Dawlada Hoose ee Degmada dharkeyn-Geenyo

Dawlada Hoose ee Degmada dharkeyn-Geenyo Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dawlada Hoose ee Degmada dharkeyn-Geenyo, Government Official, Laascaanood.

04/03/2026

Hanbalyo, hanbalyo, hanbalyo.
Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee maanta la gaadhay. Alle Mahad leh, mahad oo dhan isaga ayaa iska leh.
Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya go’aanka geesinimada leh ee ay qaateen, iyagoo dhamaystiray dastuurkii dalka. Tani waa tallaabo qaran oo muujinaysa bisayl siyaasadeed iyo u hiilinta danaha shacabka Soomaaliyeed.
Anigoo ah Maayirka Degmada Dharkayn Geenyo ee Gobolka Sool, Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdinuur Cali Maxamed, waxaan caddeynayaa in dhamaystirka dastuurku uu muhiimad weyn u leeyahay ummadda Soomaaliyeed. Qof kasta wuxuu heli doonaa xuquuqdiisa dastuuriga ah, mana jiri doonto afduub ama tacaddi dambe, mana jiri doonto cid xuquuq qof kale ku takrifasha.
Waxaan ku boorinayaa madaxda Soomaaliyeed inay sida xildhibaannadu ugu dhiirradeen gudashada waajibaadkooda, ay iyaguna ugu dhiirradaan xaqiijinta in muwaadin kasta helo xuquuqdiisa iyo caddaalad buuxda.
In kastoo ay jireen caqabado, la rabay in lagu curyaamiyo hawshan, hadana maanta waa guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.
Mar labaad, hambalyo ummadda Soomaaliyeed. Guul iyo gobannimo.

17/02/2026

HANBALYO BILOWGA BISHA BARAKAYSAN
Anigoo ah Maayarka Degmada Dharkayn Geenyoo, Mudane Cabdi Nuur Cali Maxamed, waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan, gaar ahaan shacabka ku nool Waqooyi Bari Soomaaliya.
Waxaan Alle ka baryayaa in uu inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta kheyrka, naxariista iyo dembi dhaafka bisha barakaysan ee inoo bilatay. Ilaahay ha inaga aqbalo soonka, salaadda, sadaqada iyo camalka suubban ee aan gudanayno. Maadaaba ay inoo bilatay bishii
barakaysnayd waa in lays cafiyo bulshadeenna dhexdeeda. Ilaahay ha inoo barakeeyo dalkeenna iyo dadkeenna, hana inaga yeelo kuwii ku guulaysta ajarka iyo khayrka ku jira bishan fadligeeda, badan.
Ramadan Kariim.

Mudane
Cabdi Nuur Cali Maxamed
Maayarka Degmada Dharkayn Geenyoo

28/01/2026

Maamulka Degmada Dharkayn Geenyo ee Gobolka Sool (Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya) ayaa si rasmi ah u daah-furay cayaar saaxiibtinimo oo dhex martay xulka Degmada Dharkayn Geenyo iyo xulka Tuulada Saaxdheer, oo hoos timaadda Degmada Dharkayn Geenyo.
Cayaarta ayaa ahayd mid aad u qurux badan, islamarkaana muujisay kartida dhalinyarada labada dhinac, iyadoo cayaartu qayb ka tahay xoojinta is-dhexgalka bulshada, nabadda iyo walaalnimada.
Maayirka Degmada Dharkayn Geenyo, Cabdinuur Cali Maxamed, ayaa sheegay in cayaaruhu ay door muhiim ah ka qaataan mideynta bulshada, kor u qaadista caafimaadka dhalinyarada, isla markaana ay tahay fursad lagu dhiirrigeliyo wada noolaanshaha iyo horumarka degmada.

23/01/2026

Maamulka Degmada Dharkayn Geenyo, oo kaashanaya maamulka xaafadaha Waabari iyo Midnimo, ayaa maanta fuliyey olole ballaaran oo nadaafadeed. Ololahan ayaa lagu nadiifinayey waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee degmada, waxaana si firfircoon uga qayb qaatay Isboortiga Degmada iyo bulshada deegaanka.
Ololaha nadaafadda waxaa hoggaaminayey Maayarka Degmada Dharkayn Geenyo, Mudane Cabdinur Cali, kaas oo ku dhiirrigeliyey shacabka inay kaalin muuqata ka qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda degmada. Maayarku waxa uu xusay in nadaafaddu ay laf-dhabar u tahay caafimaadka bulshada iyo horumarka deegaanka.
Maamulka degmada ayaa ballan qaaday in ololadan oo kale la sii wadi doono si loo helo deegaan nadiif ah oo caafimaad qaba.

Shaqo wanaagsan
21/01/2026

Shaqo wanaagsan

Maamulka Degmada Dharkayn Geenyo, oo kaashanaya maamulka xaafadaha Waabari iyo Midnimo, ayaa maanta fuliyey olole ballaaran oo nadaafadeed. Ololahan ayaa lagu nadiifinayey waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee degmada, waxaana si firfircoon uga qayb qaatay Isboortiga Degmada iyo bulshada deegaanka.
Ololaha nadaafadda waxaa hoggaaminayey Maayarka Degmada Dharkayn Geenyo, Mudane Cabdinur Cali, kaas oo ku dhiirrigeliyey shacabka inay kaalin muuqata ka qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda degmada. Maayarku waxa uu xusay in nadaafaddu ay laf-dhabar u tahay caafimaadka bulshada iyo horumarka deegaanka.
Maamulka degmada ayaa ballan qaaday in ololadan oo kale la sii wadi doono si loo helo deegaan nadiif ah oo caafimaad qaba.

30/12/2025

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawlada Hoose ee Degmada dharkeyn-Geenyo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share