Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Waqooyi Bari soomaaliya

Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Waqooyi Bari soomaaliya Bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Waqooyi Bari

Laascaanood : Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ka dh...
08/07/2026

Laascaanood : Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ka dhacay kulan ballaran oo isbarasho, xogwareysi iyo talo-wadaag ah, kaas oo dhexmaray mas'uuliyiinta ugu sarreysa wasaaradda, ganacsatada kalluunka, iyo daneeyayaasha kala duwan ee qaybta kalluumaysiga ee magaalada Laascaanood.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah, waxaa shir-guddoominayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cali Ibraahim Salaad (Sayid).
Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd in la abuuro wada-shaqayn xooggan, si loo dardargeliyo ka faaโ€™iidaysiga iyo horumarinta kalluunka.

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto-dheer looga dooday muhiimadda kalluunk u leeyahay kor u qaadista wax-soo-saarka, dhiirrigelinta isticmaalka nafaqada kalluunka.

Ganacsatada iyo daneeyayaashii kulanka ka qaybgalay ayaa si furan oo hufan u soo bandhigay caqabadaha hortaagan shaqadooda, iyagoo madasha keenay talooyin wax ku ool ah iyo aragtiyo waaqici ah oo wax ka beddeli kara mustaqbalka hormarinta kalluunka iyo kafaaidaysigiisa .

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga waqooyi Bari ayaa sidoo kale siwayn u soo dhaweeyay talooyinka ganacsatada, wuxuuna sheegay in talooyinka lakeenay ay qayb Ka noqon doonaan qorshayaasha dhow ee wasaaradda si xal waara loogaaro.

Sidoo kale kulankan waxaa qayb Ka ahaa waaxda hormarinta kalluumaysiga, iyo waaxda qorshaynta wasaaradda.
________________
-DHAMMAAD-
Official Email: [email protected]
page: https://www.facebook.com/profile.php?id=61583030426352

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, Ismail Sh. Salah Ahmed, w...
30/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, Ismail Sh. Salah Ahmed, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabwaynaha Waqooyi Bari, munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo, oo astaan u ah midnimada, xorriyadda, iyo qaranimada Soomaaliyeed.

Hambalyo Maalinta Shaqaalaha AdduunkaWaxaan u mahadcelinaynaa dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadk...
01/05/2026

Hambalyo Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda dadaalkooda iyo doorkooda muhiimka ah ee horumarinta dalka.
Shaqadiinu waa tiirka horumarka iyo badbaadada khayraadkeenna.

๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Ÿ•๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ (๐…๐Œ๐ƒ๐‚).Wasiirka Wasaaradda Kal...
18/04/2026

๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Ÿ•๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ (๐…๐Œ๐ƒ๐‚).

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Waqooyi Bari, Mudane Ismail Sh. Salah Ahmed, ayaa ka qayb galay Shirka 7aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumaysiga Soomaaliyeed (FMDC), oo si guul leh uga qabsoomay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 16 ilaa 18 Abriil 2026.

Shirka waxaa ka soo qayb galay wasiirrada kalluumaysiga ee dowlad-goboleedyada, xubno ka tirsan Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil sare, bah-wadaagta horumarinta, iyo khubaro farsamo, si loo qiimeeyo horumarka, loogana wada hadlo caqabadaha, isla markaana loo dejiyo mudnaanta istiraatiijiga ah ee horumarinta waarta ee waaxda kalluumaysiga.

Arrimaha muhiimka ah ee laga dooday:
1. Xoojinta maamulka iyo wada-shaqeynta heer federaal, dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir
2. La dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU)
3. Dhiirrigelinta maalgashiga iyo hagaajinta jawiga ganacsiga
4. Horumarinta kaabayaasha kalluumaysiga sida dekedaha iyo xarumaha qaboojinta/kaydinta kalluunka
5. Dhismaha nidaam xog-ururin qaran iyo xoojinta MCS (Monitoring, Control & Surveillance)

A) Aqoonsiga awoodda waaxda kalluumaysiga

Goluhu wuxuu si cad u aqoonsaday in kalluumaysigu yahay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama dalku leeyahay xeeb dheer oo hodan ku ah kheyraad badeed aan weli si buuxda looga faaโ€™iidaysan.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyay in kheyraadka badda uu yahay hanti qaran oo istiraatiiji ah, loona baahan yahay dadaal qaran oo mideysan si loo beddelo faaโ€™iido dhaqaale oo muuqata.

Dhiirrigelinta maalgashiga iyo canshuurdhaafka

Goluhu wuxuu isku raacay in la abuuro jawi maalgashi oo hufan oo taageera kobaca waaxda kalluumaysiga, iyadoo la hirgelinayo canshuurdhaaf qaran oo ku wajahan qalabka muhiimka ah ee maalgashiga kalluumaysiga, sida:
โ€ข Qalabka warshadaynta kalluunka
โ€ข Qalabka dhismaha iyo dayactirka doomaha
โ€ข Qalabka tamarta qorraxda
โ€ข Qalabka qabashada kalluunka
โ€ข Qalabka qaboojinta, kaydinta iyo gaadiidka silsiladda qabow

C) Dhiirrigelinta iyo suuq-geynta waaxda

Goluhu wuxuu ansixiyay qabashada Toddobaadka Kalluumaysiga Soomaaliya (22 Juun 2026), oo noqon doona madal qaran oo lagu soo bandhigo fursadaha maalgashi, lagu xoojiyo xiriirka ganacsi, laguna dhiirrigeliyo hal-abuurka iyo tiknoolajiyadda.

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay:
โ€ข Xoojinta dekedaha kalluumaysiga iyo xarumaha qaboojinta
โ€ข Ballaadhinta tababarrada iyo horumarinta xirfadaha kalluumaysiga

D) Xoojinta nidaamyada maareynta xogta

Goluhu wuxuu adkeeyay muhiimadda xog sax ah oo lagu maamulo waaxda kalluumaysiga, waxaana la isku raacay:
โ€ข Dardargelinta nidaamka FIMS/FMIs
โ€ข Dhismaha nidaam xog ururin qaran oo mideysan
โ€ข Xoojinta tababarrada iyo kormeerka joogtada ah

E) La-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU)

Goluhu wuxuu xaqiijiyay in kalluumaysiga sharci-darrada ah uu sababo khasaaro dhaqaale oo weyn.

Sidaas darteed waxaa la isku raacay:
โ€ข Xoojinta MCS
โ€ข Kordhinta ilaalinta badda
โ€ข Xoojinta wada-shaqeynta heer federaal, dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir

Gunaanad

Shirka 7aad ee FMDC wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo waaxda kalluumaysiga Soomaaliya, si ay u noqoto mid casri ah, tartan leh, isla markaana waara. Goluhu wuxuu mar kale xaqiijiyay goโ€™aankiisa ah in si wadajir ah looga faaโ€™iideysto kheyraadka badda dalka.

DHAMMAAD

Muqdisho, 16 Apri, 2026:- Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa ka qayb g...
16/04/2026

Muqdisho, 16 Apri, 2026:- Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa ka qayb gashay Shirka 7-aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumaysiga Dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, islamarkaana socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirka ayaa waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Diirshe, oo warbixin guud ka bixiyay howlaha Wasaaradda, mashaariicda socda, heshiisyada la galay, iyo horumarka laga sameeyay hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Waqooyi Bari waxaa shirka ku matalay Ku-simaha Agaasimaha Guud, Mudane Mohamoud Ali Mire, oo door muuqda ka qaatay doodaha iyo falanqaynta arrimaha la xiriira horumarinta kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimayaal Guud oo ka socday Wasaaradaha Kalluumaysiga ee Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Intii uu shirka socday, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay qorshayaasha Wasaaradda, gaar ahaan mashruuca Badmaal ee 2026 iyo mashruuca Xog-ururinta FIMS oo ay Wasaaradda iska kaashanayaan Hayโ€™adda FAO, iyadoo la isla eegay heerka ay marayaan iyo sidii loo dardar gelin lahaa hirgelintooda.

Ugu dambeyn, ka qeybgalayaasha shirka ayaa is-weydaarsaday aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku aaddan horumarinta sector-ka kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, si si hufan looga faaโ€™iideysto kheyraadka badda ee dalka.

______________
-DHAMMAAD-

10/04/2026

โ€œDeni Dooni Maayo in Shidaalka la soo saaro โ€
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga
Waqooyi Bari oo Digniin u diray Puntlan

01/04/2026

๐Ÿ“ข Ololaha Qor u qaadista Dakhliga Dawladda Waqooyi Bari (2/15)

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Waqooyi Bari Mudane Ismaaciil Sh. Salah Ahmed oo kamida Guddiga Qor u qaadista Dakhliga Waqooyi Bari ayaa ka qayb galey Maalinka Labaad Ee Ololaha Qor u qaadista Dakhliga

Wasiirka Oo ka hadlay Muhiimada Dakhliga Ayaa sheegay inuu awoodda Saari doona Horumarinta dhaqaalaha buluugga iyo Khayraadka Badda

Wasiirka ayaa Bulshada Waqooyi Bari Ugu baaqey ka qayb qaadashada Ololaha kor u qaadista dakhliga Dawladda gaar ahaana Ganacsatada iyo
Qurbajoogta.

Ujeedada Ololahan ayaa ah Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Gargaarka Degdega ah.

๐ŸŒ™ Eid MubarakWasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, Ismail Sh. S...
19/03/2026

๐ŸŒ™ Eid Mubarak

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, Ismail Sh. Salah Ahmed, waxa uu umada muslimiinta ah gaar ahaan shacabwaynaha woqooyi bari ugu hambalyaynaya munaasibada ciidul fidriga.

Waxaan alle waydiisanaynaa inuu inaka aqbalo acmasha wanaagsan an so samaynay bishii Ramadan.

_DHAMAAD_

Muqdisho โ€“ Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Waqooyi Bari, Mudane Ismail Sh. Salah, ayaa b...
15/02/2026

Muqdisho โ€“ Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Waqooyi Bari, Mudane Ismail Sh. Salah, ayaa booqasho ku tegey Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somalia,Mudane Daud Aweys. Booqashada waxaa sidoo kale ku wehelinayay Wasiirka Wasaradda Warfaafinta Waqooyi Bari.

Muqdisho : 8/Feb/2026:- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Ismaciil sh. Saalax oo uu we...
08/02/2026

Muqdisho : 8/Feb/2026:- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Ismaciil sh. Saalax oo uu weheliyo Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Cali Warsame Cismaan , ayaa kulan la yeeshay hoggaanka Hay'adda (FAO) ee Soomaaliya.

Kulankaas oo ay kasoo qayb galeen madaxa (FAO) oo ugu horeeyo Etienne Peterschmitt, madaxa kalluumeysiga (FAO), Papa Gora Ndiaye, iyo isku-duwaha Barnaamijyada Cabdi Aadan.

Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kalluumeysiga, beeraha, horumarinta xoolaha, iyo barnaamijka (SWALIM), iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda maareynta kheyraadka si waara, la qabsiga isbeddelka cimilada, iyo horumarinta nidaamyada xogta casriga ah.

Qodobadan ayaa lagu tilmaamay kuwo laf-dhabar u ah taageeridda nolol-maalmeedka bulshada iyo kobaca dhaqaalaha guud ahaan dowlad-goboleedka waqooyi bari.
________________
-DHAMMAAD-
Official Email: [email protected]
page: https://www.facebook.com/profile.php?id=61583030426352

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Waqooyi Bari soomaaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share