Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari

Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari This is the official page of the ministry of finance North East State of Somalia.

๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐Ÿฎ๐Ÿฏ-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—™๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ  ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ (๐—œ๐—š๐—™๐—™๐—ง๐—–) ๐—ผ๐—ผ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—น ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐˜†.Kulanka Guddiga...
01/09/2026

๐—ž๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐Ÿฎ๐Ÿฏ-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—™๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ (๐—œ๐—š๐—™๐—™๐—ง๐—–) ๐—ผ๐—ผ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—น ๐—ธ๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฏ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐˜†.

Kulanka Guddiga Farsamada ee Federaaleynta Maaliyadda Dalka ayaa waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Gudiga Mudane, Feisal Mohamed Hashi ayna ka soo qayb-galeen Xubnaha Gudiga ayaa si guul ah usoo gabo-gaboobay.

Shirkaan oo socday muddo saddex maalmood ah (29-31-ka Agoosto 2026), ayaa diiradda lagu saaray arrimaha hortabinta u leh dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda dalka, wadaagga dakhliga iyo dhammeystirka heshiisyadii qabyada ahaa.

Qodabada lagu heshiiyay
1- Kulanka waxaa lagu soo bandhigay dib-u-eegista is-qiimeyntii DXDF iyo Gobolka Banaadir ee 2025. Dood dheer kadib, kulanku wuxuu ansixiyay natiijooyinka dib-u-eegista, oo lagu saleeyay qaacidada cusub ee Wadaagga Deeqaha, taas oo loo adeegsan doono wadaagga kabka Miisaaniyadeedka ee 2026.

2- Kulanku wuxuu ka dhegeystay Agaasinka Dakhliga DFS warbixin ku saabsan hannaanka midaynta Canshuurta Iibka, iyada oo la soo bandhigay heshiiska la xiriiro dhaqan-galinta canshuurta iibka iyo qaacidada qeybsiga dakhliga kasoo xarooda canshuurta iibka. Waxaa kale oo lagu heshiiyey in Guddi-hoosaadka Dakhliga ee IGFF-TC sii ambaqaado turxaan bixinta heshiiska qabyada ah, kadib talo-bixinta Guddi-hoosaadka, waxa heshiiska loo gudbinayaa kulanka Wasiirrada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka si ay usaxiixaan.

3- Gudigu wuxuu isku waafaqay in la mideeyo system ka canshuurta wado-marista Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyada oo la wafaajinayo qiimaha DFS, si sare loogu qaado dakhliga dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

4- Shirku wuxuu ku heshiyay in la dhaqangeliyo xeerka caalamiga ah ee xisaabaadka ee IPSAS Accrual.

5- Ugu danbeyn waxa la ansixiyey mideynta jadwalka diyaarinta miisaaniyadda ee dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka

WASIIRKA MAALIYADDA OO XIL KA QAADIS IYO MAGACAABID SAMEEYAYWasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Waqooyi Bari Soom...
30/08/2026

WASIIRKA MAALIYADDA OO XIL KA QAADIS IYO MAGACAABID SAMEEYAY

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sameeyay xil-ka-qaadis iyo magacaabid cusub, taas oo lagu dardargelinayo hawlaha maamulka Kastamka Degmada Xuddun, isla markaana kor loogu qaadayo dakhliga iyo hufnaanta shaqada.

24/08/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Jaamac Daahir Qodax, oo ay weheliyaan Hoggaanka Turubataariyada Ciidanka Booliska Waqooyi Bari, G/dhexe Cabdirisaaq Maxamed Cabdi, iyo Taliyaha Laanta Turubataariyada Gobolka Sool, Daaโ€™uud Axmed Aadan, ayaa safar shaqo ku tegay Degmada Xudun ee Gobolka Sool.

WASIIR  KUXIGEENKA MAALIYADDA WAQOOYI BARI OO SAFAR SHAQO  KU TAGEY  XUDUNWasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowla...
24/08/2026

WASIIR KUXIGEENKA MAALIYADDA WAQOOYI BARI OO SAFAR SHAQO KU TAGEY XUDUN

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Jaamac Daahir Qodax, oo ay weheliyaan Hoggaanka Turubataariyada Ciidanka Booliska Waqooyi Bari, G/dhexe Cabdirisaaq Maxamed Cabdi, iyo Taliyaha Laanta Turubataariyada Gobolka Sool, Daaโ€™uud Axmed Aadan, ayaa safar shaqo ku tegay Degmada Xudun ee Gobolka Sool.

Masโ€™uuliyiinta ayaa kulan la qaatay maamulka degmada, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka wada hadlay xaaladda degmada iyo xoojinta wada shaqaynta dowladda iyo bulshada.

Sidoo kale, wafdiga ayaa kormeer ku sameeyey Kastamka Cashuuraha Degmada Xudun, halkaas oo ay ku soo indha-indheeyeen habsami-u-socodka shaqada iyo howlaha cashuuraha ee ka socda kastamka.

Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamulka, ururinta dakhliga dowladda iyo horumarinta nidaamka cashuuraha ee Degmada Xudun.

ุฅูู†ูŽู‘ุง ู„ูู„ูŽู‘ู‡ู ูˆูŽุฅูู†ูŽู‘ุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽHoggaanka iyo dhamaan hawl wadeenaada  Wasaaradda Maaliyaddu waxay ka tacsiye...
21/08/2026

ุฅูู†ูŽู‘ุง ู„ูู„ูŽู‘ู‡ู ูˆูŽุฅูู†ูŽู‘ุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽ

Hoggaanka iyo dhamaan hawl wadeenaada Wasaaradda Maaliyaddu waxay ka tacsiyeynayaan geerida ku timid Marxuum Yuusuf Jibriil Garaad Cawl.

Waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Madaxweyne ku-xigeenka, Abdirashid Yusuf Jibril Cawl, iyo dhammaan ehelka uu marxuumku ka baxay.

Waxaanu Alle uga baryaynaa inuu marxuumka u naxariisto, danbigiisa dhaafo, Kuna abaalmariyo Jannatul Firdowsa, qoyskana ka siiyo samir iyo iimaan.

15/08/2026

Awoodda Dawlada iyo Horumarka Waqooyi Bari

Muwaadin cashuurtaada waxaa loo ururiyaa in lagu bixiyo adeegyada ay dawalada Waqooyi Bari u hayso Bulshadeeda.

Awooda dawladda iyo horumarinta waxaa laf dhabar u ah cashuurtaada Muwaadin.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawlada Waqooyi Bari ayaa u yeedhay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabd...
12/08/2026

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dawlada Waqooyi Bari ayaa u yeedhay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdiqani Xuseen X. Hiirad, si ay suโ€™aalo uga waydiiyaan arimaha Maaliyadda.

Wasiirku waxa uu ka warbixiyay kor-u-qaadista dakhliga, cashuur-ururinta iyo horumarinta dhaqaalaha Dawlada Waqooyi Bari.

06/08/2026
Shirkii Saddex-biloodlaha ahaa ee Miisaaniyadaha Dawlada Federaalka Soomaaliya, Dawlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka...
05/08/2026

Shirkii Saddex-biloodlaha ahaa ee Miisaaniyadaha Dawlada Federaalka Soomaaliya, Dawlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah loogu soo xidhay magaalada Muqdisho, waxaana soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Federaalka Soomaaliya, kaddib wada-tashi iyo dooddo ku saabsan horumarinta hannaanka miisaaniyadaha dalka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray mideynta iyo is-waafajinta habraacyada diyaarinta miisaaniyadaha Dawlada Federaalka, Dawlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyo diyaarinta miisaaniyadda sannadlaha ah. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii bulshada looga qaybgelin lahaa geeddi-socodka miisaaniyadda ka hor inta aan loo gudbin Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka.

Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari ayaa ka qayb-galaysa Shirka Guddiga Farsamada ee (IGFF) Guddi-Hoosaadka Miisa...
04/08/2026

Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari ayaa ka qayb-galaysa Shirka Guddiga Farsamada ee (IGFF) Guddi-Hoosaadka Miisaaniyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka, iyo Maamulka Gobolka Banaadir , kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa isugu yimid Agaasimayaasha Miisaaniyadda iyo hawlwadeenada Miisaaniyadda, si loo xoojiyo iskaashiga, isku-duwidda, iyo wadaagga khibradaha la xidhiidha diyaarinta iyo hirgelinta miisaaniyadda.

Inta uu shirku socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta habraacyada miisaaniyadda, is-weydaarsiga waayo-aragnimada, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay'adaha maaliyadda ee heerarka kala duwan ee dawlada, si loo taageero maamul maaliyadeed oo hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan nidaamka Federaalka.

Ka qaybgalka Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari ee shirka ayaa muujinaya sida ay uga go'an tahay xoojinta iskaashiga dawladeed iyo horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda dalka.

Dhamaad
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha
Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari

Address

Grand Mosque Area
Laascaanood

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Waqooyi Bari:

Shortcuts

Share