Vice President Office North-Eastern State of Somalia

Vice President Office North-Eastern State of Somalia Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI OO SHIR-GUDDOOMIYAY SHIRKA TODDOBAADLAHA AH EE GOLAHA WASIIRRADA DWBS‎‎Laa...
03/09/2026

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI OO SHIR-GUDDOOMIYAY SHIRKA TODDOBAADLAHA AH EE GOLAHA WASIIRRADA DWBS

‎Laascaanood, 03/09/2026: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎Ajandaha Shirka:-

‎1. Warbixinta Golaha.
‎2. Warbixinta xaaladda amniga.
‎3. Ansixinta Qabyo qoraalka xeerka Nootaayooyinka Dadweynaha

‎Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Golaha Wasiirrada ka dhagaystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga, hawlaha iyo shaqooyinka muhiimka ah ee u qabsoomay Xukuumadda, iyo qorshayaasha horyaalla hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

‎Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay Qabyo-qoraalka Xeerka Nootaayooyinka Dadweynaha kaas oo muhiim u ah nidaaminta, tayaynta iyo horumarinta adeegyada nootaayooyinka iyo adeegyada sharciga ah ee Dowladda.

‎Dood iyo falanqayn ka dib, Golaha Wasiirrada ayaa Qabyo qoraalka xeerka Nootaayooyinka Dadweynaha ku ansixiyay cod gacan-taag ah waxaana xeerka loo gudbiyay Golaha Wakiillada Dowladda Waqooyi Bari si uu u maro hannaanka sharci-dejinta ee xiga.

‎Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa faray Golaha Wasiirrada iyo dhammaan hay’adaha Dowladda in la dardargeliyo shaqooyinka horyaalla, lana xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hay’adaha Dowladda, si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshayaasha, siyaasadaha iyo mudnaanta Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎ – DHAMMAAD –

‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya

01/09/2026

‎Muuqaalka Guud ee Kormeerka Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mud.Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya .

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI OO KORMEER KU TAGAY TALISKA GUUD EE CIIDANKA BOOLISKA DWBS‎‎Laascaanood 01...
01/09/2026

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI OO KORMEER KU TAGAY TALISKA GUUD EE CIIDANKA BOOLISKA DWBS

‎Laascaanood 01/09/2026: - Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta kormeer ku tagay Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa Taliska si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Booliska DWBS G/Sare Siciid Xasan Faarax, saraakiisha iyo hoggaanka Ciidanka Booliska Dowladda Waqooyi Bari, waxaana uu salaan sharafeed ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska.

‎Intii uu kormeerku socday, Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu kulan iyo is-xogwaraysi la yeeshay saraakiisha Ciidanka Booliska, isagoo ka dhagaystay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga, shaqada ciidanka iyo howlaha ay u hayaan bulshada iyo Dowladda Waqooyi Bari.

‎Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyay dadaalka iyo shaqada ay hayaan Ciidanka Booliska, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-jibaaraan gudashada waajibaadkooda, ilaalinta amniga iyo xasilloonida, iyo u adeegidda shacabka.

‎Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidamada Booliska inay ilaaliyaan anshaxa iyo kala dambaynta ciidanka, isla markaana ay si xilkasnimo, daacadnimo iyo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

‎Kormeerka iyo kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Duqa Caasimadda Laascaanood.

‎ -Dhammaad-

‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎ALLE HA U NAXARIISTO AABBE YUUSUF JIBRIIL GARAAD CAWL‎‎Laascanood 25.08.2026:- Maanta magaalada Laascaanood waxaan aas ...
25/08/2026

‎ALLE HA U NAXARIISTO AABBE YUUSUF JIBRIIL GARAAD CAWL

‎Laascanood 25.08.2026:- Maanta magaalada Laascaanood waxaan aas qaran ugu sameynay Alle ha u naxariistee Aabe Yuusuf Jibriil Garaad Cawl, oo ahaa aabbaha Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Garaad Cawl.

‎Marxuumka oo ku geeriyooday magaalada Nairobi, ayaa meydkiisa loo soo qaaday magaalada Laascaanood, halkaas oo maanta si maamuus iyo qadarin leh loogu sagootiyey.

‎Aaska waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, saraakiisha ciidamada, culimo, Madaxdhaqameed , waxgarad, ehel, qaraabo iyo dadweyne aad u tiro badan.

‎Waxaan Alle SWT uga baryaynaa Marxuumka inuu u naxariisto, qabrigiisana u waasiciyo, nuurna uga dhigo qabriga , kana waraabiyo Jannatul Firdowsa.

‎إنا لله وإنا إليه راجعون.

‎Alle ha u naxariisto Aabe Yuusuf Jibriil Garaad Cawl.

‎ – Dhammaad –
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
‎Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

TACSI:-‎إنا لله وإنا إليه راجعون الله يرحمهInaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuunIllaahaay naxariistii Janno haka waraab...
21/08/2026

TACSI:-

‎إنا لله وإنا إليه راجعون الله يرحمه

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Illaahaay naxariistii Janno haka waraabiyo Aabo Yuusuf Jibriil Garaad Cawl oo goor dhoweyd ku geeriyooday magaalda Nairobi.

‎Illaahay ha’u Naxariistee Aabo Yuusuf Jibriil Garaad Cawl, waxaan illaahay uga baryayaa inuu janadiisa Fardowsa geeyo,

Dhinaca kalena waxaan si gaara tacsi ugu tacsiyadaynayaa Adeer Aadan Jibriil Garaad Cawl, Eedo Caasho Jibriil Garaad Cawl iyo dhammaan duriyada qoyska reer Jibriil Garaad Cawl, ehelka iyo qaraabada iyo dhammaan axaantii Aabo, Illaahayna waxaan inooga baryayaa dhammaaanteenba inuu samir iyo iimaan inakasiiyo,
aamiin aamiin ,

‎إنا لله وإنا إليه راجعون الله يرحمه

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI OO SHIR-GUDDOOMIYAY SHIRKA TODDOBAADLAHA AH EE GOLAHA WASIIRRADA DWBS‎‎Laa...
20/08/2026

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI OO SHIR-GUDDOOMIYAY SHIRKA TODDOBAADLAHA AH EE GOLAHA WASIIRRADA DWBS

‎Laascaanood, 20/08/2026: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎Ajandaha Shirka:

‎1. Warbixinta Todobaalaha ah ee Dowladda
‎2. Warbixinta xaaladda amniga.
‎3. Xuska maalinta taariikhiga ah ee 25-ka August.
‎4. Qabyo-qoraalka Xeerka Khayraadka Biyaha.
‎5. Qabyo-qoraalka Xeerka Nootaayooyinka.

‎Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Golaha Wasiirrada ka dhagaystay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee amniga, shaqooyinka muhiimka ah ee u qabsoomay Xukuumadda iyo qorshayaasha horyaalla hay’adaha dowladda.

‎Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale si qoto dheer uga hadlay diyaar-garowga iyo qorshayaasha la xiriira xuska maalinta taariikhiga ah ee 25-ka August, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in munaasabaddaasi loo diyaariyo si habsami leh.

‎Intii uu shirku socday, Golaha ayaa sidoo dood ka yeeshay qabyo-qoraalka Xeerka Khayraadka Biyaha iyo Qabyo-qoraalka Xeerka Nootaayooyinka, kuwaas oo muhiim u ah nidaaminta iyo horumarinta adeegyada iyo hay’adaha sharciga ah ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa faray Golaha Wasiirrada iyo dhammaan hay’adaha dowladda in la dardargeliyo shaqooyinka horyaalla, lana xoojiyo wada-shaqaynta hay’adaha si loo xaqiijiyo qorshayaasha iyo mudnaanta uleh Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎ – Dhammaad –
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
‎Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA AHNA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI OO XAFIISKIISA KU QAABILAY WAFDI KA SOCDA QARA...
16/08/2026

‎KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA AHNA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI OO XAFIISKIISA KU QAABILAY WAFDI KA SOCDA QARAMADA MIDOOBAY (UN)

‎Laascanood 16/08/2026:- Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mud Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimada Mud. George Conway.

‎Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

‎Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa uga mahadceliyay wafdiga Qaramada Midoobay booqashadooda iyo dadaallada ay ku bixiyaan taageerada iyo wada shaqaynta ay Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya la leeyihiin.

‎Dhinaca kale, wafdiga Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan wada-shaqaynta iyo taageerada ay la leeyihiin Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, si wax looga qabto baahiyaha bani’aadannimo iyo kuwa horumarineed ee ka jira deegaannada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎Kulanka Waxa Qayb Ka ahaa Qaar Kamida Golaha Wasiirada Dowladda Waqooyi Bari.

‎ – Dhammaad –
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
‎Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA AYAA SHIR-GUDDOOMIYAY SHIRKA TODOBAADLAHA AH EE GOLAHA WASIIRRA...
13/08/2026

‎MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA AYAA SHIR-GUDDOOMIYAY SHIRKA TODOBAADLAHA AH EE GOLAHA WASIIRRADA DWS

‎Laascaanood, 13/08/2026: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Abdirashid Yusuf Jibril, ayaa shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎Ajandaha Shirka:

‎1. Warbixinta Todobaadlaha ah ee Dawladda
‎2. Warbixinta Amniga.
‎3. Qabyo-qoraalka Xeerka Khayraadka Biyaha.
‎4. Qabyo-qoraalka Xeerka Nootaayooyinka.
‎5. Istaraatiijiyadda Miisaaniyadda Sannad-Maaliyadeedka 2027.
‎6. Xeerka ku noqoshada Qoondada Miisaaniyadda Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ee sannadka 2026.

‎Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Golaha Wasiirrada ka dhagaystay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga iyo shaqooyinka muhiimka ah ee u qabsoomay Xukuumadda.

‎Golaha Wasiirrada ayaa loo qaybiyay Qabyo-qoraalka Xeerka Khayraadka Biyaha iyo Qabyo-qoraalka Xeerka Nootaayooyinka, si ay xubnaha Goluhu u akhriyaan, u daraaseeyaan, ugana soo baaraan-degaan qodobada xeerarkaasi ka kooban yihiin.

‎Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxay si qoto dheer uga doodeen Istaraatiijiyadda Miisaaniyadda Sannad-Maaliyadeedka 2027. Dood iyo falanqayn dheer kaddib, Golaha ayaa cod-gacan-taag ah ku ansixiyay Istaraatiijiyadda Miisaaniyadda Sannad-Maaliyadeedka 2027.

‎Golaha Wasiirradu waxay dood ka yeesheen Xeerka ku noqoshada Qoondada Miisaaniyadda Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ee sannadka 2026, iyadoo xubnaha Goluhu ay ka hadleen qodobbada xeerka iyo muhiimadda uu u leeyahay hannaanka maaliyadeed ee dowladda.

‎Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa Golaha faray in si habsami leh loo dhamaystiro akhrinta iyo dhamaystirka xeerarka horyaalla Golaha, isla markaana la dardargeliyo hawlaha shaqo ee Xukuumadda.

‎ – Dhammaad –
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
‎Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

‎KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA AHNA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA AYAA HAMBALYO U DIRAY GUDOOMIYAHA C...
10/08/2026

‎KU-SIMAHA MADAXWEYNAHA AHNA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA AYAA HAMBALYO U DIRAY GUDOOMIYAHA CUSUB EE GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYEED

‎Laascanood 10/08/2026:- Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hambalyo iyo bogaadin udiray Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mud. Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

‎Madaxweynaha Dawladda WBS mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Mud. Cabdirashiid Yuusuf...
08/08/2026

‎Madaxweynaha Dawladda WBS mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Mud. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shir guddoomiyey shirka todobaadlaha ee golaha wasiirada

‎Ugu horeyn Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa dhagaystay warbixinta golaha ee ku aaddan amniga, difaaca, horumarinta dakhliga iyo adeegyada dawliga ah oo ay soo jeediyaan wasiirada wasaaradahu.

‎Intaa kaddib, Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada ayaa golaha la wadaagay qorshaha dhismaha garoonka diyaaradaha ee caasimmadda Laascaanood kaas oo qorshuhu yahay in si casri ah loo dhiso.

‎Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ugu danbeyn wasiirada ku adkeeyay dardargelinta shaqooyinka maamul iyo u adeegidda shacabka si loga dhabbeeyo yoolasha xukuumadda.

‎ – Dhammaad –
‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha
‎Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Address

VP Office Northeastern State
Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Vice President Office North-Eastern State of Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share