Ž
โ€ŽIntii uu kulanku socday, waxaa si furan la isku dhaafsaday aragtiyo, khibrado iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa dowladaha hoose ee dalka, kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada bulshada, loona xoojin lahaa iskaashiga iyo isku-xirka heerarka kala duwan ee dowladda.
โ€Ž

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-
______________________

โ ๐—๐€๐…๐ˆ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐‘๐…๐€๐€๐…๐ˆ๐๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐ƒ๐€๐ƒ ๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€.โž

๐Ÿ“ง ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ.๐Œ๐จ๐ข๐Ÿ๐š๐ซ@๐๐ž.๐ฌ๐จ
๐ŸŒ ๐—ช๐—˜๐—•๐—ฆ๐—œ๐—ง๐—˜: https://moifar.ne.so/
Twitter https://x.com/moifarWBS
๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ: https://www.facebook.com/share/1CLd2gvmCG/
๐—ง๐—ถ๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ธ: https://www.tiktok.com/?_t=ZM-90mzTCp6VQ3&_r=1

22/08/2026

๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐: ๐Ÿ๐Ÿ | ๐ŸŽ๐Ÿ– | ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”,

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Waqooyi-Bari ayaa soo Qabanqaabisay kulan looga hadlayay xal-u-helidda xaaladda Muhaajiriinta ku sugan Deegaanada Dowladda Waqooyi-Bari.

Kulanka waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Waqooyi Bari, Guddoomiyaha Hayโ€™adda Barakacayaasha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Badhasaabka Gobolka Sool iyo Duqa Caasimadda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda muhaajiriinta ku sugan deegaanada Waqooyi-Bari, iyo sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo badbaadadooda, ilaalinta deegaanka iyo sugidda nabadgelyada.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-
______________________

โ ๐—๐€๐…๐ˆ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐‘๐…๐€๐€๐…๐ˆ๐๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐ƒ๐€๐ƒ ๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€.โž

๐Ÿ“ง ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ.๐Œ๐จ๐ข๐Ÿ๐š๐ซ@๐๐ž.๐ฌ๐จ
๐ŸŒ ๐—ช๐—˜๐—•๐—ฆ๐—œ๐—ง๐—˜: https://moifar.ne.so/
Twitter https://x.com/moifarWBS
๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ: https://www.facebook.com/share/1CLd2gvmCG/
๐—ง๐—ถ๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ธ: https://www.tiktok.com/?_t=ZM-90mzTCp6VQ3&_r=1

๐“๐€๐‚๐’๐ˆ ๐“๐ˆ๐ˆ๐‘๐€๐€๐๐˜๐Ž ๐‹๐„๐‡INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUNDhammaan Masuuliyiinta iyo bahda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ...
21/08/2026

๐“๐€๐‚๐’๐ˆ ๐“๐ˆ๐ˆ๐‘๐€๐€๐๐˜๐Ž ๐‹๐„๐‡

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Dhammaan Masuuliyiinta iyo bahda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Waqooyi Bari waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu caawa aabbihii, Marxuum Yuusuf Jibriil Garaad Cawl, ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Masuuliyiinta iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaraddu waxay murugada iyo tacsida la qaybsanayaan Madaxweyne Ku-xigeenka, qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan ummadda uu ka baxay Marxuumku.

Waxaan Alle SWT uga baryaynaa Marxuum Yuusuf Jibriil Garaad Cawl inuu naxariistiisa waarta ka waraabiyo, dembigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo oo u nuuriyo, kana yeelo kuwa Jannatul Firdowsa Aclaa hoygooda.

Sidoo kale, waxaan Qoyska iyo dhammaan eheladii uu Marxuumku ka baxay inuu Alle ka siiyo samir iyo iimaan, kana abaalmariyo dhibaatada iyo murugada geerida.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-
______________________

โ ๐—๐€๐…๐ˆ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐‘๐…๐€๐€๐…๐ˆ๐๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐ƒ๐€๐ƒ ๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€.โž

๐Ÿ“ง ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ.๐Œ๐จ๐ข๐Ÿ๐š๐ซ@๐๐ž.๐ฌ๐จ
๐ŸŒ ๐—ช๐—˜๐—•๐—ฆ๐—œ๐—ง๐—˜: https://moifar.ne.so/
Twitter https://x.com/moifarWBS
๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ: https://www.facebook.com/share/1CLd2gvmCG/
๐—ง๐—ถ๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ธ: https://www.tiktok.com/?_t=ZM-90mzTCp6VQ3&_r=1

21/08/2026

๐…๐ˆ๐๐ˆ๐…๐”๐‹๐ˆ๐˜๐„, ๐Ÿ๐Ÿ ๐€๐†๐Ž๐Ž๐’๐“๐Ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Ahmed Ali Yakhle oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga, Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka Degmada Fiqifuliye, ayaa maanta booqasho ku tagay Cisbitaalka Guud ee Degmada Fiqifuliye ee Gobolka Sanaag.

Masโ€™uuliyiintu waxay indha-indheyn ku sameeyeen xaaladda guud ee cisbitaalka, adeegyada caafimaad ee uu bulshada u hayo iyo baahiyaha jira, iyagoo warbixin ka dhagaystay maamulka iyo hawlwadeennada cisbitaalka.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-
______________________

โ ๐—๐€๐…๐ˆ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐‘๐…๐€๐€๐…๐ˆ๐๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐ƒ๐€๐ƒ ๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€.โž

๐Ÿ“ง ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ.๐Œ๐จ๐ข๐Ÿ๐š๐ซ@๐๐ž.๐ฌ๐จ
๐ŸŒ ๐—ช๐—˜๐—•๐—ฆ๐—œ๐—ง๐—˜: https://moifar.ne.so/
Twitter https://x.com/moifarWBS
๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ: https://www.facebook.com/share/1CLd2gvmCG/
๐—ง๐—ถ๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ธ: https://www.tiktok.com/?_t=ZM-90mzTCp6VQ3&_r=1

โ€Ž๐๐š๐ข๐ซ๐จ๐›๐ข | ๐Ÿ๐Ÿ“ ๐€๐ ๐จ๐จ๐ฌ๐ญ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”,Waxaa maalmahan magaalada Nairobi ka socda kulamo muhiim ah oo lagu Xoojinayo Wada-shaqaynta ...
15/08/2026

โ€Ž๐๐š๐ข๐ซ๐จ๐›๐ข | ๐Ÿ๐Ÿ“ ๐€๐ ๐จ๐จ๐ฌ๐ญ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”,

Waxaa maalmahan magaalada Nairobi ka socda kulamo muhiim ah oo lagu Xoojinayo Wada-shaqaynta Dowlad-dhiska, horumarinta iyo iskaashiga hayโ€™adaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka.

Kulamada waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Waqooyi Bari, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐‡๐š๐ฒ๐›๐ž, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฌ๐š๐ฅ๐š๐š๐ง ๐ˆ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‚๐š๐ฅ๐ข. Sidoo kale, waxaa ka qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Madaxtooyadaha Dowlad-goboleedyada kale, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedyada dalka, iyo hayโ€™adaha taageera horumarinta iyo dowlad-dhiska.

Madasha waxaa si gaar ah loogu soo bandhigay hindisaha Xeerka Wada-shaqaynta Hayโ€™adaha Dowladda (๐ˆ๐ง๐ญ๐ž๐ซ๐ ๐จ๐ฏ๐ž๐ซ๐ง๐ฆ๐ž๐ง๐ญ๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐ญ๐ข๐ญ๐ฎ๐ญ๐ข๐จ๐ง๐ฌ), kaas oo muhiim u ah xoojinta isku-xirka, wada-tashiga iyo wada-shaqaynta hayโ€™adaha dowladda ee heerarka kala duwan.

Madashani waxay ahayd fursad muhiim ah oo ay ka qayb galeen daneeyayaal kala duwan. Waxaa la filayaa in wada-tashiyada iyo heshiisyada ka soo baxa ay wax weyn ka tari doonaan xoojinta dowlad-dhiska, horumarinta hayโ€™adaha iyo tayeynta adeegyada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-
______________________

โ ๐—๐€๐…๐ˆ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐‘๐…๐€๐€๐…๐ˆ๐๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐ƒ๐€๐ƒ ๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€.โž

๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ: https://www.facebook.com/share/1CLd2gvmCG/
๐—ง๐—ถ๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ธ: https://www.tiktok.com/?_t=ZM-90mzTCp6VQ3&_r=1
๐ŸŒ ๐—ช๐—˜๐—•๐—ฆ๐—œ๐—ง๐—˜: https://moifar.ne.so/
๐Ÿ“ง ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ.๐Œ๐จ๐ข๐Ÿ๐š๐ซ@๐๐ž.๐ฌ๐จ

๐–๐€๐…๐“๐ˆ ๐”๐” ๐‡๐Ž๐†๐€๐€๐Œ๐ˆ๐๐€๐˜๐Ž ๐–๐€๐’๐ˆ๐ˆ๐‘ ๐Š๐”๐—๐ˆ๐†๐„๐„๐๐Š๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐€๐˜๐€๐€ ๐’๐€๐…๐€๐‘ ๐’๐‡๐€๐๐Ž ๐Š๐” ๐†๐€๐€๐ƒ๐‡๐€๐˜ ๐ƒ๐„๐„๐†๐€๐๐Ž ๐‡๐Ž๐Ž๐’๐“๐€๐†๐€ ๐ƒ๐„๐†๐Œ๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ...
14/08/2026

๐–๐€๐…๐“๐ˆ ๐”๐” ๐‡๐Ž๐†๐€๐€๐Œ๐ˆ๐๐€๐˜๐Ž ๐–๐€๐’๐ˆ๐ˆ๐‘ ๐Š๐”๐—๐ˆ๐†๐„๐„๐๐Š๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐€๐˜๐€๐€ ๐’๐€๐…๐€๐‘ ๐’๐‡๐€๐๐Ž ๐Š๐” ๐†๐€๐€๐ƒ๐‡๐€๐˜ ๐ƒ๐„๐„๐†๐€๐๐Ž ๐‡๐Ž๐Ž๐’๐“๐€๐†๐€ ๐ƒ๐„๐†๐Œ๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐Š๐€๐‹๐€-๐๐€๐˜๐ƒ๐‡,

๐“๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก: ๐Ÿ๐Ÿ’-๐ŸŽ๐Ÿ–-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, Wafti uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Waqooyi Bari ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐ฅ๐ข, ayaa gaaray deegaanka Dhagax-isku-Row iyo deegaannada ku xeeran,

Ujeeddada Safarka ayaa ahayd ilaalinta deegaanka iyo dhul-daaqsimeedka Xoolaha, iyo ka hortagga wax kasta oo sababi kara khilaaf iyo is-qabqabsi ka dhasha dhulka daaqa.

Waftiga oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Guddoomiyaha Degmada Kalabaydh, ayaa kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo bulshada Deegaanka Waxaana lagu heshiiyey in la Sameeyo Guddiyo si gaar ah uga shaqeeya horumarinta, ilaalinta iyo daryeelka deegaanka isla markaana ka hortaga wax kasta oo Waxyeello u geysan kara deegaanka ama sababi kara khilaaf bulsho.

Waftiga ayaa bulshada ugu baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadda, xasilloonida, ilaalinta deegaanka iyo daryeelka dhul-daaqsimeedka,

Dhankooda, odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa soo dhaweeyey dadaalka iyo goโ€™aanka Dowladda, iyagoo ballanqaaday inay si buuxda uga shaqayn doonaan ilaalinta deegaanka, nabadda iyo ka hortagga wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo isku dhac.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-
______________________

โ ๐—๐€๐…๐ˆ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐‘๐…๐€๐€๐…๐ˆ๐๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐ƒ๐€๐ƒ ๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€.โž

๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ: https://www.facebook.com/share/1CLd2gvmCG/
๐—ง๐—ถ๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ธ: https://www.tiktok.com/?_t=ZM-90mzTCp6VQ3&_r=1
๐ŸŒ ๐—ช๐—˜๐—•๐—ฆ๐—œ๐—ง๐—˜: https://moifar.ne.so/
๐Ÿ“ง ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ.๐Œ๐จ๐ข๐Ÿ๐š๐ซ@๐๐ž.๐ฌ๐จ

๐”๐‰๐„๐„๐ƒ๐ƒ๐Ž: ๐Œ๐€๐†๐€๐‚๐€๐€๐๐ˆ๐ƒ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐‹ ๐Š๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐’,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Waqo...
14/08/2026

๐”๐‰๐„๐„๐ƒ๐ƒ๐Ž: ๐Œ๐€๐†๐€๐‚๐€๐€๐๐ˆ๐ƒ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐‹ ๐Š๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐’,

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Waqooyi Bari ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐˜๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ž, Wuxuu Xilkii ka Qaaday Gudoomiye Kuxigeenkii iyo Xoghayihii Fulinta ee Degmada Boocame ee Gobolka Sool,

โ€ŽWasiirku wuxuu Maanta Laga Bilaabo Gudoomiye Kuxigeenka iyo Xoghayaha Fulinta ee Degmada Boocame u magacaabay Masuuliyiintan Hoos kuqoran,

Wasiirku wuxuu masuuliyiinta cusub kula Dardaarmay inay si hufan, Daacadnimo iyo karti leh u gutaan Waajibaadka iyo Masuuliyadaha loo igmaday, isla markaana ay Dardargeliyaan adeegyada bulshada iyo hawlaha shaqo ee degmada, si loo gaaro horumar Muuqda.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-
______________________

โ ๐—๐€๐…๐ˆ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐‘๐…๐€๐€๐…๐ˆ๐๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐ƒ๐€๐ƒ ๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€.โž

๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ: https://www.facebook.com/share/1CLd2gvmCG/
๐—ง๐—ถ๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ธ: https://www.tiktok.com/?_t=ZM-90mzTCp6VQ3&_r=1
๐ŸŒ ๐—ช๐—˜๐—•๐—ฆ๐—œ๐—ง๐—˜: https://moifar.ne.so/
๐Ÿ“ง ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ.๐Œ๐จ๐ข๐Ÿ๐š๐ซ@๐๐ž.๐ฌ๐จ

๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐, ๐ŸŽ๐Ÿ‘ โ€“๐€๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ญ -๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Waqooyi B...
03/08/2026

๐‹๐š๐š๐ฌ๐œ๐š๐š๐ง๐จ๐จ๐, ๐ŸŽ๐Ÿ‘ โ€“๐€๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ญ -๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Waqooyi Bari, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐˜๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ž, ayaa Xarunta Wasaaradda kusoo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐ข๐ฅ๐๐ก๐ข๐›๐š๐š๐ง ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐˜๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐‚๐š๐ฅ๐ข (๐—๐จ๐จ๐ฌ๐ก) oo Kormeer shaqo ku yimid Xarunta Wasaaradda.
โ€Ž
Labada wasiir ayaa yeeshay kulan muhiim ah oo ay kaga Wada hadleen Xoojinta iskaashiga labada Wasaaradood, Dardargelinta hirgelinta mashaariicda horumarinta degmooyinka, Xoojinta Dowlad-dhiska heer deegaan, dib-u-heshiisiinta bulshada, iyo sidii xalal waara loogu heli lahaa dadka barakacayaasha ah.
โ€Ž
โ€ŽKulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Guddoomiyaha Gobolka Sool, iyo Duqa Caasimadda Laascaanood ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka
โ€Ž
โ€ŽGabagabadii kulanka, labada dhinac waxay isku raaceen in la Xoojiyo wada shaqaynta iyo isku-duwidda Qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada dowladda hoose, nabadeynta, dib-u-heshiisiinta, iyo horumarinta bulshada, si loo dardargeliyo Arrimhii kulan laga wada hadlay .

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-
_______________________

โ ๐—๐€๐…๐ˆ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐‘๐…๐€๐€๐…๐ˆ๐๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐ƒ๐€๐ƒ ๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€.โž

๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ: https://www.facebook.com/share/1CLd2gvmCG/
๐—ง๐—ถ๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ธ: https://www.tiktok.com/?_t=ZM-90mzTCp6VQ3&_r=1
๐ŸŒ ๐—ช๐—˜๐—•๐—ฆ๐—œ๐—ง๐—˜: https://moifar.ne.so/
๐Ÿ“ง ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ.๐Œ๐จ๐ข๐Ÿ๐š๐ซ@๐๐ž.๐ฌ๐จ

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Waqooyi Bari waxay si diirran u soo dhoweynaysaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha...
02/08/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Waqooyi Bari waxay si diirran u soo dhoweynaysaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladda Federaalka Soomaaliya ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐‚๐š๐ฅ๐ข ๐˜๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐‚๐š๐ฅ๐ข (๐—๐จ๐จ๐ฌ๐ก) oo maanta safar shaqo ku soo gaaray Caasimadda Dowladda Waqooyi Bari ee Laascaanood.

Wasaaraddu waxay Wasiirka u rajaynaysaa booqasho miro dhal ah oo wax ku ool u noqota xoojinta wada shaqaynta iyo horumarinta adeegyada dowladnimada.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-
_______________________

โ ๐—๐€๐…๐ˆ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐‘๐…๐€๐€๐…๐ˆ๐๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐ƒ๐€๐ƒ ๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€.โž

๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ: https://www.facebook.com/share/1CLd2gvmCG/
๐—ง๐—ถ๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ธ: https://www.tiktok.com/?_t=ZM-90mzTCp6VQ3&_r=1
๐ŸŒ ๐—ช๐—˜๐—•๐—ฆ๐—œ๐—ง๐—˜: https://moifar.ne.so/
๐Ÿ“ง ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ.๐Œ๐จ๐ข๐Ÿ๐š๐ซ@๐๐ž.๐ฌ๐จ

29/07/2026

โ€ŽWasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Waqooyi Bari, ahna Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Xuska Aasaaska Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Axmed Cali Yakhle, ayaa farriin ku saabsan munaasabadda xuska aasaaska dowladda la wadaagay dhammaan shacabka Dowladda Waqooyi Bari.
โ€Ž
โ€ŽWasiirku wuxuu ugu baaqay dhammaan bulshada ku nool gobollada iyo degmooyinka Dowladda Waqooyi Bari inay si mug leh uga qayb qaataan munaasabadda xuska Aasaaska Dowladda Waqooyi Bari oo ku beegan 30-ka Luulyo 2026.

-๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ-
_______________________

โ ๐—๐€๐…๐ˆ๐ˆ๐’๐Š๐€ ๐–๐€๐‘๐…๐€๐€๐…๐ˆ๐๐“๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐—๐ˆ๐ƒ๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ๐‡๐Š๐€ ๐ƒ๐€๐ƒ ๐–๐„๐˜๐๐€๐‡๐€ ๐–๐€๐’๐€๐€๐‘๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐€๐‘๐‘๐ˆ๐Œ๐€๐‡๐€ ๐†๐”๐ƒ๐€๐‡๐€ ๐…๐„๐ƒ๐„๐‘๐€๐€๐‹๐Š๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐ˆ๐-๐”-๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐’๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€ ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐„๐„๐ƒ๐Š๐€ ๐–๐€๐๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ ๐๐€๐‘๐ˆ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€.โž

๐—™๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ธ: https://www.facebook.com/share/1CLd2gvmCG/
๐—ง๐—ถ๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ธ: https://www.tiktok.com/?_t=ZM-90mzTCp6VQ3&_r=1
๐ŸŒ ๐—ช๐—˜๐—•๐—ฆ๐—œ๐—ง๐—˜: https://moifar.ne.so/
๐Ÿ“ง ๐„๐ฆ๐š๐ข๐ฅ: ๐ข๐ง๐Ÿ๐จ.๐Œ๐จ๐ข๐Ÿ๐š๐ซ@๐๐ž.๐ฌ๐จ

Address

SOOL
Laascaanood

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Waqooyi Bari posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Waqooyi Bari:

Shortcuts

Share